Abdullahi Hussein Kilas, Author at Kaab TV

Jubaland oo 12,000 qoys oo ku barakacsan Dhoobley gaarsiineysa gargaar cunto
DHOOBLEY (Kaab TV) –  Mas’uuliyiinta Jubaland ayaa gaaray magaalada Dhobley si ay u qiimeeyaan xaaladda qoysaska dhawaan ka barakacay tuulooyinka miyiga ah ee ay saameysay abaaraha.

Wasaaradda Arrimaha Bani’aadamnimada Jubaland ayaa sheegtay inay qorsheynayaan inay bilaabaan qeybinta raashinka qoysaska, oo gaaraya ku dhawaad 12,000 oo qoys, kuwaas oo iminka ku sugan Dhobley, magaalo xuduud la leh Kenya.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka, ku dhawaad 1.5 milyan oo qof oo ku nool Jubaland ayaa la kulmaya xaalad bani’aadamnimo oo daran waxayna u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

The post Jubaland oo 12,000 qoys oo ku barakacsan Dhoobley gaarsiineysa gargaar cunto appeared first on Kaab TV.

Dhallinyarada Jubaland oo loo tababaray danjirayaal si loo xoojiyo is-dhexgalka iyo wada noolaanshaha
KISMAAYO (Kaab TV) – Magaalada Kismaayo ayaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay aqoon kororsi ay iska kaashadeen COFP Peace Foundation iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubaland (JUCRI), kaas oo lagu tababaray 15 dhallinyaro ah si ay u noqdaan “Youth Ambassadors.” Ka qaybgalayaasha tababarka ayaa ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo matalayay codad iyo waayo-aragnimooyin kala geddisan.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray dhiirrigelinta is-dhexgalka bulshada iyo xoojinta wada noolaanshaha, gaar ahaan dhallinyarada ka soo laabatay barakaca ama ku noolaa xaalado nugul.

Ujeeddadu waxay ahayd in la kobciyo kalsoonida, wada shaqaynta, iyo ka qaybqaadashada dhallinyarada ee horumarinta bulshadooda.

Cabdicasiis Duule oo ka tirsan COFP Peace Foundation ayaa sheegay in is-dhexgalka dhallinyarada iyo sare u qaadista wacyigooda ay laf-dhabar u yihiin nabadda iyo horumarka.

Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada laga taageero sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha hal-abuurka ee dhinaca ganacsiga, si ay u noqdaan kuwo isku filan oo bulshada wax ku soo kordhiya.

Dhallinyarada Jubaland oo loo tababaray danjirayaal si loo xoojiyo is-dhexgalka iyo wada noolaanshaha

Tababarka oo cinwaankiisu ahaa “From Displacement to Opportunity: Advancing Youth Reintegration, Livelihoods, and Social Cohesion,” ayaa intii uu socday si wadajir ah loogu falanqeeyay caqabadaha jira, sida dhaawacyada nafsiga ah ee ka dhasha barakaca, helitaanka waxbarasho tayo leh, iyo helitaanka fursado shaqo.

Waxaa si gaar ah loo xoojiyay fahamka ah in dhallinyaradu aysan ahayn dhibka, balse ay yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah xalka.

Ka qaybgalayaashu waxay barteen xirfado muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen hoggaaminta, isgaarsiinta wax ku oolka ah, xallinta khilaafaadka, iyo aasaaska ganacsiyada yaryar.

Xirfadahan ayaa la filayaa inay ka caawiyaan inay noqdaan safiiro nabadeed oo bulshada dhexdeeda ka shaqeeya, isla markaana dhiirrigeliya wadajir iyo iskaashi.

Agaasimaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubaland, Mustafa Axmed Cabdullaahi, ayaa tilmaamay in barnaamijkani uu tusaale u yahay sida ay muhiim u tahay in si dhab ah loo meelmariyo kartida iyo awoodda dhallinyarada si ay u noqdaan hoggaamiyayaal u adeega bulshada.

Dhallinyarada Jubaland oo loo tababaray danjirayaal si loo xoojiyo is-dhexgalka iyo wada noolaanshaha

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in maalgelinta iyo tababarrada noocan oo kale ah ay dhisaan bulsho adkaysi leh oo ku dhisan kalsooni iyo iskaashi.

Ugu dambeyn, barnaamijka waxaa lagu soo gabagabeeyay ciyaaro lagu maamuusayay cinwaanka “Youth Reintegration and Social Cohesion,” kuwaas oo astaan u ahaa midnimo, wadajir, iyo rajada mustaqbal ifaya oo ay wada dhisanayaan dhallinyaro isku duuban oo leh himilo sare.

Dhallinyarada Jubaland oo loo tababaray danjirayaal si loo xoojiyo is-dhexgalka iyo wada noolaanshaha

The post Dhallinyarada Jubaland oo loo tababaray danjirayaal si loo xoojiyo is-dhexgalka iyo wada noolaanshaha appeared first on Kaab TV.

Abaarta Jubaland: 1.5 milyan qof oo wajahaya gaajo, barakac iyo rajo-beel
AFMADOW (Kaab TV) – Jubaland ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda abaareed ee kasii daraysa ee ka jirta deegaanadeeda, taas oo si toos ah u saameysay in ka badan 1.5 milyan oo qof oo ku nool deegaannada maamulkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland, Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq, oo xubin ka ah guddiga abaaraha ee Jubaland magacawday bishii Disembar, ayaa booqasho ku tagay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu ka bilaabay qiimeyn ku saabsan xaaladda abaarta iyo saamaynta ay ku yeelatay nolol-maalmeedka bulshada, gaar ahaan dadka nugul.

Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq ayaa sheegay in duruufaha nololeed ee dadka ay abaaruhu saameeyeen ay si xawli ah u sii xumaanayaan, iyadoo uu aad u kooban yahay gurmadka bani’aadannimo ee la heli karo.

“Degmada Afmadow waxaa horey ugu sugnaa kumannaan barakacayaal ah, balse hadda waxaa soo gaaray dad cusub oo ka soo barakacay abaarta ka jirta deegaannada Xagar, Jilib, Bu’aale iyo nawaaxiga Afmadow,” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu intaas ku daray in dadka ay la cararayaan xoolaha tirada yar ee u haray—labo ama saddex neef—iyagoo doonaya inay gaaraan goobo ay biyo ka heli karaan.

Degmada Afmadow ayaa noqotay mid ka mid ah meelaha ugu badan ee ay bilihii la soo dhaafay soo gaareen dadka ka barakacay abaarta, taas oo muujinaysa baahi deg-deg ah oo loo qabo gurmad bani’aadannimo oo joogto ah.

In ka badan 1.5 milyan oo qof oo ay si toos ah u saameysay abaarta Jubaland oo ay ku jiraan barakacaasha soo gaaraya Afmadow.

Lo’da oo le’aneysa haraad dartiis

Xuseen Cali, oo ah oday da’diisu ku dhowdahay 60 sano kana mid ah dadka ku barakacay Afmadow, ayaa sheegay inuu ku qasbanaaday inuu ka tago deegaankiisii kadib markii ay abaartu dishay dhammaan xoolihii uu lahaa.

“Lo’du waxay noo ahayd nolol. Markii ay abaartu dishay dhammaan xoolihii, waan ka soo kacnay. Waxaan nahay qoysas badan oo hadda ku sugan Afmadow,” ayuu yiri Xuseen.

Warbixinno la helay ayaa tilmaamaya in in ka badan 61,800 oo qof ay ku barakaceen Gobolka Gedo, halka ku dhowaad 13,400 ay ku barakaceen Jubbada Hoose, in ka badan 3,000 na ay ku barakaceen Jubbada Dhexe intii lagu jiray sanadkii 2025. Sidoo kale, in ka badan 2,000 oo qoys ayaa si dhawaan ah ugu barakacay magaalada Afmadow.

In ka badan 1.5 milyan oo qof oo ay si toos ah u saameysay abaarta Jubaland oo ay ku jiraan barakacaasha soo gaaraya Afmadow.

Jubaland iyo hay’adaha maxalliga ah ayaa sheegay in in ka badan 2 milyan oo xoolo ah ay halis ugu jiraan abaarta ka jirta guud ahaan Gobolka Gedo.

Qiyaastii 78% qoysaska ku nool deegaannada ay abaartu saameysay ee Jubaland ayaa wajahaya cunto la’aan baahsan. Magaalooyinka Kismaayo, Badhaadhe, Ceel Waaq, Bu’aale, Afmadow iyo Garbahaarey ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee ay abaartu saameysay.

Qaar ka mid ah deegaannada Jubaland, gaar ahaan Jubbada Dhexe, ayaa inta badan waxaa maamula kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo xannibaad ku haya gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo.

Arrintan ayaa sababtay in dad badan ay ka qaxaan deegaannada ay kooxdaasi ka taliso, iyagoo u soo hayaamaya deegaannada ku dhow magaalada Kismaayo. Al-Shabaab ayaase sameysay guddi abaaraha oo maamulkeeda hoostaga.

Xaaladda abaareed ayaa sii cakirmay kadib markii la waayay roobabkii Deyrta (Oktoobar–Diseembar), taas oo rajo beel weyn ku abuurtay xoolo-dhaqatada iyo beeralayda noloshoodu ku tiirsan tahay roobka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya – oo u dhiganta ku dhowaad rubuc dadweynaha – ay saameyn ku yeelatay xaaladda abaaraha.

Guud ahaan Soomaaliya, maalgelinta gargaarka bani’aadannimo ayaa hoos u dhacday, iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in keliya 23.7% la helay lacagihii loogu baahnaa qorshaha gargaarka bani’aadannimo ee sanadkan 2025.

The post Abaarta Jubaland: 1.5 milyan qof oo wajahaya gaajo, barakac iyo rajo-beel appeared first on Kaab TV.

Beerta Digaagga ee Kismaayo: Rajadii ka bilaabatay qaxootinimada
KISMAAYO (Kaab TV) – Xaliimo Cali Maxamed waxay ku noolayd xeryaha qaxootiga ee Kenya muddo 30 sano ah. Ka hor intii aanay dagaallada sokeeye ka dhicin Soomaaliya, qoyskeedu waxay ahaayeen beeraley Soomaaliyeed.

Xaliimo, seygeeda iyo afarta carruurtood waxay muddo dheer ku noolaayeen xeryaha qaxootiga ee Kenya. Laakiin sanadkii 2018, iyada oo ay dhiiragalisay degganaanshihii muuqday ee koonfurta Soomaaliya, waxay go’aansatay inay ku laabato magaaladii ay ku dhalatay—Kismaayo.

Soo laabashadeeda waxay ku beegantay sannado kadib markii ciidamada Kenya oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika (AMISOM), ay sanadkii 2012 ka xoreeyeen Kismaayo kooxda Al-Shabaab, iyaga oo la kaashanaya xoogagga Raas Kambooni ee hadda loo yaqaan Jubbaland.

Tani waxay fursad siisay dib u furista garoonka diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo, waxaana bilaabmay in dadkii qaxootiga ahaa ay ku soo laabtaan magaaladooda, ganacsiyaduna ay dib u soo noolaadaan.

Xaliimo, oo ah hooyo leh afar carruur ah, waxay heshay kaalmo dib u dejin ah oo ay bixiyeen maamuilka Jubaland iyo hay’ado maxalli ah.

Laakiin iyadu waxay lahayd riyo kale.  Waxay bilawday indha-indheyn fursadaha bannaan ee magaalada ka jira. Intii ay la socotay dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada, waxay ogaatay in Jubaland aysan ka jirin beer digaag.

“Waxaan aragnay in Jubaland oo dhan aysan ka jirin beer digaag. Ukunta iyo hilibka digaagga waxaa laga keenaa Kenya iyo waddamo kale,” ayey tiri Xaliimo oo u warrantay Kaab TV.

Ukunta digaagga Soomaaliya ay soo dhoofsato

Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay soo dejinta ukunta iyo hilibka digaagga ee ka yimaada dalal ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya, iyo waddamo kale.

Tusaale ahaan, sanadkii 2018, Soomaaliya waxay kasoo dhoofisay digaag qiimihiisu dhan yahay $119,000 Itoobiya, $21,500 Belgium, iyo $2,160 Kenya. Sanadkii 2023, waxa la diiwaangeliyey in Soomaaliya ay soo dejisay ukumo guri oo qiimahoodu ahaa $6.2 milyan oo ka yimid Turkiga, $175,000 Hindiya, $79,400 Imaaraadka Carabta, iyo $3,730 Kenya.

Fursaddan ay aragtay darteed, Halima waxay kaashatay 20 dumar ah, waxayna ka bilaabeen beer digaag oo yar oo qol dhexdiisa laga furay, iyagoo ku bilaabay haweenkii oo mid kasta ay keentay 100 digaag.

Balse dhibaato ayaa durba timid—digaaggii qaar baa bilaabay inay dhintaan sababo la xiriira aqoon la’aan ku saabsan daryeelkooda.

Markaas ayay Xaliimo iyo haweenkii kale la xiriireen hay’ad maxalli ah oo la yiraahdo SWSO, taas oo siisay tababar ku saabsan sida loo quudiyo, loo nadiifiyo, loogana hortago cudurrada digaagga. Tababarkaas wuxuu badbaadiyey mashruucooda.

Maanta, beerta digaagga ee Xaliimo waxay siisaa cuntooyin badan oo digaag ah macaamiisha gudaha ee Kismaayo.

“Macaamiisheena waxay kala yihiin foornooyinka, xaafadaha iyo dadka u shaqeeya hay’adaha oo jecel inay iibsadaan ukunta digaagga la xannaaneeyay ee caafimaadka qaba,” ayey tiri.

“Haa faa’iido way leedahay,” ayey sii raacisay hadalkeeda.

Laakiin caqabad cusub oo culus ayaa hadda hor taagan: daawooyinka tallaalka digaagga oo u baahan qaboojin iyo daryeel gaar ah.

Xaliimo waxay ka keentaa tallaalka Nairobi, Kenya—laakiin waxay u baahan yihiin in si degdeg ah loo isticmaalo iyadoo la ilaalinayo heerkulka qaboojinta.

Dhowaan, dowladda federaalka Soomaaliya waxay joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhexeeyay Kismaayo iyo Nairobi, iyadoo amartay in dhammaan duulimaadyada maraan Muqdisho.

Tani waxay sababtay in daawooyinkii digaagga Xaliimo loo daayo garoonka Muqdisho maalmo badan, taasoo keentay in qaboojintii ay jabto. Markii la isticmaalay, tallaalka xumaaday wuxuu sababay dhimashada in ka badan 900 oo digaag.

“Way adag tahay in 900 digaag ah oo aad lacag gelisay ay hal mar kaa le’daan. Waa khasaare aad u culus,” ayey ku catawday Xaliimo.

Xaliimo weli waxay la tiicaysaa khasaarahaa. Waxay leedahay hal farriin oo keliya oo ay u dirayso dowladda federaalka: in ay furto diyaaradaha tooska ah ee ka xayiran Kismaayo.

“Anagu shacab ayaan nahay, oo masaakiin ah. Waxaan codsan lahaa in naloo furo diyaaradaha,” ayeuy tiri Xaliimo.

The post Beerta Digaagga ee Kismaayo: Rajadii ka bilaabatay qaxootinimada appeared first on Kaab TV.