Abdinur Bashir, Author at Kaab TV

Saddex madaxweynayaal hore oo Xasan Sheekh uga digay boobka dhulalka
MUQDISHO (Kaab TV) – Qoraal wadajir ah oo naxdin leh, saddex madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud boobka dhulalka dadweynaha, iyaga oo uga digay in ay ka dhalan karaan cawaaqib haddii ay arrintan sii socoto.

Madaxweynayaashii hore — Cabdiqaasim Salaad Xasan, Shariif Sheekh Axmed, iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo — ayaa ku baaqay in dhammaan dhulalka si sharci-darro ah loo boobay dib loogu celiyo dowladda.

Waxay si cad uga dalbadeen Xasan Sheekh Maxamuud inuu:

1.Inuu ka waantoobo ku takri-falka hantida danta guud iyo u awood sheegashada dadka dan yarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego.

2.In dib u dajin loo sameeyo dadka la bara kiciyay, xaq dastuuri ahna u leeyihiin in ay helaan deegaan.

3.in dhulka lagu soo celiyo gacanta Dowladda, kii laga maarmi waayana la mariyo hannaanka sharcigu tilmaamay.

Ugu dambayn, waxay saddexda madaxweyne hore uga digeen ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee xalaal quudatada ah “in aanay ku kadsoomin dhulka danta guud ee ummadda ka dhexeeya, meelna uga soo wada jeestaan fasaadka iyo boobka hantida qaranka, iyaga oo ogsoon awooddooda dastuuriga ah ee ku cad qodobka laad ee Dastuurka Dalka.”

The post Saddex madaxweynayaal hore oo Xasan Sheekh uga digay boobka dhulalka appeared first on Kaab TV.

Cudurrada faafa oo ku sii fidaya Soomaaliya, 300 kun oo biyo nadiif heli karin
MUQDISHO (Kaab TV) — Hay’adda Qaxootiga ee Norway (NRC) ayaa Isniinta maanta ku dhawaaqday in hoos u dhac weyn oo ku yimid maalgelinta gargaarka bani’aadantinimo uu sababay in in ka badan 300,000 oo qof oo Soomaaliyeed laga jaro sahayda biyaha nadiifka ah, taas oo sare u qaaday cudurrada laga hortagi karo sida daacuunka iyo shuban biyoodka daran.

Qaramada Midoobay ayaa sanadkan horraantiisii codsatay gargaar dhan 1.42 bilyan oo doollar si loogu caawiyo 4.6 milyan oo Soomaali ah, balse illaa hadda waxaa la helay oo kaliya 17 boqolkiiba.

Adeegyada biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka ayaa ah kuwa ugu daran ee saameeyay, iyagoo helay wax ka yar 12 boqolkiiba lacagtii loo baahnaa.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ay qasban yihiin in ay joojiyaan adeegyo badan, taasoo malaayiin qof ka tagtay iyagoo aan taageero haysan.

“Hoos u dhaca gargaarka bani’aadantinimo ee Soomaaliya ma micnaheedu waa dadku uma baahna gargaar, balse wuxuu ka dhigan yahay in in ka badan saddex milyan oo Soomaali ah lagu qasbi doono in ay naftooda u tashadaan,” ayuu yiri Maxamed Cabdi, agaasimaha guud ee NRC ee Soomaaliya.

“Jarista taageerada waxay ku kacaysaa nolosho. Horeba waxaan u aragnaa kororka dhimashada carruurta yaryar ee biyo wasakhaysan ku bukooda,” ayuu sii raaciyay.

Intii u dhexeysay Janaayo iyo Luulyo sanadkan, Soomaaliya waxaa laga diiwaangeliyay in ka badan 6,550 kiis oo daacuun iyo shuban biyood ah, oo ay ku dhinteen sagaal qof.

Safiia Axmed, hooyo barakac ah oo leh saddex carruur ah, iyadoo taagan agagaarka hoygeeda ku meel gaarka ah ee Baydhabo. | SAWIR/NRC.

Bishii la soo dhaafay oo keliya waxaa la diiwaangeliyay in ka badan 1,000 kiis oo cusub, ku dhawaad laba meelood meel oo ah xaalado halis ah, halka badhku ay carruur ka hooseeya shan sano yihiin.

Burburka adeegyada caafimaad ayaa sababay in in ka badan 150 xarun caafimaad ay xirmaan, halka kooxihii caafimaadka guura ee Koonfur Galbeed ay hoos uga dhaceen 74 ilaa 25.

Qoysaska ku nool xeryaha barakacayaasha iyo miyiga abaaruhu ku dhufteen ayaa hadda qasab ku ah in ay saacado lugeeyaan si ay biyo u helaan, mararka qaarkoodna waxay cabbaan biyo aan nadiif ahayn.

“Horay waxaan uga keeni jirnay biyo meel dhow. Hadda saacado ayaan soconaa si aan biyo u helno, mararka qaarna gabi ahaanba biyo ma jiraan. Carruurteennu way bukoodaan, wax aan ka qaban karna ma hayno,” ayay tiri Xaawa Cali, hooyo sideed carruur ah leh oo ku nool xero ku taalla Baydhabo.

Gobollada ugu daran waxaa ka mid ah Bay, Bakool, Gedo, Galgaduud, Hiiraan, Mudug iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo nidaamyada biyaha ay maamulayeen hay’adaha gargaarka balse hadda istaagay sababo la xiriira dhaqaale la’aan.

Deegaannada abaartu ku dhufatay qiimaha biyaha ayaa ku dhowaad laba jibbaarmay, isagoo ka kacay $70 ilaa $130 halkii 10,000 litir, taas oo ka dhigtay kuwo aan la awoodin.

Puntland iyo Somaliland

Puntland, maamulka ayaa sheegay in 800,000 qof ay biyo waayeen, halka Somaliland xaalad abaareed degdeg ah ay 650,000 qof u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

“Isku dhaca colaadaha, abaaraha isdaba joogga ah iyo hoos u dhaca taageerada caalamka ayaa Soomaaliya geliyay xaalad halis ah,” ayuu yiri Maxamed Cabdi, agaasimaha guud ee NRC ee Soomaaliya.

Wuxuu intaa ku daray “Maanta waxaan aragnaa carruur tabar daran, jerrycan madhan iyo dhimasho laga hortagi karo. Tani waa musiibo bini’aadanimo oo wali la joojin karo.”

The post Cudurrada faafa oo ku sii fidaya Soomaaliya, 300 kun oo biyo nadiif heli karin appeared first on Kaab TV.

Tallaalka carruurta Soomaaliya oo wax xoogaa horumar laga gaaray
Muqdisho (Kaab TV) –  Xog cusub oo ay si wadajir ah u soo saareen Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Hay’adda UNICEF ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay tallaabooyin weyn ka qaaday arrimaha tallaalka carruurta, iyadoo hadda 70% carruurta dalka si buuxda loo tallaalay—koror dhan 28% marka la barbar dhigo sanadihii 2012 ilaa 2024.

Warbixinta sannadlaha ah ee WHO/UNICEF ee qiimeynta heerarka tallaalka qaran (WUENIC), oo maanta la shaaciyay, ayaa daaha ka qaaday horumar joogto ah oo laga gaaray dhammaan tallaalada muhiimka ah tan iyo 2019.

Warbixintu waxay muujinaysaa meelaha laga gaaray guulo, caqabadaha weli jira iyo halka ay hoos uga dhacday baahinta tallaalka.

Guushan la gaaray waxay imaanaysaa iyadoo Soomaaliya ay dardar galisay dadaallada lagu xoojinayo nidaamka tallaalka. Sannadkii 2024, Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ee Federaalka, oo kaashanaysa WHO iyo UNICEF, waxay hirgelisay ol’olaha degdegga ah ee “Big Catch-Up”.

Ol’olahan wuxuu si gaar ah diiradda u saaray carruurta aan weligood tallaal helin (“zero-dose”) iyo kuwa aan si buuxda loo tallaalin—tallaabo weyn oo loo qaaday dhimista dhimashada carruurta.

Intii uu socday dadaalkan, Soomaaliya waxay sannadkii hore bilowday adeegsiga laba tallaal oo muhiim ah: tallaalka pneumococcal conjugate (PCV) iyo tallaalka rotavirus, kuwaas oo lagula tacaalayo oof-wareenka iyo shuban-biyoodka—labada cudur ee ugu weyn ee keena dhimashada carruurta ka yar shan sano.

Hooyo iyo ilmaheeda oo ku sugan xarun caafimaad oo ay leedahay UNICEF. | SAWIRKA/UNICEF.

“Tallaalku waa mid ka mid ah xalka ugu wax ku oolka badan ee lagu xakameeyo cudurrada laga hortagi karo,” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan.

“Si aan horey ugu soconno, waa in aan sii xoojinnaa awoodda shaqaalaha caafimaadka ee safka hore, aanna kordhinaa wacyigelinta bulshada ee ku aaddan muhiimadda tallaalka nolosha badbaadiya.”

Ku dhawaad 1.5 milyan oo carruur ah oo ka yar da’da 5 sano ayaan wali helin tallaal

Sanado badan, heerka tallaalka carruurta ee Soomaaliya wuxuu ka hooseeyay 50%, sababo la xiriira colaadaha, barakaca, iyo adeegyada caafimaad ee liita.

Maanta, ku dhawaad 1.5 milyan oo carruur ah oo ka yar da’da shanta sano ayaa wali ah kuwo aan marna la tallaalin.

Si kastaba ha ahaatee, ol’olaha “Big Catch-Up” ayaa keenay in ku dhawaad 700,000 oo carruur ah helaan tallaalkoodii ugu horreeyay ee pentavalent-ka sanadkii 2024—kaasoo ka hortaga cudurro halis ah sida jadeecada iyo qufac-dheer.

“Somalia waxay gaartay horumar weyn oo ay ku gaartay carruurta nugul meel kasta oo ay joogaan,” ayay tiri Dr. Renee Van de Weerdt, Wakiilka WHO ee Soomaaliya.  “Marka lagu daro tallaalada joogtada ah, ol’olayaal tayo leh—oo ay ku jiraan kuwo la iska kaashaday dalalka dariska ah—ayaa gacan ka geysanaya ilaalinta carruurta cudurka dabaysha oo dalka ka dillaacay tan iyo 2017.”

Si loo horumariyo nidaamka bixinta tallaalka, UNICEF iyo WHO waxay taageereen olole qaran oo lagu hagaajinayo tayada xogta caafimaadka dhammaan degmooyinka iyo xarumaha caafimaadka.

Tani, oo lagu daray horumarinta kaabeyaasha kaydinta tallaalka iyo wacyigelinta bulshada, waxay sare u qaaday heerka tallaalka iyo kalsoonida lagu qabo xogta caafimaad.

“Dadaalka dowladda iyo iskaashiga ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah ayaa keenay natiijooyin dhab ah,” ayuu yiri Nisar Syed, Ku-simaha Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. “Maanta, 90% xarumaha caafimaadka ee bixiya tallaalka waxaa lagu qalabeeyay qaboojiye cadceedda ku shaqeeya, si loo hubiyo in tallaalka meel walba si badbaado leh loogu gaarsiiyo.”

Xogta WUENIC ee 2024 ayaa sidoo kale muujinaysa in tirada carruurta aan marna la tallaalin ay hoos uga dhacday dalalka ay taageerto Gavi, sida Soomaaliya.

Tani waxay caddeyn u tahay muhiimadda ay leedahay maalgelinta tallaalka ee caalamiga ah. Wada-hawlgalayaasha muhiimka ah sida Gavi, Barnaamijka Cudurka Dabaysha ee Caalamiga ah, Xafiiska UK ee Arrimaha Dibadda, Horumarinta iyo Barwaaqada, Bangiga Adduunka iyo Aasaaska Gates Foundation ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya badbaadinta carruurta.

Iyadoo caalamku ku sii socdo hirgelinta Ajendaha Tallaalka ee 2030, oo ujeedkiisu yahay in tallaalka si siman loo gaarsiiyo qof walba meel kasta oo uu joogo, horumarka ay Soomaaliya gaartay wuxuu tusaale u yahay waxa la gaari karo marka la helo maalgashi sax ah, iskaashi xooggan, iyo ka-qaybgalka bulshada.

The post Tallaalka carruurta Soomaaliya oo wax xoogaa horumar laga gaaray appeared first on Kaab TV.

Xasan Sheekh oo la tacaalaya khilaafka Laftagareen iyo Xasan Eelaay
MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la tacaalaya khilaaf xooggan oo hadda ka dhex taagan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Xasan Eelaay oo hadda ah Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Eelaay ayaa ah musharrax doonaya inuu u tartamo xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna dhowaan tagay magaalada Baydhabo halkaas oo sida la sheegay uu ka bilaabay ol’ole siyaasadeed oo ka dhan ah Laftagareen.

Hase ahaatee madaxweyne Laftagareen ayaa la sheegayaa inuu ciidan hubeysan duldhigay guriga Xasan Eelaay ee magaalada Baydhabo oo ku dhow xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed, taasoo keentay in dhaqdhaqaaqii siyaasadeed iyo dadkii soo booqan jiray siyaasigan uu hakad galo.

Ilo wareed ku sugan Baydhabo ayaa Kaab TV u sheegay in Wasiir Xasan Eelaay uu maanta u safray Muqdisho isagoo ka careysan xayiraadda la saaray gurigiisa iyo ol’olihiisa siyaasadeed.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaan ka hadlin arrinkan.

Dadka Baydhabo ayaa ka walaacsan in khilaafkan uu keeni karo gacan ka hadal rabshad wata, maadaama ay labada dhinac hubeysan yihiin.

Madaxweyne Laftagareen ayaa isaguna lagu wadaa inuu safar ku yimaado Muqdisho, iyadoo afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay isku dayayaan inay dhex dhexaadiyaan labada nin.

Wasiir Xasan Eelaay ayaa waayadan danbe lagu tirinayay kooxda xulufada Xasan Sheekh wuxuuna dhowaan ku biiray xisbiga cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh sameystay kaas oo loo bixiyay ‘Caddaaladda iyo Wadajirka’.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale dhowaan xafladdii shaacinta xisbiga kaga dhawaaqay inuu xubin ka yahay xisbiga Xasan Sheekh.

Dadka siyaasadda dalka ka faalooda ayaa sheegaya in Xasan Sheekh dhibaatada ugu weyn ee uu wajahayo ay kaga imaaneyso gudaha xisbigiisa oo ay ku soo wada biireen siyaasiyiin is diidan oo ujeedkoodu yahay inay gudaha xisbiga ku kala awood bataan.

Waxaana khilaafka Laftagareen iyo Xasan Eelaay uu noqonayaa bilawga tijaabada isu awood sheegashada kooxda isku-raranka ee xisbiga Xasan Sheekh.

Khilaaf midkan la mid ah ayaa kasoo fool leh Galmudug iyo Hirshabeelle ka dib markii xubno siyaasiyiin is diidan oo deegaanada Hirshabeelle kasoo jeeda ay ku wada biireen xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud si uu mid kasta danihiisa gaarka ugu fushado.

The post Xasan Sheekh oo la tacaalaya khilaafka Laftagareen iyo Xasan Eelaay appeared first on Kaab TV.

Somaliland oo 195 waddan ka codsatay inay aqoonsadaan
HARGEYSA (Kaab TV) – Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhawaaqay in Somaliland si rasmi ah codsiyo aqoonsi u gudbisay 195-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, isaga oo ku celiyey in Somaliland ay si hagar la’aan ah u waddo dadaalka ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah.

Wuxuu xusay in Somaliland ay xiriir dhow oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah la leedahay dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday (UK), iyo TAIWAN.

Madaxweynuhu isagoo dib u milicsanaya taariikhda, wuxuu sheegay in yididiiladii Somaliland ku biirisay Soomaaliya 1960-kii ay ahayd bilowga mushkiladda dheer ee haatan taagan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey in waayo-aragnimada Hargeysa ay tahay mid casharro muhiim ah u leh guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Haddii iskaashi la helo, ayuu yiri, Somaliland waxay door muhiim ah ka ciyaari kartaa nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo gudaha Soomaaliya.

Madaxweyne Cirro wuxuu si adag u sheegay in sababta Somaliland u heysan aqoonsi aysan ahayn mid sharci, balse ay tahay mid siyaasadeed, wuxuuna si bareer ah u sheegay in go’aannada siyaasadeed aysan waari karin – isaga oo hadalkaas ku celiyey saddex jeer si uu muhimnimadiisa u muujiyo.

Wuxuu ugu baaqay walaalaha koonfurta Soomaaliya in aysan Somaliland hor istaagin, balse ay u oggolaadaan inay hesho madax-bannaanideeda, taas oo uu sheegay inay u danayn karto guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu cadeeyey in dekedaha, garoomada, biyaha badda iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland ay yihiin arrimo lagu gorgortami karo oo kaliya iyada oo lala hadlayo shacabka iyo dowladda Somaliland, wuxuuna gabi ahaanba diiday in arrimahaasi ay ku lug yeeshaan cid shisheeye ah.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Cirro wuxuu si gaar ah u xusay kaalinta muhiimka ah ee qurbejoogta, isaga oo sheegay in muwaadiniinta reer Somaliland ee dibedda ku nool ay yihiin kuwa dalka ugu soo xawila lacagta ugu badan, isla markaana wuxuu ugu baaqay in ay sii xoojiyaan maalgeshigooda iyo ka qaybgalka horumarka dalka.

The post Somaliland oo 195 waddan ka codsatay inay aqoonsadaan appeared first on Kaab TV.

Guddoomiyaha Balanbale oo diiday xil ka qaadistiisa
MUQDISHO (Kaab TV) – Guddoomiyaha degmada Balanbale Cabdicsiis Xaashi ayaa diiday xil ka qaadis ay dhowaan sameeyeen xubnaha golaha deegaanka ee degmadaasi.

Golaha deegaanka ayaa ku eedeeyay guddoomiye Cabdicasiis Xaashi inuu xilkiisa gudan waayay, iyo inuu ku kacay falal ka dhan ah xeerka golaha deegaanka.

Guddoomiye Cabdicasiis Xaashi ayaa wareysi uu siiyay Kaab TV u sheegay inay tito yar oo ka tirsan golaha deegaanka ku keceen wax uu ku tilmaamay “fawdo” balse uu weli gudanaayo shaqadiisa.

“Shaqadii si caadi ayay u socotaa. Ma jirto cid xil iga qaaday,” ayuu yiri Cabdicasiis Xaashi.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ay si wanaagsan ula shaqeyneyso maamulkiisa.

Wararka ka imaanaya deegaanka Balanbale ayaa sheegaya inuu muddo jiray khilaaf u dhexeeya qaar ka mid ah xubnaha maamulka deegaanka iyo guddoomiye Cabdicasiis Xaashi.

Maamulka golaha deegaanka Balanbale ayaa ka mid ah golayaasha deegaanka oo ay horey u dhistay wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug.

The post Guddoomiyaha Balanbale oo diiday xil ka qaadistiisa appeared first on Kaab TV.