Kaab TV News, Author at Kaab TV

Mareykanka oo raadinaya la-taliyeyaal ku takhasusay siyaasadda iyo qabaa’ilada Soomaalida
MUQDISHO (Kaab TV) -Taliska howlgalka gaarka ah ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bilaabay inay raadiyaan khubaro la-talin ka bixiya siyaasadda, dhaqanka iyo qaab-dhismeedka qabaa’ilka Soomaaliya, sida lagu sheegay ogeysiis cusub oo dowladda Mareykanka soo saartay.

Qandaraaska, oo la shaaciyay dabayaaqadii May, ayaa lagu dalbanayaa saddex la-taliye oo ka shaqeeya fahamka arrimaha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliya, kuwaas oo sidoo kale ka qeyb qaadan doona xiriirka dowladda iyo beelaha kala duwan, isla markaana bixin doona adeegyo turjumaad.

Howlgalka Ciidamada Gaarka ah ee Mareykanka ee Soomaaliya (JSOTF-SOM) ayaa sheegay in la-taliyeyaashan ay muhiim u yihiin sidii ciidamada Mareykanka ay si wanaagsan ugu fahmi lahaayeen dhaqanka deegaanka, taariikhda, nidaamyada bulshada, xaaladaha siyaasadeed iyo xiriirrada qabaa’ilka ee saameeya qorsheynta iyo fulinta howlaha amni.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Mareykanku si weyn u dhimay joogitaankiisa milatari ee Afrika sanadihii la soo dhaafay. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Dagvin Anderson, ayaa dhawaan u sheegay Kongareeska in dhimista ciidamada iyo ilaha sirdoonku ay abuureen waxa uu ku tilmaamay “god mugdi ah oo dhanka xogta sirdoonka ah”.

Anderson ayaa ka digay in kooxaha xagjirka ah sida Islamic State ay weli daneynayaan inay weerarro ka geystaan danaha Mareykanka, isagoo xusay in hoos u dhaca joogitaanka ciidamada uu saameeyay awoodda ururinta xogta amniga ee gobolka.

La-taliyeyaasha cusub ayaa inta badan ka howl geli doona Mogadishu, balse waxaa sidoo kale laga filayaa inay u safraan meelo kala duwan oo ku yaalla Soomaaliya, Djibouti iyo Kenya.

Ogeysiiska ayaa lagu sheegay in shaqaalahan looga baahan doono oggolaansho amni oo heer sare ah (Top Secret) iyo inay ka shaqeyn karaan deegaano khatar amni leh, iyadoo shaqadu la filayo inay bilaabato bisha Sebtembar.

The post Mareykanka oo raadinaya la-taliyeyaal ku takhasusay siyaasadda iyo qabaa’ilada Soomaalida appeared first on Kaab TV.

WARKA KAAB TV: 05/16/2026
WARKA KAAB TV: 02/16/2026

The post WARKA KAAB TV: 05/16/2026 appeared first on Kaab TV.

Mucaaradka Jabuuti oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu wiiqay kalsoonida nidaamka federaalka Soomaaliya
MUQDISHO (Kaab TV) – Siyaasiga mucaaradka Jabuuti Alexis Mohamed Gueldon ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, inuu wiiqay kalsoonidii nidaamka federaalka dalka, isagoo sheegay in siyaasadaha dowladda federaalka ay sii xoojiyeen khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Gueldon ku sheegay in wax-ka-beddellada dastuurka, murannada siyaasadeed iyo xiriirka sii xumaanaya ee dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay dhaawaceen sumcadda nidaamka federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in tallaabooyinkan ay hoos u dhigeen kalsoonidii siyaasadeed iyo tan hay’adaha dowladda, taasoo uu ku tilmaamay arrin sii adkaynaysa dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka dalka.

Gueldon ayaa xusay in khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Puntland uu ka mid yahay tusaalooyinka muujinaya sida ay u sii qotomaan kala aragti duwanaanshaha ku saabsan habka maamulka iyo awood-qaybsiga dalka.

Sidoo kale, wuxuu ku dooday in murannada siyaasadeed ee daba dheeraaday ay abuureen shaki ku saabsan xasilloonida iyo hufnaanta hay’adaha dowladda federaalka, taasoo saameyn ku yeelatay kalsoonida ay shacabka iyo beesha caalamku ku qabaan maamulka Muqdisho.

Siyaasigan mucaaradka ah ayaa tilmaamay in inkastoo Mareykanku weli si rasmi ah u aqoonsan yahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, haddana uu sii ballaarinayo wada-shaqeynta uu la leeyahay Somaliland dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda.

Wuxuu sheegay in xiriirradaas sii kordhaya ay muujinayaan sida qaar ka mid ah daneeyayaasha caalamiga ah ay u raadinayaan fursado kale oo ay kula shaqeeyaan Somaliland, iyagoo ka jawaabaya xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya.

Gueldon ayaa ugu dambeyn ku dooday in hoos u dhaca kalsoonida siyaasadeed iyo tan hay’adaha dowladda federaalka uu si aan toos ahayn u xoojiyay doodaha ay Somaliland ku raadineyso aqoonsi caalami ah, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay dib u soo celiso wada-shaqeynta iyo kalsoonida ka dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda.

The post Mucaaradka Jabuuti oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu wiiqay kalsoonida nidaamka federaalka Soomaaliya appeared first on Kaab TV.

Maraykanka oo caddeeyay mowqifkiisa Midnimada & Wadajirka Soomaaliya
Maraykanka (Kaab TV) -Warbixin ka timid Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo loo gudbiyay Congress-ka ayaa lagu sharaxay mowqifka Dowladdaas ee Soomaaliya, waxaana markale ay Washington caddaysay in Madaxbannaanida & Wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay aqoonsan ahay.

Maraykanka ayaa sheegay in uu xiriir iyo la shaqayn la wadaago Maamulka Waqooyi Galbeed balse had iyo jeer uu uga dambeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu kala tashto una mariyo kaalmada loo dhiibayo Maamulkaas sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xukuumadda Washington.

Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo jaangoyso siyaasadda Bannaanka ee dalkaas ayaa sheegtay in wadashaqayn weliba oo ay wadaagaan Maamulka Waqooyi Galbeed in ay xogtaas ay u gudbiyaan Dowladda Federaalka, dhinaca Amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero ‘Argagixisada’ in ay isugu mid yihiin Muqdisho & Hargaysa.

Maalgashi ay ku samaystaan Maamulka Waqooyi Galbeed waxa uu caqabadda kahor taagan ku tilmaamay in Maamulkaas uu diidan yahay la tacaamulka Dowladda Federaalka, tani waxa ay bannaanka soo dhigaysaa in Maraykanka uu aqoonsan yahay Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka waxa ay aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, Waxa aan aqoonsanahay Midnimada & Wadajirka Dhuleed, Diiditaanka Somaliland ee ah in ay la macaamisho Dowladda Federaalka waxa ay dhibaato ku keenaysaa in aan maalgashi ku samaysanayo Dekedda & Garoonka Diyaaradaha ee Berbera” Sidaasi waxaa lagu yiri Warka kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Xukuumadda Washington ayaa sidaan oo kale dhowr jeer horay u sheegtay in aysan aqoonsanayn Maamulka Cabdiraxmaan Cirro ee Waqooyi Galbeed, waxa ay soo jeedisay in la ilaaliyo Midnimada iyo Wadajirka Dhulkeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida uu dal weliba u jecel yahay in qadiyaddiisa loo ilaaliyo.

The post Maraykanka oo caddeeyay mowqifkiisa Midnimada & Wadajirka Soomaaliya appeared first on Kaab TV.

Masar iyo AUSSOM oo ka wada hadlay amniga Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga gobolka
MUQDISHO (Kaab TV) – Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta xarunta AUSSOM ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Salaax Keshtah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, isbeddellada ka socda gobolka iyo muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu taageerayo nabadda, amniga, xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Madaxa AUSSOM ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay muddada dheer siineysay Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in howlgalka Midowga Afrika uu ka go’an yahay inuu si dhow ula shaqeeyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah si loo hirgeliyo waajibaadka loo igmaday.

Dhankiisa, Safiirka Masar ayaa dib u xaqiijiyay taageerada dalkiisu u hayo dadaallada lagu fulinayo qorshayaasha AUSSOM, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayso caqabado amni iyo siyaasadeed oo isbiirsaday, iyadoo beesha caalamka iyo dalalka gobolka ay sii wadaan dadaallada lagu taageerayo geeddi-socodka nabadda iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.

The post Masar iyo AUSSOM oo ka wada hadlay amniga Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga gobolka appeared first on Kaab TV.

Maraykanka oo Dowladda Federaalka & Mucaaradka ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan wadahadalkii u socday
MUQDISHO (Kaab TV) – War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay dedaallada lagu xoojinayo dib usoo celinta wadahadalladii ay horay ugu kala tageen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka.

Safaaradda ayaa ku biirtay Dalal & Ururro uga horreeyay baaq kan lamid ah oo Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka si ay uga wadaxaajoodaan howlaha geeddi socodka Dalka sida Doorashooyinka iyo qodobada kale ay labada dhinac isku hayaan.

Maraykanka ayaa ka digay rabshado iyo wax weliba oo xasilooni darro abuuri kara ee ka dhex dhallan kara Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, si arrimahaas looga badbaadana loo baahan yahay in ay wadahadlaan sida hadalka loo dhigay.

“Mareykanku waxa uu saamilayda Siyaasadda Soomaaliya usoo jeedinayaa in ay is xakameeyaan kana fogaadaan tallaabo kasta oo hurin karta rabshado ama xasillooni-darro, waxaana ugu baaqaynaa Wadahadal”. Sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho

Waxaa dib usoo xooggaystay dedaallada Beesha Caalamka ay ku doonayso in dib loo billaabo wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, Maraykanka waxaa baaqaan uga horreeyay Qaramada Midoobay, Boqortooyada Ingiriiska & Midowga Yurub.

The post Maraykanka oo Dowladda Federaalka & Mucaaradka ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan wadahadalkii u socday appeared first on Kaab TV.

Roobab mahiigaan ah iyo daadad xooggan oo hakiyay isu socodka Boosaaso iyo Qardho
Boosaaso (Kaab TV) -Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo saaray digniin ku saabsan khataraha ka dhasha safarka waddooyinka waaweyn xilligan oo ay da’ayaan roobabka Gu’ga, iyagoo shacabka ugu baaqay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah marka ay marayaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka ay biyuhu ku fataheen.

Digniinta ayaa ku soo beegantay xilli roobab mahiigaan ah ay ka da’een gobollada Bari, Karkaar iyo Haylaan, kuwaas oo sababay daadad xooggan oo saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in Togga Durdur ee deegaanka Ceeldaahir uu mar kale qaaday gaadiid waaweyn, kaddib markii habeenkii hore laga soo badbaadiyey darawallo ay biyuhu la tageen. Sidoo kale, daad ka soo rogmaday Togga Buraan ayaa qaaday gaadiid kale, iyadoo dadka safarka ah ay codsanayaan gurmad degdeg ah.

Daadadka ayaa sidoo kale la sheegay inay kala xireen jidka muhiimka ah ee isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, taas oo hakad gelisay isu socodkii gaadiidka ee waddada laamiga.

Booliiska Puntland ayaa shacabka ku boorriyey inay ka fogaadaan isku dayga ka gudubka togagga iyo buundooyinka ay biyuhu ka buuxaan, isla markaana ay raacaan tilmaamaha ciidamada ku sugan waddooyinka si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha roobabka iyo daadadka.

The post Roobab mahiigaan ah iyo daadad xooggan oo hakiyay isu socodka Boosaaso iyo Qardho appeared first on Kaab TV.

Weerarro kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle
Jowhar (Kaab TV) -Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarro kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar, kuwaas oo loo adeegsaday qaraxyo jugtooda laga maqlay bartamaha magaaladan oo caasimad u ah Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed HirShabelle.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Laanta Isnaay ee xaafadda Horseed, iyada oo lala eegtay sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya , kaas oo magaciisa lagu soo koobay Haaroole, waxaana soo gaaray dhaawac.

Sidoo kale, weerarka labaad oo ahaa Bam-gacmeed ayaa isna lagu beegsaday xero ay dagan yihiin Guutada 3-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee uu hoggaamiyo Jeneraal Saneey Cabdulle oo ku taalla agagaarka saldhigga Jowhar, iyada oo ciidamada ay fureen rasaas kadib weerarka lagu qaaday.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka iyo rasaasta xigtay ee ay fureen ciidamada dowladda ee ku sugan xerada la beegsaday oo ay dagan yihiin military-ga Soomaaliya.

Weerar kale oo saddexaad ayaa sidoo kale lagu qaaday askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku sugnaa barkoontarol oo ku taalla Jowhar, kaas oo ay dileen kooxaha hubeysan oo kadibna ka qaatay qoraygiisa.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta Maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdooyinkaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay falalka amni darrada ah ee xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba, ha’ahaatee Jowhar ayaa dhawaan martigelin doonto doorashada guud ee HirShabelle oo haatan si weyn loogu diyaar garoobayo, iyada oo dhinacyo kala duwan ay si weyn ugu loolami doonaan, maadaama lasoo dooran doono Baarlamaan iyo Madaxweyne cusub.

The post Weerarro kala duwan oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle appeared first on Kaab TV.

Askari katirsan ciidanka Puntland oo Gobolka Nugaal ku dhaawacay Arday Imtixaan u fadhisay
Nugaal (Kaab TV) -Saddex Arday ayaa ku dhaawacantay rasaas uu furay Askari katirsan ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland oo ilaalinayay Arday galaysay Imtixaanka Shahaadiga ah  oo lagu qaadayay Iskuul ku yaalla Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Ardayda dhaawaca soo gaaray ayaa loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaadka si looga daweeyo, waxaana warar is khilaafsan uu kasoo baxayaa sababta keentay in Askarigaas uu rido rasaasta dhaawacaas dhalisay.

Wararka ugu badan ayaa sheegaya in Askariga iyo qaar kamid ah Ardayda Imtixaanka galaysay ay is afgaareen kaddibna uu Askarigu sidaas uu ku furay rasaasta sababtay dhaawaca saddexda Arday waxaana isbaddellay jawiga goobta.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland gaar ahaan Taliska Booliiska Burtinle oo gaaray goobta ayaa waxay billaabeen baaritaanno la xiriira sida uu falkaas u dhacay iyaga oo su’aalo weydiiyay dadkii goobjooga u ahaa dhacdadaan.

The post Askari katirsan ciidanka Puntland oo Gobolka Nugaal ku dhaawacay Arday Imtixaan u fadhisay appeared first on Kaab TV.

Itoobiya oo maanta ka dhacaysa doorashadii ugu liidatay dalkaas tan iyo 1991dii
Itoobiya(Kaab TV) -TDalka Itoobiya oo dadkeedu yahay 139 Milyan waxa ay maanta u tahay maalin doorasho balse uga duwan doorashooyinkii dalkaas soo maray tan iyo markii uu meesha ka baxay nidaamkii boqortooyada waa sanadkii 1991dii.

Sababta keentay in doorashadu ay aad u liidato waa colaadda sokeeye ee dalkaas oo saamayn taban ku reebtay amniga iyo in lasii ogyahay inuu Abiy Ahmed ku shubanayo doorashada oo Xisbigiisa uu helayo codadka ugu badan ee kuraasta Baarlamaanka.

49 jirka Itoobiya hoggaaminaya tan iyo sanadkii 2018kii ayaa dalkiisa gaarsiiyay horumar iyo dib u dhac iyada oo dad badan oo gudaha Dalkaasi ku sugan ay ku dhaliilayaan murankii ka dhashay Doorashadii 2020 ee ilaa haatan raadadkii colaadda ahaa ee laga dhaxlay ay muuqdaan.

50 Milyan oo Itoobiyaan ah ayuu sheegay Guddiga Doorashooyinka in ay isu diiwaangeliyeen doorashadaan balse waxaa jira warbixinno liddi ku ah arrintaan oo tirada dadkaas ka yaraynaya maadaama Gobolka Tigray oo idil aanay laga codayn doonin.

Xisbiga Barwaaqo ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali ayaa ku tashanaya kuraas badan oo dhankooda loo tirinayo kuwaas oo ka dhigaya in mar kale uu hoggaamin doonno Xukuumadda 5ta sano soo socota waa haddii uu helo natiijada codadka ugu badan.

The post Itoobiya oo maanta ka dhacaysa doorashadii ugu liidatay dalkaas tan iyo 1991dii appeared first on Kaab TV.