Sheekh Xaaji Xasan Barsane (Illaahay haka raali noqdee) wuxuu ahaa halgamaagii ka adkaaday Boqortooyadii Xabashida si uu Soomaalida uga badbaadiyo gumeysi. Sida uu cadeynayo Heather Marie Akou buuggiisa ‘The Politics of Dress in Somali Culture’ (2011), Sheekhu wuxuu dagaal adag la galay gumeystihii Talyaaniga Dagaalkii 2aad ee Adduunka ka bacdi.
Sheekh Xasan Barsane wuxuu ku suntanaa hoggaamiye gumaysi diid ah. Wuxuu ku dhashay deegaanka Ubaadi oo 68 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe sannadkii 1853.
Xaaji Barsane markii uu Quraanka xafiday isagoo weli yar ayuu billaabay barashada culuumta diinta. Aabihiis wuxuu ahaa oday dhaqan oo aad loo ixtiraamo, geesina ahaa. Xaajiga qoyskiisa waxay ahaayeen xoolo-dhaqato.
Wuxuu u safray magaalada barakeysan ee #Maka si uu u soo guto waajibaadka Xajka, wuxuuna sii joogy saddex sannadood markaas oo uu la kulmay Sheekh Maxamed Saalax oo ahaa hormuudkii dariiqada Saalixiyada. Taariikhyahannada waxay sheegeen in Xaaji Barsane uu ka dib ku biiray dhaqdhaqaaqii Saalixiyada oo uu noqday ninkii Soomaaliya keenay.
DUULLAANKII ITOOBIYAANKA
Dabayaaqadii 1800-meeyadii iyo horraantii 1900-aadkii, in ka badan 3,000 oo fardooley Amxaaro ah oo uu hoggaaminayay abaanduulihii Amxaarada Ras Makonnen ayaa soo galay Dooxada wabiga Shabeelle, oo isku xira dhulka sare ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
Ujeedka Amxaarada ayaa ahaa in ay qabsadaan dhulka Soomaalida oo ay ku ballaariyaan Boqortooyada Xabashida. Ras Makonnen wuxuu qabay, una sheegay Quwadihii Gumeystaha, dhulka kasoo sokeeya xeebaha badda Soomaaliya ay yihiin qayb ka tirsan tahay dhulka Xabashida oo markaa loo yaqaanay Abyssinia.
Xaaji Xasan Barsane oo dadkiisa u baqaya ayaa cudud midaysan oo xigaal ah soo urursaday oo ka horyimid ciidamadii Amxaarada. Ciidamada Sheekh Barsame waxay haysteen 16,000 oo qori iyo ciidan lug iyo fardoolay isugu jiray.
Sannadkii 1905-tii, ciidankii Xaaji Barsane ayaa jilbaha u aastay ciidamadii Xabashida ee doonaayay inay isku fidiyaan Koonfurta Soomaaliya, waxaana dagaalkaasi loogu magacdaray ‘Dagaalkii Gumar Sheel, sida ku qoran Buugga Taariikhda Fasalka Koowaad ee Wasaaradda Waxbarashada 1976. Sababta dagaalka loogu bixiyay Gumar Sheel waxay ahayd waxaa goobta ku dhintay taliye oo la dhihi jiray Gumar Sheel.
Saraakiisha ciidanka Xaaji Barsane waxay u badnaayeen ardaydiisii xerta iyo taageerayaal. Waxaana ugu caansanaa Sheekh Abuukar, Sheekh Oyaaye.
Goobaha ay dagaallada culus ku dhexmareen Ciidamada Sheekh Xasan iyo Amxaarada waxaa ka mid ah: Galo Karoor, Buulo Burte, Yaaqbari Weyne, Ceel Cabdi iyo meelo kale.
Iska hor imaadyo kulul oo bilo socday ayaa aakhirkii sababay in Amxaarada dib loogu celiyo saxaraha dhulkii Ogaadeniya, oo galbeed ah.
Sheekh Barsane wuxuu xiriir fiican la lahaa ciidamadii Daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo Sidoo kale Suldaan la dhihi jiray Ololdin, oo ahaa suldaan awood badan oo Mustaxiil ka talin jiray kaasoo mar dambe gurmad u soo xiray ciidankii Sheekh Xasan Barsane.
Waxaa ballaartay dhulka ay ka talin jirtay Dowladdii Xaaji Xasan Barsane oo gaaray illaa Banaadir, dhulka hadda loo yaqaano Hiiraan, halka fadhiga Dowladda uu ahaa Mahadaay. Sheekhu wuxuu mar dambe deked ka furay Dhanaane halkaasoo hubka iyo badeecadaha uu kala soo degi jiray maadaama uu batay cadawgiisa, dhanka kalana gumeysiga ayaa billaabay inuu heshiisyo la galo qaar ka mid ah qabiillada koonfurta oo daba-dhilif u ahaa gumeysiga.
(LA SOCO Qeybta 2aad)