Abdirahman Ahmed, Author at Kaab TV

China oo bilawday qorshayaal ka dhan ah Somaliland kadib heshiiskii Taiwan
NAIROBI (Kaab TV) – China ayaa bilawday qorshayaal cusub oo u muuqda kuwo lagu beegsanaayo Somaliland ka dib markii toddobaadkii hore Somaliland iyo Taiwan ay kala saxiixdeen heshiis amniga baddaha iyo horumarinta kheyraadka kalluumeysiga.

Safaaradda China ee Muqdisho ayaa shaacisay kulan ay la yeelatay xubno ka mid ah booliska Muqdisho, kuwaas oo ay safaaradu sheegtay inay kala hadashay “iskaashiga ilaalinta xeebaha iyo difaaca madax-bannaanida Soomaaliya”.

“Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya (@ChineseSomalia) ayaa kulan la qaadatay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliya (@SoPoliceForce), iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinaca ilaalada xeebaha,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyay barta X ee Safaaradda China.

“Labada dhinac ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida qaranka iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha iyo Soomaaliya,” ayuu qoraalka intaa ku daray.

Lama caddeyn waxa ay dhab ahaan ka wada hadleen xubnaha booliska iyo safaaradda China.

Soomaaliya weli ma leh ciidan nidaamsan oo ilaalada xeebaha ah, waxaana xeebaha dalka ka hawlgala kooxo burcad badeed oo maraakiibta caalamiga afduuba, halka markaakiibta ciidamada caalamiga ee hawlgalka EUNAVFOR ee bilawday sannadkii 2008 ay gaaf wareegaan xeebaha Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ayaa sheegaya in safaaradda China ay booliska Muqdisho ku tirtirsiisay inay qoraan xubno ka soo jeeda deegaanada waqooyiga (Somaliland) kuwaas oo inta la siiyo hub iyo tababarro laga hawlgaliyo xeebaha Somaliland.

Ilaha ayaa sheegaya in China ay dooneyso inay wiiqdo Somaliland maadaama ay xiriir la leedahay Taiwan oo safaaradeeda ka furatay Hargeysa, isla markaana deeq horumarin oo ay ku jiraan dhismaha waddo muhiim oo ku taalla caasimadda Hargeysa iyo isbitaal casriya ah ugu deeqday Somaliland.

Safiirka China ee Muqdisho, China Wang Yu,  ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay xubno ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in China aysan ku jirin waddamada taageera ama ka qeyb qaatay dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.

Toddobaadkii hore waxay Safaaradda China sheegtay in heshiiska ilaalada xeebaha ee dhex maray Taiwan iyo Somaliland uu xadgudub ku yahay madax-bannaanida China.

Somaliland ayaa sannadkii 1991 ka go’day Soomaaliya, waxayna xiriir la leedahay Taiwan oo dooneysa inay ka go’do China.

Hase ahaatee war saxaafadeed kasoo baxay Somaliland iyo Taiwan ayaa siyaabo kala gooni ah u difaacay heshiiska ilaalada xeebaha ee dhexmaray Somaliland iyo Taiwan.

Somaliland ayaa sheegtay in heshiiska uusan waxba u dhimeynin China, waxayna Somaliland sheegtay inay tahay maamul madax-bannaan oo heshiisto gali kara.

Taiwain ayaa dhankeeda diidday inay hoostagto China.

Danjiraha China Wang Yu ayaa 28kii July 2025 la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Odawaa Yuusuf Raage.

Xildhibaano iyo saraakiil Soomaaliya oo loo qaaday China

China ayaa koox xildhibaanno Soomaali ah u qaaday dalkeeda, kuwaas oo la sheegay in ay ka qeyb galayaan barnaamij iskaashi Soomaaliya iyo China ah.

Safiirka Soomaaliya ee China, Hodan Osman oo la rumeysan yahay inay dhaqdhaqaaqyada China gacan weyn ku leedahay, ku soo dhawaysay xildhibaannada Soomaaliya iyo saraakiil sare oo Soomaali ah haatan booqasho ku jooga Shiinaha si ay waayo-aragnimo ugu wadaagaan.

“Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo China ee dhanka waaxyaha muhiimka ah,” ayaa lagu yiri war ay baahisay Hodan Osman oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Xildhibaannada ayaa ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhanka gudaha, safaaradda China ayaa dadaal ku bixineysay sidii loo taageri lahaa maamulka SSC-Khaatumo oo ah maamul ka go’ay Somaliland, waxaana Safaaradda China ay deeq raashiin iyo agab u dirtay Laascaanood.

Walaaca ugu weyn ayaa hadda ah in dhaqdhaqaaqyada China ay horseedi karaan degannaansho la’aan deegaanada Somaliland oo muddo dheer lagu yaqaanay deggaan iyo amni.

The post China oo bilawday qorshayaal ka dhan ah Somaliland kadib heshiiskii Taiwan appeared first on Kaab TV.

Duqa Hargeysa Cabdikariin Mooge iyo khudbaddii furitaanka waddada Taiwan Avenue
HARGEYSA (Kaab TV) – HARGEYSA (Kaab TV) – Duqa Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo khudbaddii furitaanka waddada Taiwan Avenue.

The post Duqa Hargeysa Cabdikariin Mooge iyo khudbaddii furitaanka waddada Taiwan Avenue appeared first on Kaab TV.

Hadalkii danjiraha Taiwan Allen Chenhwa Lou uu ka jeediyay daahfurka waddada Taiwan Avenue
HARGEYSA (Kaab TV) – Hadalkii danjiraha Taiwan Allen Chenhwa Lou uu ka jeediyay daahfurka waddada Taiwan Avenue.

The post Hadalkii danjiraha Taiwan Allen Chenhwa Lou uu ka jeediyay daahfurka waddada Taiwan Avenue appeared first on Kaab TV.

Waddada Taiwan Avenue oo Hargeysa laga daahfuray
HARGEYSA (Kaab TV) – Waddada Taiwan oo dhererkeedu gaarayo 6km laguna dhisay deeq ay bixisay dowladda Taiwan ayaa laga hirgaliyay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Safiirka Taiwan u jooga Hargeysa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Aadan, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ka qeyb galay munaaabadda xarigjarka waddadan cusub.

“Mashruucaan waxaa markiisii hore billaabay Duqa Hargeysa Mooge. Ujeedkuna wuxuu ahaa in noqdo albaabka isku xiraya Garoonka Diyaaradaha Cigaal iyo magaalada Hargeysa,” ayuu yiri danjire Allen Lou.

Safiirka Taiwan u jooga Hargeysa, Allen Lou wuxuu xusay in isaga iyo dawladiisa Taiwan ay aad ugu faraxsan yihiin hirgalinta mashruucan oo ay Taiwan taageertay.

“Waxaanu ka sheekeysanay inaanu u baahanahay in dadka fahamsiinno muhimadda ay leedahay iskaashiga Somaliland iyo Taiwan.

Duqa Hargeysa Cabdikariin Mooge ayaa sheegay in waddadan ay wax weyn ku kordhineyso bilicda iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka ee gudaha magaalada.

Waddada Taiwan oo laga daahfuray magaalada Hargeysa.

Waddadu waxay isku xireysaa Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport iyo magaalada.

“Ujeedkayagu waa inaan u mahadcelino dowladda Taiwan oo nagu taageertay dhismaha waddadan. Mashruucan waxaa wada jir u billaabay Dowladda Hoose ee Hargeysa iyo Dowladda Taiwan,” ayuu yiri Mooge.

Mooge ayaa sheegay in intii ay socotay dhismaha waddadan ay ka hor yimaadeen caqabado badan, taasina ay keentay in laga tanaasulo naqshaddii koowaad ee waddada.

Dhismaha waddadan cusub ayaa la rajeynayaa inay fursad isu socod siin doonto malaayiin ruux oo ku nool ama u soo shaqo taga caasimadda Hargeysa, iyadoo garoonka Cigaal uu yahay kan ugu weyn Somaliland.

Safiirka Taiwan u jooga Hargeysa, Allen Lou.

Xiriirka Taiwan iyo Somaliland, oo labaduba aan heysan aqoonsi caalami ah, ayaa xiriirkoodu sii kordhayay waayadan dambe.

Sannadkan horraantiisii waxay Taiwan  ku dhawaaqday mashruuc kale oo ah dhismaha isbitaal guud oo laga hirgalinayo Hargeysa kaasoo ay ku bexeyso illaa 22 milyan oo doolar.

The post Waddada Taiwan Avenue oo Hargeysa laga daahfuray appeared first on Kaab TV.

Khudbadda Madaxweyne K/X Puntland Ilyaas Lugatoor ee jaaliyadda Holland
The post Khudbadda Madaxweyne K/X Puntland Ilyaas Lugatoor ee jaaliyadda Holland appeared first on Kaab TV.

Puntland oo ku eedeeysay DF Soomaaliya carqaladeynta horumarkeeda iyo hirgelinta dimuqraadiyadda
AMESTARDAM (KAAB TV) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo khudbad u jeediyay jaaliyadda reer Puntland ee Holland, ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo horumarka Puntland.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay 30-kii sano ee u dambeeyay ku jirtay xaalad aan xasilloonayn, taasoo muujinaysa diidmo guud oo ka dhan ah deganaanshaha dalka. Si kastaba, wuxuu tilmaamay in Puntland ay ku guuleysatay himiladii loo aas-aasay oo ahayd in deegaanada Waqooyiga Bari ee Soomaaliya lagu soo dabaalo dimuqraadiyad.

Wuxuu tusaale u soo qaatay in 36-ka degmo ee Puntland ay hadda leeyihiin maamullo deegaan oo lasoo doortay.

“Puntland waxay taagan tahay marxalad ay horumar u baahan tahay,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor.

Lugatoor ayaa su’aal ka keenay meesha Soomaaliya iyo Puntland ay kala joogaan, isagoo xusay in caqabado badan la soo dulsaaray hirgalinta doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland, waxaana uu carabka ku dhuftay in arrintan ay ku lug lahaayeen siyaasiyiin gudaha iyo gacmo shishe. Puntland, ayuu yiri, waxay ku sugan tahay marxalad horumar u baahan.

PUNTLAND KAMA GO’IN SOOMAALIYA

Wuxuu kaloo sheegay in Puntland aysan Soomaaliya ka go’in, balse ay diidday aqoonsiga dastuurka la bedelay bishii Maarso 2024. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad amni darro, iyadoo argagixisadu ay dib u soo laba kacleeyeen.

Lugatoor ayaa sheegay in Puntland lagu ciqaabay diidmada dastuurkaas, taasoo sababtay in la xanibo deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya la siin jiray.

“Maanta waxay taagan tahay dastuurkii yaraa ee heshiiska lagu ahaa inuu Meesha ka baxo, oo dowladda madaxda ka tahay madaxweyne Xasan Sheekh ay tuurto,” ayuu yiri Ilyaas.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland waxay sii wadatay horumarka, waxaana uu tusaale u soo qaatay dhismaha waddada Gaalkacyo oo aan lasoo marin dowladda federaalka, sidoo kalena waxaa la maalgashaday dekedaha Boosaaso iyo Garacad, iyo garoonka Boosaaso.

Wuxuu tilmaamay in Puntland ay horumar ballaaran samaysay, iyadoo canshuur laga qaado dahabka laga qodo buuraha Boosaaso, taasoo muhiimad weyn u leh dhaqaalaha Puntland.

Dhanka amniga, wuxuu ku eedeeyay in Puntland aysan wax ka helin deeqaha loogu talagalay amniga Soomaaliya, inkastoo amniga Puntland uu aad uga wanaagsan yahay kan koonfurta dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay sameysay Sanduuqa Horumarinta Puntland oo lagu bilaabay 20 milyan oo doolar, waxaana Puntland codsatay in qurbejoogta iyo beesha caalamku ay ka qayb qaataan horumarinta sanduuqan.

The post Puntland oo ku eedeeysay DF Soomaaliya carqaladeynta horumarkeeda iyo hirgelinta dimuqraadiyadda appeared first on Kaab TV.

Construction engineer kidnaped in Bosaso
BOSASO (KAAB TV) –  Gunmen have kidnapped construction engineer Abdirashid Sharif, the representative of the company overseeing the construction of the Bosaso city airport, security officials.

The engineer was taken hostage from near the former Puntland hospital on Monday evening.

No group has yet claimed responsibility for the kidnapping and it is not clear the motive behind this kidnapping.

Puntland government authorities have not provided further details.

The Bosaso airport was recently handed over by the Puntland administration to a UAE-based company.

Located in northeastern Somalia, Bosaso is the commercial capital of the Bari region and a major port city of Puntland State.

The post Construction engineer kidnaped in Bosaso appeared first on Kaab TV.

Injineer caawa lagu afduubay magaalada Boosaaso
BOOSAASO (KAAB TV) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in koox hubeysan ay afduubteen Injineer Abdirashid Sharif, wakiilka shirkadda wadda dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Ilo amni ayaa sheegaya in Injineerka laga qafaashay agagaarka isbitaalka Puntland oo uu ku sugnaa caawa fiidkii.

Koox aan weli sheegan mas’uuliyadda afduubka.

Maamulka dowladda Puntland warkaas faahfaahin dheeraad ah kama bixin.

Garoonka diyaaradaha Boosaaso dhawaan waxaa loo dhiibay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

The post Injineer caawa lagu afduubay magaalada Boosaaso appeared first on Kaab TV.

Somaliland President Muse Bihi Warns Egypt and Somalia, Stands Firm on Ethiopia MOU
AYNABO (KAAB TV) – Somaliland President Muse Bihi Abdi has responded to recent remarks by Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud regarding the Memorandum of Understanding (MOU) signed between Ethiopia and Somaliland on January 1, 2024.

The MOU grants Ethiopia access to the Red Sea through a military base and port in Somaliland, while Somaliland seeks full recognition as an independent state, separate from Somalia.

In response to President Hassan Sheikh’s description of the MOU as a “violation of Somalia’s sovereignty,” President Bihi remarked, “It’s as if nothing has happened by trying to ignore the history between Somalia and Somaliland.”

President Bihi reiterated that Somaliland will maintain its stance on independence and issued a warning to foreign powers attempting to pressure Somaliland into reuniting with Somalia. He specifically criticized Egypt for its efforts to influence Somaliland’s decision. “If Egypt cares about anything, let them help the people of Palestine,” he stated.

Somaliland has been pushing for international recognition and is determined to proceed with its plans, including holding elections and defending its territory from any external threats. President Bihi also underscored that Somaliland would continue to conduct its elections as scheduled, with the next poll set for November 13, 2024.

The situation is further complicated by the regional dynamics, as Egypt, which has an ongoing dispute with Ethiopia over the Nile waters, recently signed a military pact with Somalia’s federal government in Mogadishu.

President Bihi made these remarks while on a tour of several regions in Somaliland, during which he also campaigned for re-election ahead of the November poll. On Sunday, he visited a military base in Oog town, where he oversaw the readiness of Somaliland forces.

General Nuh Tani, speaking at the military base, emphasized that the army is prepared to secure Somaliland’s borders, which traditionally include the contested area of Laascaanood, without explicitly naming it. “We hope to restore our victory and reach there,” General Nuh Tani stated.

Laascaanood is currently under the administration of the SSC-Khaatumo following a battle in August 2023 between Somaliland forces and Dhulbahante forces.

The post Somaliland President Muse Bihi Warns Egypt and Somalia, Stands Firm on Ethiopia MOU appeared first on Kaab TV.

Muuse Biixi oo JAWAAB siiyay Xasan Sheekh iyo Masar
CAYNABO (KAAB TV) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay hadallo dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku saabsan heshiiska is-afgaradka (MOU) ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlay magaalada Caynabo uu booqasho ku tagay ayaa sheegay in hadallada Xasan Sheekh  ay u muuqdeen sidii waxba aysan dhicin, iyadoo la iska indhatirayo “taariikhda ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Somaliland”.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay gooni ka tahay Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in Somaliland ay ku adkeysan doonto mowqifkeeda, isagoo sidoo kale cambaareeyay dowladda Masar iyo dowlado kale oo uu sheegay inaanu garaneyn “halka ay kala qaadeen” Somaliland, kuwaa oo uu ku eedeeyay inay isku dayayaan in ay ku qasabto Somaliland in ay dib ula midoobaan Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay sii wadi doonto qabashada doorashooyinka iyo difaaca dhulkeeda ka hortagga weerar kasta oo lagu soo qaado.

The post Muuse Biixi oo JAWAAB siiyay Xasan Sheekh iyo Masar appeared first on Kaab TV.