SO | EN

SO | EN

11% ayay kor u keceen tacaddiyada ay geysanayaan Macawiisleyda – Guddoomiye Shuute

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ka qeyb galay shirka xeer ilaaliyaasha ayaa sheegay kiisaska aad u kordhay ee maxkamadda ciidamada lakeeno haba ugu badnaadeene kuwa Macawiisleyda.

Shuute ayaa sheegay in tan iyo sannadkii 2022 markii ay bilawdeen in la hubeeyo maleeshiyaadka Macawiisleyda ay kordheen tacaddiyada ay geysanayaan kooxaha maleeshiyaadka ah, iyagoo xitaa dil u geysta ciidamada dowladda.

“Kiisaska aan qaadaynay waxaa kor u kacay kiisaska #Macawiisleyda, [maleeshiyaadka qabiilada] ay galaan. 11% ayay kor u keceen tacaddiyada ay geysanayaan Macawiisleyda,” Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Col. Shuute.

Wuxuu sheegay in sannadkii 2022 uu Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Wasiirada ay soo saareen xeer dhigaayey in muddo saddex bilood ku siman kiisaska maleeshiyaadka Macawiisleyda la geeyo Maxkamadda Ciidamada.

“Hadda waad og tihiin 2022 inta laga joogo, waxaan rabaa in Wasiirka Caddaaladda kula qabsano meeshaan, waxaan rabnaa in arrinkaas xal loo helo oo nalaga wareejiyo,” ayuu yiri Shuute.

Dhibaatada Macawiisleyda ayaa aad u soo badaneysay tan iyo markii uu bilawday dagaalkii 2022 dhexmaray kooxaha Macawiisleyda iyo Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda oo taageeraya Macawiisleyda ay ku biireen dagaalka kaasoo markii dambe intiisa badan fashil ku soo dhammaaday.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News