SO | EN

SO | EN

𝗖𝗮𝗾𝗮𝗯𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗦𝗵𝗮𝗾𝗼 𝗹𝗮. 𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮 𝗷𝗶𝗿𝘁𝗮 soomaaliya.

|

Mogadishu (KAAB TV) –𝟏. 𝐌𝐚𝐪𝐧𝐚𝐚𝐧𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐬𝐢 𝐛𝐮𝐮𝐱𝐝𝐚 𝐮𝐠𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐲𝐬𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚:
Soddonkii sano ee ugu dambeysay hay’adaha dowladda waxa ay ahaayeen kuwo tabar yar ama aanan shaqeynin. Awoodda dowladda u leedahay in ay diyaariso kaabayaashii sahli lahaa maalgelin iyo shaqo abuur waxaa dhaawacay burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalladii sokeeye ee dalka soo maray.

𝟐. 𝐀𝐦𝐧𝐢 𝐱𝐮𝐦𝐢𝐝𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐨 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚:
Amni xumida ka jirta qeybo kamid ah Soomaaliya waa xaalad kale oo qeyb ka qaadatay shaqo la’aanta iyo in aanan si buuxda loo shaqeynin (in saacado yar la shaqeeyo, lacag yarna la qaato, ama in uu qofku qabto shaqo aanan ka turjumeynin awoodda iyo aqoonta uu leeyahay), gaar ahaan dhalinyarada.

𝟑. 𝐊𝐡𝐞𝐲𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐛𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚, 𝐤𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚, 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐧𝐨𝐨𝐥 𝐰𝐚𝐱-𝐬𝐨𝐨-𝐬𝐚𝐚𝐫𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚 𝐰𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐨𝐬𝐞𝐞𝐲𝐚𝐚:
Waa waxsoo-saar u baahan xirfado kooban. Inta badan badeecada la isticmaalo, oo qaar badan oo kamid ah lagusoo saari karay gudaha dalka, dibadda ayaa laga keenaa.

𝟒. 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧𝐚𝐧 𝐤𝐚 𝐭𝐮𝐫𝐣𝐮𝐦𝐞𝐲𝐧𝐢𝐧 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐞𝐞 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐬𝐮𝐮𝐪𝐚.

𝟓. 𝐇𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐡𝐚𝐥𝐝𝐚𝐧:
Si dhalinyarada jaamacadaha dhameeyay shaqo uga helaan dowladda, waa in ay weydiistaan dad ka dhashay beeshooda in ay ku caawiyaan shaqada. Siyaasiyiinta waxa ay metelaan qabiillo. Marka uu qof u baahdo in uu shaqo ka helo hay’adaha dowladda, qabiilka qofka waa kan ugu muhiimsan oo saameynta ku leh helitaanka shaqada. Xubnaha baarlamaanka iyo wasiirrada ayaa la weydiistaa in dhalinyarada qaraabadooda shaqo uga raadiyaan xafiisyada dowladda. Arrinkan ayaa ah xaalad ka dhalatay hay’adaha shaqaalaha rayid oo aanan si wanaagsan u shaqeeynin islamarkaana si daahfuran u qaadanin shaqaalaha dowladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News