Kaab News Editor, Author at Kaab TV

WARKA HABEEN KAAB TV 13-04-2026
The post WARKA HABEEN KAAB TV 13-04-2026 appeared first on Kaab TV.

Soomaaliya waxay halis ku tahay amniga Mareykanka – Trump
NAIROBI (Kaab TV) — Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa saxiixay amar lagu kordhinayo xaaladda degdegga qaran ee Mareykanka uu ku soo rogay Soomaaliya muddo hal sano ah oo dheeri ah, isaga oo ku sababeeyay weli jiritaanka khataraha amni iyo xasillooni darrada dalka.

Xaaladdan degdegga ah ayaa markii ugu horreysay lagu dhawaaqay 12-kii Abriil 2010, iyadoo lagu ansixiyay amar fulineed (Executive Order 13536), kadib markii ay sii xumaanaysay xaaladda amni ee Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen rabshado joogto ah, burcad-badeednimo ka dhacaysay xeebaha, iyo jebinta cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay.

Tallaabooyin dheeraad ah ayaa la hirgeliyay sanadkii 2012 iyadoo loo marayo amar kale (Executive Order 13620), kaas oo diiradda saaray arrimo muhiim ah sida dhoofinta dhuxusha—oo loo arko il dhaqaale oo weyn oo ay ku tiirsan tahay kooxda Al-Shabaab—ku takri-falka hantida dadweynaha ee Soomaaliya, iyo rabshadaha ka dhanka ah shacabka rayidka ah.

Kordhintii ugu dambeysay ee la saxiixay 8-da Abriil, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay “khatar aan caadi ahayn oo weyn” oo ku wajahan amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Go’aankan oo lagu soo saaray sharciga xaaladaha degdegga ah ee Mareykanka (National Emergencies Act) ayaa sii haynaya cunaqabataynta iyo tallaabooyinka la xiriira ilaa ugu yaraan 12-ka Abriil 2027.

The post Soomaaliya waxay halis ku tahay amniga Mareykanka – Trump appeared first on Kaab TV.

Warbixin: Ganacsatada Muqdisho oo diiday qaadashada Shilinka Soomaaliga
MUQDISHO (Kaab TV) — Ganacsatada iyo dukaanleyda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si isa soo taraysa u diiday qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga, gaar ahaan kunka shilin, taas oo hadda u muuqata mid gebi ahaanba ka baxaysa wareegga suuqyada caasimadda.

Qaar ka mid ah ganacsatada iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo la hadlay Kaab TV ayaa sheegay in aysan aqbaleyn lacagta kunka shilin, iyaga oo ku sababeeyay in ay duugoowday, jeex-jeexantahay, isla markaana aysan jirin cid u beddeleysa lacag sax ah.

Tani waxay sababtay in macaamilka maalinlaha ah uu si weyn ugu tiirsanaado doolarka Mareykanka iyo adeegyada lacagaha mobilka sida EVC Plus, oo hadda noqday kuwa ugu badan ee wax lagu kala iibsado.

Dhibaatadan ma ahan mid cusub, balse waxay soo jiitamaysay muddo dheer, iyadoo horey loo diiday noocyadii kale ee yaryaraa ee shilinka Soomaaliga sida shan boqol iyo boqol shilin.

Hoos u dhaca qiimaha iyo kalsoonida lacagta maxalliga ah ayaa sii xoojiyay ka bixitaankeeda suuqyada waaweyn.

Soomaaliya weli kama jirto siyaasad lacageed oo mideysan, taas oo keentay kala duwanaansho ku saabsan isticmaalka lacagaha. Tusaale ahaan, deegaannada Puntland waxaa weli laga isticmaalaa noocyo kala duwan oo shilin Soomaali ah, halka Muqdisho iyo inta badan koonfurta dalka ay ku koobantahay isticmaalka kunka shilin oo keliya—taas oo hadda iyaduna wajahaysa diidmo ballaaran.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaan weli si buuxda u shaqeyn, mana jirto faragelin muuqata oo uu ka sameeyay xaaladdan sii xumaaneysa. Dowladihii kumeelgaarka ahaa iyo kuwii xigay ayaa horey u soo saaray lacago lagu muransanaa sharciyadooda, balse tobankii sano ee la soo dhaafay lama daabicin wax lacag cusub ah, taas oo sii kordhisay ku tiirsanaanta doolarka.

Inkasta oo aan weli wax jawaab ah laga helin Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, haddana xaaladdan ayaa si gaar ah u saameyn karta dadka danta yar ee ku tiirsan shilinka Soomaaliga si ay u daboolaan baahiyahooda nololeed ee maalinlaha ah.

Waxaa jira walaac isa soo taraya oo ku saabsan mustaqbalka lacagta maxalliga ah iyo baahida loo qabo xal degdeg ah oo lagu badbaadinayo nidaamka lacagaha dalka.

The post Warbixin: Ganacsatada Muqdisho oo diiday qaadashada Shilinka Soomaaliga appeared first on Kaab TV.

Xiisad amni oo ka dhex aloosan Puntland iyo Dowladda Federaalka
GAROOWE (Kaab TV) — Waxaa cirka isku shareeray xiisadda u dhexeysa Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib hadallo is dhaafsi ah iyo warar sheegaya abaabul ciidan oo la xiriira labada dhinac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Xersi Cali “Qarjab”, ayaa sheegay in Puntland ay difaacanayso dhulkeeda, isaga oo xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan horey uga imaan wax ka badan dhibaatooyin.

Hadalkan ayuu ka jeediyay magaalada Garoowe, isagoo ugu baaqay shacabka inay diyaar u ahaadaan difaaca deegaanadooda.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar tilmaamaya in dowladda federaalka ay wado abaabul ciidan iyo maleeshiyaad la doonayo in lagu kiciyo qalalaase gudaha Puntland.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo qaybo ka mid ah gobolka Mudug iyo agagaarka Garoowe.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa habeenkii Axadda si adag u dhaliilay hoggaanka Puntland, isaga oo sheegay in maamulkaasi uusan ku imaan doorasho sharci ah, isla markaana uu wado qorshe gooni u goosad ah.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in laga hortago tallaabooyinka uu ku eedeeyay maamulka Puntland.

Hadalladan is dhaafsan iyo wararka ku saabsan abaabulka ciidan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo suurtagalnimada iska hor imaad, iyadoo falanqeeyayaal ay tilmaamayaan in xaaladdu u egyahay mid la mid ah dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay Baydhabo, halkaas oo ciidamo iyo maleeshiyaad ka yimid Muqdisho ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada.

The post Xiisad amni oo ka dhex aloosan Puntland iyo Dowladda Federaalka appeared first on Kaab TV.

27 Sano oo hal nin hor taagan yahay shacabka Jabuuti iyo silica ay ku nool yihiin
Muddo 27 sano ah, hal nin ayaa si joogto ah u hor taagnaa shacabka Jabuuti, iyagoo weli la tacaalaya duruufo nololeed oo adag iyo caburin siyaasadeed.

Jimcihii hore, doorasho ka dhacday dalka Jabuuti ayuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle mar kale ku sheegay inuu ku guuleystay boqolkiiba 97 codadka—natiijo ay si adag u diideen mucaaradku, iyadoo sidoo kale la sheegay in ka qaybgalka dadweynaha uu aad u hooseeyay.

Tan iyo sannadkii 1999, Geelle wuxuu ahaa madaxweynaha dalka, doorashadanina waxay ka dhigaysaa markii lixaad ee uu xukunka dib ugu soo laabto. Soo laabashadiisa joogtada ah ee talada waxay timid kaddib markii uu wax ka beddelay dastuurka, isaga oo meesha ka saaray xaddidaadaha da’da madaxweynaha iyo tirada jeer ee uu tartami karo.

Intaa waxaa dheer, wax ka beddelka dastuurka ayaa sidoo kale lagu daray qodobo si weyn u xaddidaya mucaaradka—gaar ahaan kuwa muddo dheer dibadda ugu maqnaa, kuwaas oo ka cararay cadaadis, xarig iyo hanjabaado dil oo ka dhan ah.

The post 27 Sano oo hal nin hor taagan yahay shacabka Jabuuti iyo silica ay ku nool yihiin appeared first on Kaab TV.

Finland oo hakisay taageerada horumarineed ee Soomaaliya
Finland ayaa si rasmi ah u hakisay taageeradii dhaqaale ee ay siin jirtay Soomaaliya.

The post Finland oo hakisay taageerada horumarineed ee Soomaaliya appeared first on Kaab TV.