Sadia Suleiman

Wararkii ugu dambeeyay: Dab khasaare geystay oo ka kacay Suuqa Bakaaraha
Dab khasaare geystay ayaa maanta ka kacay qaybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ganacsato ku sugan suuqa ayaa sheegaya in dabku uu saameeyay goobo ganacsi, iyadoo weli aan si rasmi ah loo xaqiijin baaxadda khasaaraha hantiyeed ama haddii ay jiraan dad ku waxyeelloobay.

Booyado dab damis ah iyo shacabka ayaa ku howllan daminta dabka iyo xakamaynta inuu ku fido qeybaha kale ee suuqa.

Mas’uuliyiinta ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan sababta dhalisay dabka ama qiimeynta khasaaraha.

Sababta rasmiga ah ee dabka wali lama shaacin.

Hase yeeshee, ilo kala duwan ayaa bixiyay warar is khilaafsan, iyadoo qaar ay sheegayaan inuu dabku ka dhashay koronto, halka ilo kale ay tilmaamayaan inuu ka billowday gaaska cuntada lagu karsado.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in lagu guuleystay in si degdeg ah loo xakameeyo loona damiyo dabka ka kacay qaybta Cabdalla Shiddeeye ee Suuqa Bakaaraha.

Maamulka ayaa xusay in hawlgalka daminta dabka ay si naf-hurnimo leh u fuliyeen shaqaalaha Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Dowladda Hoose ee Xamar, iyagoo kaashanaya shirkado gaar loo leeyahay.

Weli lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabka.

Dabkan ayaa saameeyay qayb ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya, kana mid ah xarumaha ganacsiga ugu muhiimsan dalka, iyadoo nolosha iyo ganacsiga kumannaan qoys ay ku tiirsan yihiin.

Gubashada suuqa Bakaaraha ayaa ah mid soo laa-laabata oo aan loo helin xal waara, iyadoo ciriiriga waddooyinka iyo qorshe xumada maamulka Muqdisho loo aaneynayo in wax laga qaban waayo dababka ay dadka ku hantida beelaan.

The post Wararkii ugu dambeeyay: Dab khasaare geystay oo ka kacay Suuqa Bakaaraha appeared first on Kaab TV.

Cimilada isbeddelaysa iyo abaarta oo nolol adag Ku reebay barakacayaasha Muqdisho
MUQDISHO (Kaab TV) -Abaaraha Soomaaliya ka jira oo ay sababto isbedelka Cimilada ayaa dadka iyo duunyada isku si u saameeyay, taasoo dhalisay in dadkii ay ka soo barakacaan deegaanadoodii kadib markii ay xoolohoodii oo ahaa hantida keli ah ay heysteen ka dhameysay abaartu ama beerahoodii ka ba’een roob la’aan darteed ama webiyadii oo guray.

Qoysaskaas oo isugu jira haween, caruur iyo waayeel ayaa ku tabaaleysan xerooyinka barakacayaasha.

Dhowaan booqasho aan ku tagnay mid ka mid ah xerooyinkaas oo ku taala degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayay barakacayaashu sheegayaan sheekooyin naxdin leh sida caafimaad la’aan, waxbarasho la’aan heysata caruurtooda, quutul daruuriga oo ciriiri ku ah, taasoo ay u dheer tahay shaqo la’aan iyo hooy xumo, iyagoon heysanin agabkii jiifka sida joodariyo.

In ka badan 4 milyan oo qof ayaa ku barakacay sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobey u qaabishan, dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha diiwaangeliya dadka gudaha ku barakacay, taasoo ka dhigeysa in ka badan 25% dadka Soomaaliyeed ay gudaha barakacayaal ku yihiin.

Aamino Abuukar Aadan oo ah hooyo heysata labo caruur ah, ayna dulsaar ku yihiin caruur rajo ah, oo ku sugan xero dadka barakacayaashu ka degaan degmada Kaxda ayaa sheegtay inay soo barakacday markii xoolohoodii ay ka baaba’een.

Barakacayaashan ayaa marka laga reebo nolol xumada heysata, waxaa u dheer inaysan maareyn karin caafimaadkooda iyo waxbarashada caruurtooda.

Maareeyaha Xarunta Qaran ee Howlaha Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Masiibooyinka, Xasan Ciise, ayaa sheegay in abaarta 2025 / 2026 ay la mid ahayd abaarihii dalka soo maray 2010, 2011, 2016, 2017, 2022 ilaa 2023. Wuxuu kaloo sheegay in 13 ka mid ah 18 gobol ee Soomaaliya inay abaartu saameysay, ayna 1,7 milyan oo qof ay abaartu ay u saameysay ayna u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

Ilaa 4 milyan oo qof ka badan ay wajayaan cunto yari bishaan Janaayo, iyadoo lixda bilood ee soo socota la qiyaasayo in ay gaaraan ilaa 7 milyan oo qof.

Wuxuu kaloo maareeyuhu sheegay in ay xirmeen in ka badan in 200 xarumo caafimaad ay u xirmeen dhaqaale la’aan, ilaa 300 oo xarumo lagu nafaqeyn jiray xaruurtana ay xirmeen, taasoo ay saameyn ku yeelatay ugu yaraan 2 milyan oo caruur ah.

Isbedelka cimilada oo saameyntiisa aad looga dareemayaa Soomaaliya. Hay’adda Qaramada ee Qaxootiga ayaa sheegay in 3.5 milyan oo qof ku barakceen gudaha dalka, halka 850 qof ay ku soo laabtaan gudaha Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa horraantii bishan sheegtay in ay joojisay gabi ahaanba kaalmadii ay siin jirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu eedeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya in ay burburiyeen bakhaar ay ku jirtay cunto ay lahayd hay’adda cunnada Adduunka ee WFP, cuntadaas oo ay maalgelisay dowladda Mareykanka.

Tani waxa ay sii cakireysaa xaaladda guud ee barakayaasha dalka oo ka soo barakacay abaarihii ku dhuftay dalka oo ay sababeen isbedelka cimilada.

The post Cimilada isbeddelaysa iyo abaarta oo nolol adag Ku reebay barakacayaasha Muqdisho appeared first on Kaab TV.

Xeryaha Barakaca Muqdisho: Haween iyo carruur la daalaa-dhacaya biyo iyo cunto yaraan
MUQDISHO (Kaab TV) – Jawaahir Ibraahim Iimaan waa hooyo kali ku ah daryeelka 7 carruur ah oo ay dhashay oo ku nool xeryaha barakaca.

Laba bilood ka hor ayay ka barakacday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo dagaallo culus ay ku dhex mareen kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

Holaca iyo daryanka hubka culus ee labada dhinac is dhaafsanayeen ayaa dhagaha Jawaahir ka qaaday rajo kasta oo ku noolaansho ah deegaankii ay daganeyd. Iyadoo carruurteeda gacanta ku sidata, ayay rasaas iyo cabsi uga soo carartay, una soo hoyatay nolol cusub oo weli mugdi ku jirta.

“Dhibaato, rafaad iyo qarax ayaa nasoo barakiciyay,” ayey tiri Jawaahir iyada oo fadhida illinka buulkeeda yar ee ku dhex yaalla xeradan barakaca xilli ay qorraxdu kulushahay, wajigeedana laga dareemi karo kuleylka daran ee jira.

Safar maalmo badan ah ka dib, Jawaahir waxay ku soo hoyatay kaamka Barxad-weyn ee degmada Kaxda, magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee, nolosha cusub ma aysan soo dhaweyn; waxaa hor taagan caqabado badan oo ay ugu horreeyaan biyo la’aan, hoy la’aan, caafimaad la’aan iyo cunto yari.

“Marmar ayaa xerada dhexdeeda cunto lagu kariyo qaando qaando naloo qeybiyaa,” ayey tiri Jawaahir.

Jawaahir ayaa ii sheegtay in dhibka ugu weyn uu yahay helitaanka biyo nadiif ah, maadaama biyaha yar ee kaamka la keeno lacag lagu iibiyo, taas oo aysan awoodin.

“Labadii jerigaan oo biyo ah waa saddex kun shilin [USD 0.15]. Haddaad lacag heysan biyo ma heleysid,” ayey tiri.

Jawaahir oo kasoo barakacday degmada Awdheegle, Shabeellaha Hoose.

Horjoogayaasha xerada, oo loo yaqaano kuwa albaabka ilaaliya [gatekeepers] ma ahan oo kaliya inay dadkaan ka rabaan kiro dhulka ay deggan yihiin, ee waxay sidoo kale la qeybsadaan qeyb ahaan gargaarka la siiyo.

Faadumo Cabduqaadir waa haweeney carmal leh 6 carruur ah, mana heysato wax caawimaad ah oo ka yimaada aabahood. Waxay kasoo carartay Sabiid iyo Caanoole oo ah duleedka Afgooye, halkaas oo Al-Shabaab ay dib u qabsadeen bil ka hor.

Markii Kaab TV uu booqday xeradan, Faadumo iyo haween kale ayaa ku mashquulsanaa dhisidda buul yar oo ay ku hoydaan iyada iyo carruurteeda dhowaan soo galay xeradan.

“Afar maalin ayaan joogaa xeradan. Waxaan ka soo cararnay dagaal iyo gaajo. Xaggeen ka keenaa waxbarasho. Tabartay waa tabar naag, kharash ma haayo,” ayey tiri Faadumo oo sheegtay in dhammaan carrteeda iyo iyada ay ku wada hoydaan buul yar, isla markaana aysan jirin waxbarasho ay carruurteeda aadaan.

Colaad iyo abaar

Sanadihii la soo dhaafay, Soomaaliya waxa ay la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin isbiirsaday oo sababay barakac baahsan.

Colaadaha sokeeye, abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha iyo amni darrida ayaa sababay in boqolaal kun oo qof ay ka cararaan guryahoodii, kuna hoydaan xeryo aan lahayn adeegyo aasaasi ah.

Faadumo oo kasoo barakacday Sabiid iyo Caanoole.

Xogta hay’adaha samafalka ayaa muujinaysa in guud ahaan gudaha dalka Soomaaliya ay ku barakaceen in ka badan 3.3 milyan oo qof.

Xeryaha ay dadkan ku nool yihiin waa ciriir, mana ahan ammaan oo waxaa xitaa dhacda iyo rag hubeysan ay habeenkii u soo dhacaan haweenka barakaca, gaar ahaan kuwa aanan rag la joogin.

Caa’isha Aadam Maxamed oo ah hooyo haysata saddex carruur ah, oo labo ka mid ah ay yihiin agoon, ayaa noo sheegtay inay ka soo qaxday tuulo u dhow degmada Bariire ee Shabeellaha Dhexe halkaas oo dhowaan ciidamada Midowga Afrika oo taageeraya kuwa dowladda ay kula dagaalameen Al-Shabaab.

“Tuulada aan degganahay waxay ku so garaaceen hoobiyaal. Aniga iyo carruurteyda waan soo lugeynay, ka dibna baabuur ayaan kasoo raacnay meel u dhow Afgooye,” ayay tiri Caa’isha.

Caa’iisha waxay la nooshahay aabeheed oo gaari gacan subixii u qaata magaalada si uu ugu soo xoogsado, ka dibna waxa yar ee uu soo xoogsado ayuu raashiin u soo siiyaa reerka, hase ahaatee marka uu soo waayo, waxay Caa’isha sheegtay in carruurta ay iska hurdaan markay ooyaan oo ay waayaan wax ay cunaan.

Hoos u Dhaca Gargaarka Bani’aadantinimo

Hay’adda Qaxootiga ee Norway (NRC) ayaa dhawaan sheegtay in hoos u dhac weyn oo ku yimid maalgelinta gargaarka bani’aadantinimo uu sababay in in ka badan 300,000 oo Soomaali ah laga jaro sahayda cunto iyo biyo nadiif ah.

Arrintani waxay sare u qaaday cudurro laga hortagi karo.

“Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay saameynta isbiirsatay ee colaadaha sii daba dheeraaday, dhibaatada isbeddelka cimillada, iyo hoos u dhaca degdegga ah ee taageerada caalamiga ah,” ayuu yiri Maxamed Cabdi oo ah madaxa hay’adda NRC ee Soomaaliya. “Maalin kasta waxaan aragnaa qiimaha ay dadka ugu kacayso wax ka qabasho la’aanta, iyadoo ay ka muuqato carruurta aan awoodin inay socdaan tabar darri darteed, jeerigaanada maran, iyo dhimasho laga hortagi karo oo ka dhalata cudurrada biyaha ka dhasha. Tani waa musiibo bini’aadan sameeyey oo weli la joojin karo.”

Qaramada Midoobay ayaa sanadkan horraantiisii codsatay gargaar dhan 1.42 bilyan doolar si loogu caawiyo 4.6 milyan oo Soomaali ah, balse illaa hadda waxaa la helay oo keliya 17%. Taas ayaa sababtay in hay’adaha gargaarka ay joojiyaan adeegyo badan, iyadoo malaayiin qof loo daayay xaalad aan taageero lahayn.

The post Xeryaha Barakaca Muqdisho: Haween iyo carruur la daalaa-dhacaya biyo iyo cunto yaraan appeared first on Kaab TV.