Maamulka Warbaahinta Kaab TV oo cambaarey falka xarigga iyo qalabka laga qaatay wariye Xuseen Maxamed Maxamuud

|

MUQDISHO (Kaab TV) –Maamulka Warbaahinta Kaab TV wuxuu adag u cambaareynayaa falka xarigga iyo qalabka laga qaatay wariyaheenna Xuseen Maxamed Maxamuud (Sigane), kaas oo hadda lagu haayo saldhigga booliska ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho.

Xuseen ayaa saaka isagoo ku jira shaqooyinkiisa warbaahineed waxaa rag hubeysan oo ka amarqaata Taliyaha Booliska degmada Hodan ay ku weerareen waddada Maka Al-Mukarama, waxayna ka qaateen qalabkii shaqada.

Xuseen ayaa ka dib loo kexeeyay saldhigga booliska ee degmada Hodan, halkaas oo illaa saacaddaan lagu haayo.

Kaab TV wuxuu ugu baaqayaa maamulka Xasan Sheekh ee waqtigiisu dhammaadka yahay inuu joojiyo caburinta saxaafadda xorta ah, deg degna ku si daayo wariye Xuseen Sigane iyo qalabkiisa. See less

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News