SO | EN

SO | EN

10-qof oo looheysto Al-Shabaabnimo oo maanta maxkamad lasoo taagay

|

Guriceel (KAAB TV) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ufadhiisatay dacwad loo heysto 10-qofood kuwaas oo ku eedeysan kamid ahaanshiyaha kooxda Al-Shabaab waxaana maxkamadda xubnahaan ey kadhacday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, 10-qofood ee lasoo taagay maxkamadda ayaa oo ahaa dhalinyaro ayaa waxaa lasheegay in xiliga gacanta lagu soo dhigaayay ey kusii socdeen buuraha Galgala ee gobolka Bari iyagoo doonaayay iney kamid noqdaan kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, xeer ilaalinta ayaa 10-qofood kusoo eedeysay in raggan tababaro horey usoo qaateen eyna kasoo dagaalameen deegaannada Ceel-lahelay iyo Sinidhaq.

Baaris dheer kadib baaraha kiiskan ayaa sheegay in 7-qof kamid raggan iney kuwajahnaayeen buuraha Galgala si ay ugu qeyb noqdaan Al-Shabaab iyagoona kubiiray Al-Shabaab bishii lixaad ee sanadkan.

Qareenada difaaca u ahaa eedeysanayaashan ayaa maxkamadda usheegay in raggan markii horeba ey qorsheynaayeen iney isku soo dhiibaan ciidana dowladda sidaas darteed ladhaqan celiyo.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidanka ayaa sheegtay in markii horaba raggan laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo waxa eyna kusii jeedeen buuraha Galgala ee dhinaca Puntland waxa eyna qirsanyihiin iney kamid ahayeen Al-Shabaab kuna sii jeedeen Galgala.

Ugudambeyntii, maxkamadda ayaa oo soo gabagabeysay dhageysiga garmaqalka kadhanka ah 10-qofood waxa eyna sheegtay in go’aanka maxkamadda ey dib kasoo saari doonto

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News