Maamulkii dowladdii Sheikh Xasan Barsane waxay xiriir la yeelatay odayaasha beelaha iyo waxgaradka koonfurta (kuwooda gumeysi diidka ahaa). Laga soo bilaabo reer Baraawe, reer Afgooye iyo Suldaankii Gelledi illaa odayaashii Mareeg. Xagga Waqooyiga waxay heshiis gumeysi-diid ah wada gaareen Daraawiishtii Sayidka.
Diblomaasiyadda maamulka Barsane ayaa ku dhisneyd in la hubiyo taageerada niyadda ah ee shacabka iyo saldanadaha si uu u hoggaamiyo ol’olaha gumaysi-diidka. Taas waxay horseeday in isku xirka uu gaaro illaa ugaasyada dhulka Ogaadeniya, isaga oo ku dhiiri galiyay deegaanada in ay samaystaan dariiqooyin diineed iyo dhaqdhaqaaqyo gumaysi diid ah.
Meelaha dariiqooyinka laga hirgaliyay waxaa ka mid ahaa deegaanka Een oo u dhaw wabiga Erer ee jihada bariga Harar.
Sannadkii 1891-kii, Talyaanigu waxay si buuxda u degeen Muqdisho, iyagoo billaabay inay addoonsadaan dadkii joogay Xamar. Dhacdooyinka xannuunka lahaa waxaa ka mid ahaa in Talyaanigu sameystay odayaal koofi saliid-layaal ah oo u khidmeeya maamulka Talyaaniga, xogta u keena- xitaa gabdhaha qabaa’ilka qaarkood u keeni jiray askarta Talyaaniga.
Sheekh Barsane oo arrimahaan diidanaa, una arkay arrimo dhaqanka iyo diinta ka horimaanaya ayaa billaabay kacdoon u ku doonayo in dadka ay Talyaanigu addoonsadaan lasoo xoreeyo. Wuxuu saldhig xooggan ka sameystay Danane, si hubka iyo sahayda ciidanka ugala soo dego.
Saraakiisha Talyaaniga oo doonayey inay ka hortagaan awoodda kobceysay ee Sheekh Barsane ayaa iyaguna billaabay shirar ay la galeen odayaasha qabaa’iilka koonfurta qaarkood, iyagoo isku dayaya inay kala saxiixdaan heshiisyo wada-shaqeyn iyo wax is dhaafsi loo bixiyay.
In kasta oo Talyaanigu heshiisyo la soo galay dhawr qabiil, haddana way adkeyd in qabaa’ilka oo aan wax awood lahayn iyo Talyaanigu is aaminaan. Sannadkii 1892-kii, ciidamadii Sheekh Xasan Barsane waxay weerar ku qaadeen saldhigyadii Talyaaniga iyagoo ka soo qaaday dekaddiisii Dhanaane.
Askartii dagaalka kaga dhimatay Talyaaniga waxaa u badnaa rag Eritareeya laga keenay oo Talyaanigu askar ahaan u watay.
Talyaaniga oo jabkaas ka careysan ayaa duqeyn ay fuliyeen maraakiibtiisa badda joogtay la beegsaday fariisimaha ciidanka Sheekh Barsane iyo dekediisii. Talyaanigu waxay kaloo qaadeen weeraro culus oo horseeday in saraakiil sare laga qabto ciidankii Sheekh Barsane.
Ragga dagaalka looga qabtay ciidanka Sheekha, ee taariikhyahanadu wariyeen, waxaa ugu magac dheer Sheekh Cabdi Gafle oo Sheekh Barsane ay saaxiib dhow ahaayeen.
Cabdi Gafle waxaa lagu xiray god Muqdisho ku yaallay oo Talyaanigu dadka ay qabtaan ku xiri jireen, hase yeeshee waxaa Cabdi Gafle markii dambe u suuragashay inuu soo baxsado, oo uu dib ugu biro ciidankii Sheekh Barsane.
Ka sokow Muqdisho, Talyaaniga wuxuu saldhigyo ku lahaa Baydhabo, Cadalle iyo Luuq, oo dhammaantood ay u joogeen askar taasoo ka dhigeysay halganka looga soo horjeeday mid ballaaran.
Xukunka Sheekh Barsane oo awoodeystay, wuxuu dhanka kale lahaa cadaw badan. Dowladdii gumeysiga Talyaaniguna waxay go’aansatay in ay xejisato maamulka dhulka xeebta, si ay ciidamadooda dib isugu abaabulaan, waqtina ugu helaan burburinta kacdoonka gumeysi-diidka ee ay wajahayeen.
Qiyaastii dhammaadkii 1909 illaa 1910, labada dhinac (maamulkii Talyaaniga iyo maamulka Sheekh Barsane) waxa dhaqaaq ah ma sameyn, oo mid kasta wuxuu ku jiray diyaargarow muddo kooban. Hase ahaatee, 1910kii, Talyaanigu wuxuu ku guulaystey inay heshiis isfaham ah la galaan maamulkii Sheekh Barsane oo ku saabsan xeryihii addoonsiga.
Heshiiska Talyaaniga wuxuu ka yimid dood ka dhacday Baarlamanka Talyaaniga oo ahayd in Sheekh Barsane uu yahay nin awood ciidan heysta, mayal adag, isla markaana heysta taageerada dhinacyo badan oo qabaa’ilka ah, sidaa darteed, waxaa maamulkii Talyaaniga lagula taliyay inay wadaadka iskala heshiiyaan. Taasoo suuragalisay is faham muddo kooban uun jiray.
LA SOCO QEYBTA 3AAD!