SO | EN

15 xildhibaan oo Jubaland iyo Puntland oo ganaax iyo kulan ka joojin la isugu daray

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Guddoomiyaha Baarlamaanka (Golaha Shacabka) Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta ganaax lacag ka jaris iyo ka joojin ka qeybgalka kulamada baarlamaanka ku soo rogay 15 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada la beegsaday ayaa isugu jira qaar laga soo doortay Jubaland iyo Puntland.

Labada maamul ayaa waxaa khilaaf xooggan uu kala dhexeeyaa dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya Sheekh Aadan Madoobe uu beryahaan cadaadis badan la kulmayay ku aaddan inuu tallaabo ka qaado xildhibaanada reer Jubaland oo ay aad isu hayaan dowladda federaalka.

Siddeed ka mid ah xildhibaanada ayaa lagu soo rogay gunno ka jarid, halka 15 guud ahaanna laga joojiyay shan kulan oo ka mid ah kalfadhiga sannadka danbe ee baarlamaanka.

 

 

Xildhibaanada ayaa waxay kala yihiin: 

1. Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac

2. Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Dagane

3. Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi

4. Xildhibaan Axmed Cusmaan Ibraahim (Daqare)

5. Xildhibaan Cumar Yuusuf Gaaladiid

6. Xildhibaan Cali Mahdi Maxamed Qalato

7. Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Axmed (Dhookir)

8. Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle

9. Xildhibaan Cabdinuur Cali Aadan Maxamuud

10. Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana-nuug

11. Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud

12. Xildhibaan Cabdulqaadir Xuseen Cabdi (Uurdoox)

13. Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif

14. Xildhibaan Maxamed Sheekh Nuur Cusmaan (Garaad)

15. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) ayaa lagu soo rogay ka joojinta kulamada muddo labo bilood ah.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News