Mohamed Ibrahim Bulbul, Author at Kaab TV

Al-Shabaab oo 6 gaari oo dhuxul siday ku gubtay inta u dhexeysa Wanla-Weyn iyo Afgooye
Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dab qabadsiisay lix gaari oo xamuul ah oo dhuxul ka soo qaaday Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan, kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Sawirro aan ka helnay deegaanka ayaa muujinaya gaadiidka oo ku gubanaya inta u dhexeysa Wanla-Weyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Mid ka mid ah gaadiidleyda oo la hadlay Kaab TV ayaa sheegay in gaadiidka ay jidka u galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab xilli ay marayeen waddada isku xirta Wanla-Weyn iyo Afgooye.

“Gaadiidka waxaa gubay Xisbada Al-Shabaab ee qaybtaas ka talisa, gaar ahaan kuwa ku sugan baraha kontoroolka. Gaadiidka la gubay waxay beel ahaan u kala lahaayeen 2 Gaaljecel, 3 Habar Gidir iyo 2 Murusade,” ayuu yiri mid ka mid ah gaadiidleyda oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo amni awgood.

BREAKING: Al-Shabaab militants today set fire on 6 trucks carrying charcoal near Afgooye town, about 30km from Somalia capital, Mogadishu.

A video from the area shows trucks destroyed by the fire early morning on Wednesday.

Somali police in the area have not responded and the… pic.twitter.com/Fm7M19VPQm

— Kaab TV (@KaabTV) August 19, 2026

Maxaa sababay in gaadiidka la gubo?

Sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Kaab TV, Al-Shabaab ayaa muddo ka qaadi jirtay lacag canshuur ah gaadiidka dhuxusha, iyadoo lacagahaas loo sii marin jiray guddi u qaabilsanaa gaadiidleyda.

Hase yeeshee, xaaladdu waxay is beddeshay toddobaadkii hore, kaddib markii ciidamada Danab ee uu Mareykanku taageero ay xireen laba xubnood oo ka tirsanaa guddigaas, kuwaas oo lagu kala magacaabo Axmed Soomaali iyo Cismaan Jawjawley.

Labada nin ayaa, sida ilaha aan la xiriirnay ay sheegeen, kala ahaa guddoomiyaha guddiga gaadiidleyda dhuxusha iyo madaxa maaliyadda guddiga, waxayna Al-Shabaab uga qaadi jireen canshuuraha gaadiidka.

Dhacdadaas kaddib, xafiiska maaliyadda Al-Shabaab ayaa la xiriiray xubnihii kale ee guddiga, iyagoo lagu amray inay howsha sii wadaan.

Xubnihii guddiga ayaa, iyagoo ka cabsi qaba ammaankooda, Muqdisho u soo gudbay, waxayna damiyeen taleefoonnadoodii.

Sida ilo xog-ogaal ah ay sheegeen, Al-Shabaab ayaa markii dambe xiriir la sameysay qaar ka mid ah darawallada, iyadoo ku amartay inay dib u sameystaan guddiga.

Gaadiidleyda ayaa, sida la sheegay, ku jawaabay in qof kasta uu diyaar u yahay inuu bixiyo lacagta isaga laga rabo, balse aysan qaadi karin mas’uuliyadda lacagaha iyo hawlaha dadka kale.

Halkaas ayay ka bilaabatay is-qabqabsiga u dhexeeya Al-Shabaab iyo gaadiidleyda, sida ay sheegeen ilaha aan la xiriirnay.

Mid ka mid ah saraakiisha amniga ee Afgooye ayaa Kaab TV u sheegay in Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadday gaadiidka xamuulka ah xilli ay marayeen waddada u dhexeysa Afgooye iyo Wanla-Weyn, halkaas oo ay ku gubeen lix gaari.

Al-Shabaab iyo mamnuucidda dhuxusha

Al-Shabaab ayaa muddo dheer mamnuuc ka ahayd jarista dhirta iyo soo saarista dhuxusha, hase yeeshee tan iyo 2023, kaddib markii kooxda laga qabsaday deegaano badan, waxaa la sheegay inay hoos u dhigtay dhaqangelinta mamnuucista ganacsiga dhuxusha.

Horraantii toddobaadkan, kooxda ayaa mar kale soo saartay awaamiir adag oo la xiriira joojinta jarista dhirta iyo soo saarista dhuxusha.

Sida awaamiirtaas lagu sheegay, dadka dhirta jaray waxaa loo qabtay muddo 20 maalmood ah inay ku qaataan dhirta ay hore u jareen, iyadoo looga digay inay dhir kale jaraan.

Booliska Afgooye kama uusan hadlin dhacdadan, halka deegaanka uu weerarku ka dhacay ay weli si buuxda uga howlgalaan xubno ka tirsan Al-Shabaab.

The post Al-Shabaab oo 6 gaari oo dhuxul siday ku gubtay inta u dhexeysa Wanla-Weyn iyo Afgooye appeared first on Kaab TV.