admin, Author at Kaab TV

CODKA BULSHADA: Bulshada Puntland iyo la xisaabtanka Dowladda
The post CODKA BULSHADA: Bulshada Puntland iyo la xisaabtanka Dowladda appeared first on Kaab TV.

HORDHAC WAREYSI: Prof Cabdi Axmed Baafe iyo Dhismaha Dowladda Puntland
The post HORDHAC WAREYSI: Prof Cabdi Axmed Baafe iyo Dhismaha Dowladda Puntland appeared first on Kaab TV.

Puntland iyo Mustaqbalka Dhaqaale: Ilaalinta Doollarka Gudaha iyo Badbaadinta Ganacsiyada
Maalmahan waxaa soo badanaya cabashooyinka ku saabsan qoysas iyo ganacsato ka hayaamaya Puntland, iyagoo u guuraya magaalooyin kale sida Nairobi. Arrintani waxay calaamad u tahay dhaqaale ka baxaya (capital flight), taas oo wiiqaysa kobaca ganacsiga gudaha iyo kalsoonida dadka ee mustaqbalka Puntland.

Xogta laga helay guud ahaan Soomaaliya waxay muujineysaa halis aad u weyn:

• Intii lagu jiray 12 bilood oo keliya sanadkii 2023, in ka badan $300 milyan ayaa ka baxay nidaamka bangiyada gudaha, sida uu sheegay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Marka la eego culayska dhaqaale ee Puntland, waxaa lagu qiyaasi karaa in ugu yaraan $50–70 milyan lacag ah sannad walba ka baxdo Puntland oo dibadda loo wareejiyo.

• Jaadku wuxuu noqday mid si weyn u saameeya dhaqaalaha: guud ahaan Soomaaliya waxaa sanad walba jaad lagu iibsadaa $146M–$420M, iyadoo qiimaha qaarkood gaari karaan ilaa $1 bilyan sanadkii. Marka qiyaastan lagu dabaqo Puntland, waxaa la saadaalin karaa in $30M–$100M sanadkii oo keliya ay Puntland uga baxaan jaad.

Waxaa cad in lacagtaas badan oo Puntland ka baxda loo wareejiyo dibadda, halkii lagu maalgelin lahaa wax soo saar, shaqo abuur iyo adeegyo bulsho.

Talooyin Lagu Badbaadin Karo Dhaqaalaha Puntland

1. Joojinta Lacagaha Dibadda Loo Diro iyo Ilaalinta Doollarka Gudaha

Dowladda Puntland waa inay xakameysaa lacagaha badan ee loo wareejiyo dibadda, ayna mamnuucdo in doollarka si fudud looga saaro dalka. Lacagta Puntland laga kasbado waa in lagu cunaa Puntland dhexdeeda, laguna maalgashadaa ganacsiga gudaha. Tani waxay sare u qaadaysaa kalsoonida ganacsatada iyo koboca suuqa gudaha.

2. Xakamaynta Jaadka oo Dhaqaalaha Ka Saara Balaayiin Doollar

Jaadku wuxuu noqday mid si joogto ah u dhuuqaya dhaqaalaha bulshada. Haddii Puntland sanad walba ku bixinayso $30M–$100M jaad, taasi waa khasaare dhaqaale oo weyn, waxaana halkaas ku khasaaraya Ganacsiyadii gudaha kuwaasoo waynaya Suuq iyo lacag wax lagaga gato.

Canshuurta Dawladda iyo Fursadda Sales Tax:

Waxaa la fahmi karaa in Dawladda Puntland ay ka walwalsan tahay canshuurta jaadka ee ay ka lumin karto haddii jaadka la joojiyo ama la xakameeyo. Si kastaba ha ahaatee, tani waa aragti gaaban. Marka lacagta jaadka laga joojiyo inay dibadda baxdo oo lagu celiyo gudaha Puntland, shacabka waxay helayaan lacago ay ganacsatada wax kaga gataan, ganacsatada waxay lacagtaas ku bixin doonaan sales taxes. Taas macnaheedu waa in Dawladdu ka heli karto canshuur cusub oo sales tax ah — taasoo ka badan karta khasaaraha ay kala kulmi lahayd jaadka iyo canshuurtiisa.

3. Dhiirrigelinta Maalgashiga Gudaha.

Si loo joojiyo dhaqaalaha baxaya, Puntland waa inay dhiirrigelisaa maalgashiga gudaha—gaar ahaan meelaha dhalinyaradu ku hawlan karaan ganacsi, beeraha iyo farsamada gacanta. Tani waxay abuuraysaa fursado ganacsi oo gudaha ah, waxayna yareyneysaa in qoysas iyo ganacsato lacagtooda dibadda geeyaan.

Dowladdu waa inay hormuud ka noqotaa abuurista shirkado iyo mashruucyo ganacsi – tusaale ahaan:

• Shirkadaha tamarta, beeraha, kalluumaysiga iyo dhismaha – dowladda ayaa bilowda oo maalgelisa.

• Markay shirkaddu xoog yeelato, dowladda waxay shacabka ka iibisaa shares (saamiyo) si loo yeesho shirkado ay dadka Puntland wada leeyihiin.

• Habkan wuxuu abuuri karaa kalsooni, shaqo abuur, iyo dhaqaale gudaha ku wareega, halkii uu dibadda u bixi lahaa.

Tani waxay ka duwan tahay “dhiirrigelin” ku koobnaata khudbado iyo shirar; waa tallaabo wax ku ool ah oo shacabka u horseedaysa inay ka qayb qaataan kobaca dhaqaale ee dalkooda.

Gunaanad

Puntland maanta waxay wajahaysaa halis dhaqaale oo ka imaanaysa capital flight iyo jaad. Marka la eego qiyaasta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, ugu yaraan $50–70 milyan sanadkii ayaa Puntland dibadda uga baxa. Isla markaas, jaad keliya ayaa Puntland uga saara $30–$100 milyan sanadkii. Taas macnaheedu waa in dhaqaalaha bulshada si joogto ah u baxayo halkii uu gudaha ku sii wareegi lahaa.

Haddii aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah, dhaqaalaha Puntland wuxuu sii lumin doonaa awooddiisii koboc. Laakiin haddii dowladdu joojiso dhaqaalaha dibadda u baxa, xakameyso jaadka, islamarkaana dhiirrigeliso maalgashiga gudaha, Puntland waxay dib u hanan kartaa kalsoonida bulshada, waxayna dhisi kartaa mustaqbal dhaqaale oo barwaaqo leh.

W.Q: Shucayb Xaaji Ciise

The post Puntland iyo Mustaqbalka Dhaqaale: Ilaalinta Doollarka Gudaha iyo Badbaadinta Ganacsiyada appeared first on Kaab TV.

Ramaphosa ayaa shaqada ka ceyriyay Wasiirka Booliska Senzo Mchunu
JOHANNESBURG (Kaab TV) – Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa shaqada ka ceyriyay Wasiirka Booliska Senzo Mchunu, kaddib markii lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay kooxo dambiyo abaabulan ku lug leh.

Khudbad toos ah oo uu Axaddii siiyay shacabka, Madaxweyne Ramaphosa wuxuu ku dhawaaqay in la magacaabay guddiga baarista garsoorka, si loo baadho eedeymahaas oo uu ku tilmaamay kuwo halis ku ah dastuurka dalka iyo ammaanka qaranka.

Wuxuu intaas ku daray in Professor Firoz Cachalia, oo ah khabiir sharci, si kumeel gaar ah loogu magacaabay Wasiirka Booliska.

Senzo Mchunu, oo ah 67 jir, ayaa beeniyay eedeymahaas, isagoo sheegay in uu diyaar u yahay in uu si buuxda uga jawaabo waxyaabaha lagu eedeeyay.

Ramaphosa wuxuu sheegay in eedeymaha loo jeediyay Mchunu — oo ay ka mid yihiin faragelin uu ku sameeyay baaritaanno la xiriira dilal siyaasadeed iyo musuq ku dhex jira hay’adaha fulinta sharciga — ay u baahan yihiin baaris degdeg ah oo dhamaystiran.

Wuxuu sheegay in guddiga baarista, oo uu hogaaminayo ku-xigeenka guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, uu baaritaan ku samayn doono eedeymaha oo dhan.

Baaritaan mas’uuliyiin hore

Guddigan sidoo kale wuxuu baari doonaa mas’uuliyiin hore iyo kuwo hadda ka tirsan booliska iyo xubno ka tirsan fulinta dowladda qaranka, sida uu sheegay Ramaphosa.

Madaxweynaha ayaa la kulmay cadaadis shacabka uga imaanaya si uu si dhakhso leh uga falceliyo arrintan sare u qaaday dareenka dadweynaha.

Mchunu waa siyaasi miisaan leh oo ka tirsan xisbiga talada haya ee ANC (African National Congress) ee uu Ramaphosa madaxda ka yahay.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa.

Falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa aaminsan in uu u tartami karo jago hoggaamineed marka uu xisbigu qabto shirkiisa doorashada sanadka 2027.

Wasiir Mchunu wuxuu war-saxaafadeed ku sheegay: “Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka madaxweynaha, anigoo ixtiraamaya, waxaanan ballanqaadayaa in aan si buuxda ula shaqayn doono habraaca.”

Wuxuu intaas ku daray: “Aniga ahaan, sharafta iyo daacadnimada waa qiyamka aan aaminsanahay, kuwaas oo ay tahay in aan dhammaanteen ilaashano.”

Asalka Eedeymaha:

Eedeymahan ayaa markii ugu horreysay la shaaciyay Axaddii hore iyadoo uu sheegay Taliyaha booliska gobolka KwaZulu-Natal, General Nhlanhla Mkhwanazi.

Wuxuu sheegay in Wasiir Mchunu uu lacag ka helayay ganacsade musuq ku eedeysan, si uu ugu maalgeliyo olole siyaasadeed.

Sidoo kale, Gen. Mkhwanazi wuxuu sheegay in uu jiro qorshe loo diyaariyay si loo kala diro koox boolis ah oo la asaasay 2018, kuwaasoo baari jiray dilalka siyaasadeed ee ugu badan gobolka KwaZulu-Natal.

Wuxuu sheegay in kooxdaas baaritaanadooda ay xiriir la heleen mas’uuliyiin sare, saraakiil boolis, iyo ganacsato ku lug leh shabakado daroogo, taas oo sababtay in kooxdii la kala diro.

Markii uu Mchunu kala diray kooxdaas horaantii sannadkan, wuxuu ku andacooday in aysan wax qiime ah kusoo kordhin gobolka – inkasta oo kiisaskii badankood ay xalli waayeen.

General Mkhwanazi wuxuu sidoo kale sheegay in 121 faylal kiis ah laga qaaday kooxdaas amarna laga siiyay Wasiirka Mchunu, iyadoo aan laga helin oggolaansho Taliyaha guud ee booliska qaranka, General Fannie Masemola.

Wuxuu yiri: “Faylashaasi tan iyo bishii Maarso waxay yaallaan xarunta dhexe iyadoo aan wax baaritaan ah lagu samayn. Shan kamid ah faylashaas waxay xambaarsanaayeen amarro lagu soo qaban lahaa dad loo haystay dambiyo.”

Gen. Mkhwanazi wuxuu intaas ku daray in Mchunu uu xiriir la leeyahay ganacsade muran badan dhaliyay oo lagu magacaabo Vusimuzi Matlala, kaasoo si maaliyadeed u taageerayay hawlaha siyaasadeed ee wasiirka.

Matlala wuxuu la lahaa heshiis qiimo badan ah oo uu kula jiray booliska, kaasoo la joojiyay markii la xiray bishii May isagoo lagu eedeeyay isku day dil. Mkhwanazi wuxuu soo bandhigay farriimo qoraal ah iyo lacag la bixiyay, taasoo uu sheegay in ay caddayn u tahay xiriirkaasi.

The post Ramaphosa ayaa shaqada ka ceyriyay Wasiirka Booliska Senzo Mchunu appeared first on Kaab TV.

Trump ayaa ku goodiyay inuu canshuur dheeraad saari doono Russia
WASHINTON (Kaab TV) – Madaxweyne Trump ayaa ku goodiyay in Mareykanku u diri doono Ukraine hub casri ah isagoo Russia uga digay canshuur adag haddii aan heshiis lagu gaarin dagaalka Ukraine 50 maalmood gudahood.

Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in hubkii ugu horreeyay ee casriga ah loo diri doono Ukraine iyada oo loo marayo waddamada NATO, wuxuuna sidoo kale uga digay Ruushka cunaqabateyn dhaqaale oo daran haddii aan la gaarin heshiis nabadeed muddo 50 maalmood gudahood ah.

“Waxaan dooneynaa in Ukraine ay awood u yeelato in ay samayso waxa ay rabto in ay samayso,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id kaddib kulan uu la qaatay Xoghayaha NATO Mark Rutte oo ka dhacay magaalada Washington.

Rutte ayaa xaqiijiyay in Mareykanku go’aansaday in si ballaaran hub loogu gudbiyo Ukraine iyada oo loo marayo NATO, isla markaana dalalka Yurub ay bixin doonaan kharashka ku baxaya.

Wuxuu Trump sheegay in waddamada Yurub ay Kyiv u diri doonaan nidaamyada difaaca cirka ee Patriot, kuwaas oo Ukraine ku tiirsan tahay si ay uga hortagto weerarada cirka ee Ruushka, kadibna Mareykanka ayaa u beddeli doona hubkaas.

Inkasta oo aan si faahfaahsan loo shaacin noocyada hubka la dirayo, Rutte wuxuu sheegay in heshiiska ku jiraa ay ka mid yihiin gantaallo iyo rasaas.

Trump wuxuu intaas ku daray in hub casri ah oo malaayiin dollar ah si deg deg ah loogu diri doono furimaha dagaalka si loo taageero Ukraine.

Trump ayaa ka hadlay shir jaraa’id kaddib kulan uu la qaatay Xoghayaha NATO Mark Rutte oo ka dhacay magaalada Washington.

Rutte, isagoo Trump dhinac fadhiya, ayaa yiri:

“Haddii aan maanta ahaan lahaa Vladimir Putin, waxaan dib u eegi lahaa mowqifkayga ku aaddan wadahadallada Ukraine. Waxaa laga yaabaa in aan u qaato si ka dhab badan.”

Canshuurta tariifada:

Trump wuxuu sheegay in Mareykanku saari doono 100% canshuur tariifada labaad oo la beegsanayo dhammaan waddamada wali ganacsi la leh Ruushka haddii aan heshiis nabadeed lala gaarin 50 maalmood gudahood.

Tani waxay la micno tahay in waddan kasta oo Ruushka la ganacsada uu la kulmi doono canshuurtaas haddii uu doonayo in alaabtiisa loo iibiyo Mareykanka.

Tusaale ahaan, haddii Hindiya ay sii iibsato saliidda Ruushka, shirkadaha Mareykanka ee iibsada alaabta Hindiya laga keeno ayaa laga qaadi doonaa 100% canshuur dekedda ah, taas oo ka dhigi karta alaabtaas mid aad qaali u ah, kana hor istaagi karta suuqa Mareykanka.

Ujeeddadu waa in lagu curyaamiyo dhaqaalaha Ruushka – haddii uu Ruushku waayo suuqii uu ka heli jiray lacag saliidda uu iibiyo, wuxuu sidoo kale waayi doonaa il dhaqaale oo uu dagaalka Ukraine ku wado.

Dhaqaalaha Ruushka ku tiirsan saliidda iyo gaaska oo ah in ka badan 60% dhoofintiisa iyo ku dhowaad saddex-meelood meel dakhliga dowladda, cunaqabateyntani waxay noqon kartaa mid saamayn xooggan leh.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo la filayey in suuqyada Ruushka ay dhacaaan, Moscow Stock Exchange ayaa kor u kacay kadib markii la shaaciyay warkan, maadaama maal-gashadayaashu ay filayeen in Trump uu qaadi doono tallaabooyin ka sii adag.

Xaaladda Siyaasadeed iyo Dagaalka Ukraine:

Isagoo markiisii ugu horreysay tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad ka hadlay arrimaha Ukraine, Trump wuxuu muujiyay taageero cusub oo ciidan, inkasta oo faahfaahin kooban laga bixiyay.

Waxaa sidoo kale la dareemay in hadalladiisa ku wajahan Vladimir Putin ay noqdeen kuwa sii adkaanaya, isagoo sheegay in uu ku hungoobay wadahadallo badan oo “wanaagsan” oo uu la yeeshay hogaamiyaha Ruushka kuwaasoo hadhow la raaciyay duqeymo cirka ah oo Ukraine lagu qaaday.

Trump wuxuu yiri:

“Marka ay sidan ku dhacdo saddex ama afar jeer, waxaad dhahdaa: wadahadalku wax micno ah ma leh. Ma doonayo in aan ugu yeero [Putin] gacan-ku-dhiigle, laakiin waa nin adag. Wuxuu sanado badan ku khiyaamay dad badan – Clinton, Bush, Obama, Biden. Aniga iima uusan khiyaamin. Ugu dambeyntii, hadalku waxba ma taro, ficil baa la rabaa.”

Heshiisyadii xabbad-joojinta ee u dambeeyay ee u dhexeeyay Ukraine iyo Ruushka ayaa dhacay horaantii sanadkan, balse kulan dambe oo rasmi ah lama qorsheynin ilaa hadda, arrintaas oo Ruushku dusha ka saaray Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky wuxuu hadda marti geliyay wakiilka Mareykanka Keith Kellogg oo booqasho ku jooga Kyiv, isagoo sheegay in ay yeesheen kulan wax tar leh wuxuuna u mahadceliyay Trump taageeradiisa.

Kremlinka weli si rasmi ah uma aysan ka hadlin warka cusub, balse falcelinta hordhaca ah ee laga helay Moscow waxay muujinaysaa dareen nasasho leh.

Sergei Markov, oo ah taageere Kremlin ah iyo la-taliye hore oo Putin u shaqayn jiray, wuxuu ku tilmaamay hadalka Trump ee cunaqabateynta:

“Been abuur”, wuxuuna sheegay in arrintu muujinayso in Trump uu ka haray dadaalkii uu ku doonayey in uu nabad ka dhaliyo Ukraine.

The post Trump ayaa ku goodiyay inuu canshuur dheeraad saari doono Russia appeared first on Kaab TV.

Firdhiye oo shaaciyay shirweyne Sool, Sanaag iyo Cayn lagu mideynaayo
LAASCAANOOD (Kaab TV) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabduqaadir Aw-Cali Firdhiye ayaa sheegay in shirweyne dhowaan ay qabaneyso SSC-Khaatumo kaasoo ujeedkiisu yahay in Sanaag oo dhan lagu soo biiriyo maamulka Khaatumo.

Hadalkan ayuu ka sheegay munasabaddii xafladda 26ka June oo ka dhacday magaalada Laascaanood habeenkii Khamiista.

“Bulshada Sool, Sanaag oo isku dhan iyo Cayn, waxaa qabsoomi doona shirweyne lagu dhameystiraayo dowlad goboleedkan ay wada yeelan doonaan deegaanadaas aan sheegay,” ayuu yiri Firdhiye oo la hadlay boqollaal mas’uuliyiin iyo dadweyne isugu baxay Laascaanood.

Gobolka Sanaag ayaa u kala qeybsan labo: qeyb raacsan Somaliland oo ay ku jiraan magaalooyinka Ceel Afweyn, Laasqoray iyo caasimadda gobolka ah ee Ceerigaabo, ayna wada degaan beelaha Isaaq iyo Daaroodka; qeyb kale oo ay ku jiraan magaalooyinka Badhan, Ceelbuh iyo Dhahar.

Hadalkan ayuu ka sheegay munasabaddii xafladda 26ka June oo ka dhacday magaalada Laascaanood habeenkii Khamiista.

Dhowaan waxaa jiray dhaqdhaqaaq dadka deegaanka Sanaag ay wadeen oo ay ku doonayeen in Sanaag loogu sameeyo maamul la yiraahdo Maakhir State, waxaana shirar arrinkas ku saabsan lagu qabtay meelo kala duwan oo ay ku jirto Muqdisho.

Cabdiqaadir Firdhiye ayaa sheegay in shirka loo qabanayo dadka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku hirkacayso SSC-Khaatumo Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu yiri.

“Shirweynaha waxaa kasoo qeyb gali doona ergooyin ka socda deegaanadaas. Waxaa kasoo qeyb gali doona oo garwadeen ka noqon doona Dowladda Federaalka oo ay ka wakiil tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,” ayuu yiri Firdhiye.

SSC-Khaatumo ayaa ka dhalatay dagaalkii ciidamada deegaanka Laascaanood ay la galeen kuwa Somaliland sannadkii 2023, waxaana aan caddeyn sida ay noqon karto xaaladda gobolka Sanaag haddii ay SSC-Khaatumo isku daydo inay maamulkeeda ku baahiso.

Gobolka Sanaag, gaar ahaan Ceerigaabo, ayaa bilawgii sannadkan waxaa hareeyay dagaallo qaab qabiil ku bilawday kuwaasi oo dhimasho, dhaawac iyo barakac sababay, ka dib markii ciidamo la sheegay inay yihiin kuwa Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay ka qeyb qaateen dagaalka.

Qaar badan oo ka mid ah shacabkii barakacay ayaa weli ka maqan Ceerigaabo.

Bishii lasoo dhaafay, Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in weli Puntland iyo SSC-Khaatumo aysan kala bixin oo ay hal maamul isku yihiin sida uu dhigayo dastuurka Puntland.

Wasiir Dirir oo isaga laftiisa kasoo jeeda Laascaanood ayaa sheegay inaysan jirin meel dadka labada deegaan ku kala bexeen.

Maamulka Puntland ayaa waxaa xilal ka haya mas’uuliyiin kasoo jeeda Sool, oo uu ugu horreeyo Madaxweyne ku Xigeenka, iyadoo sidoo kale jiraan xildhibaannada baarlamaanka Puntland oo kasoo jeeda Sool kuwaas oo uu ku yimid magacaabidda odayaasha dhaqanka ee deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn.

The post Firdhiye oo shaaciyay shirweyne Sool, Sanaag iyo Cayn lagu mideynaayo appeared first on Kaab TV.

Dadweyne boqollaal ah oo Salaadda Eid-ul-adxa ku oogay Daaru Salaam
MUQDISHO (Kaab TV) – Waa maalintii koowaad ee Ciidul Adxa, waxaana saaka boqollaal dadweyne ah ay isugu soo bexeen barxadda Daaru Salaam, ee magaalada Muqdisho.

The post Dadweyne boqollaal ah oo Salaadda Eid-ul-adxa ku oogay Daaru Salaam appeared first on Kaab TV.

Baraarug Podcast 14: Duruufaha ay ku Shaqeeyaan Haweenka Suxufiyiinta ee Soomaaliya
The post Baraarug Podcast 14: Duruufaha ay ku Shaqeeyaan Haweenka Suxufiyiinta ee Soomaaliya appeared first on Kaab TV.

🎙️Baraarug Podcast 13: Fursad shaqo oo loo siman yahay maka jirtaa Soomaaliya?
The post 🎙️Baraarug Podcast 13: Fursad shaqo oo loo siman yahay maka jirtaa Soomaaliya? appeared first on Kaab TV.

Beerta Digaagga ee Kismaayo: Rajadii ka bilaabatay qaxootinimada
Kismaayo, Soomaaliya — kadib markii ay 30 sano ku noolayd xeryaha qaxootiga ee Kenya, Xaliimo Cali Maxamed waxay ku soo laabatay dalkii ay ku dhalatay iyadoo rajo iyo hiigsi cusub leh.

Iyada oo kaashanaysa taageero maxalli ah, waxay dhistay beer digaag oo guul leh, taasoo buuxisay baahi weyn oo ka jirtay suuqa gudaha.

Laakiin maanta, caqabado cusub ayaa halis geliyay dadaalkii iyo maalgelintii ay gelisay.
Waa sheekada haweeney qaxooti soo noqotay, adkaysigeeda, iyo caqabadaha ay maanta la tacaalayso.

The post Beerta Digaagga ee Kismaayo: Rajadii ka bilaabatay qaxootinimada appeared first on Kaab TV.