MUQDISHO (Kaab TV) – Saaka waaberigii ayaa koox hubeysan oo uu hoggaaminayo taliyaha booliska sakdhigga Galbeed ee magaalada Muqdisho, Yaasiin Ganey, waxay weerar go’doomin ah ku qaadeen qoys deggan xaafadda Warshaddii hore ee Daawada ee waddada Ex-Kontorool, waddada Afgooye iyo Muqdisho.
Ciidankan oo ay tahay markii labaad oo xaafaddan yimaadaan, ayaa ku amray qoys ka badan 2,000 oo ku nool xerada Warshaddii hore ee Daawada inay ka guuraan, iyadoo dhulkaasi oo ay degganaayeen ay xoog ku qaadanayaan ganacsato la sheegay inay dowladda gacan saar la leeyihiin.
Yaasiin Ganey ayaa u sheegay dadka xaafadda deggan oo ay ku jiraan haween, carruur iyo waayeello inuu heysto amar uu kasoo qaatay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (oo loo yaqaanno Macallin Mahdi).
Yaasiin Ganey iyo Macallin Mahdi ayaa horey uga tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab, waxayna hadda ka tirsan yihiin ciidanka booliska dowladda federaalka Soomaaliya.
Odayaasha u hadashay dadka deggan xaafaddan Warshaddii hore ee Daawada ayaa sheegay in 22 Abriil sidan oo kale ay soo weerareen rag hubeysan oo ku wargaliyay inay xaafadda ka guuraan.
“Waxay noo qabteen 24 saac inaan ku guurno haddii kale waxay noogu hanjabeen inay cag cagaf nagu xaaqi doonaan,” ayuu yiri Suldaan Maxamuud Aadan oo u hadlay qoysaska ku nool Warshaddii hore ee Daawada.
Xeradan oo ahaan jirtay Warshaddii keydka Daawada ee dowladdii militariga ayaa waxaa muddo ka badan 34 ay hoy u ahayd dad barakacayaal ah. Waxayna halkaas ku noqdeen deegaan iyagoo ay carruurtii ugu dhalatay ay carruur kale sii dhaleen.

Hawlgalka barakicinta iyo dhul boobka
Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka, Cali Xaaji Aadam, ayaa sheegay inuusan ka warqabin cid amartay in dadka rayidka laga barakiciyo xaafadda Warshaddii hore ee Daawada.
Wuxuu sheegay inuusan helin wax xog ah illaa hadda.
“Wasaaradeyda laguma soo wargelin bixinta dhulka warshaddii hore ee keydka daawada,” ayuu wasiirka yiri.
Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Kaab TV u sheegay in nin ganacsade ah oo xiriir la leh kooxda Al-Shabaab uu dhowaan lacago siiyay xubno dowladda federaalka ka tirsan, oo uu ku jiro guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud (oo loo yaqaanno Saalax Dabaan).
Saalax Dabaan ayaa walaalkii hadda yahay garsoore ka tirsan maxkamadda kooxda Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.

Ganacsadaha dhulka dowladda laga iibiyay lama shaacin magaciisa illaa hadda. Sida badanna lacagaha dhulalka lagu iibiyo waxaa kala qeybsada shakhsiyaad uu ku jiro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno qoyskiisa ah.
Qof ku dhow booliska, oo codsaday inaan la magaacaabin, ayaa sheegay in ganacsadahan dhulka lagu wareejinayo uu doonayo inuu geerash baabuurta ka sameysto warshaddii hore ee keydka daawada, isla markaana ciidamada booliska uu siiyay lacag laaluush si ay dadka xoog ugu qixiyaan.
Yaasiin Ganey ayaa ku gaabsaday in isaga uu heysto amar uu soo siiyay Macallin Mahdi, isla markaana uu ku qasban yahay inuu dadka ka saaro xeradan ay 34 ka badan ku noolaayeen.
Ma jirto goob kale oo dadka la siiyay, ama qorshe kale oo ay heystaan.
Qaar ka mid ah haween ku nool xeradan ayaa Kaab TV u sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda carruurtooda, isla markaana aysan garaneyn meel ay u guuraan.
“Waxaan heysanaa carruur. Dadka qaar waxaa u jooga waayeelo aan socon karin. Lacag ma heysanno. Waan dhibanahay, mana naqaano wax aan sameyno,” ayey tiri Xaliimo Maxamuud oo xaafaddan ku nooleyd illaa yaraanteedii.
Bishii Agoosto 2023, ayaa sidan oo kale ciidan hubeysan ay si qasab ah ku barakiciyeen qoysas dan yar ah oo ku noolaa dhul bannaan oo ka tirsanaa dhulalkii xannaanadda xoolaha kaasoo xagga danbe kaga beegan dhulka warshaddii hore ee keydka daawada.
Dadka la barakiciyay ayaa guryahoodii la dumiyay, waxayna sheegeen in dhulkaasi ay ganacsato ku wareejisay mid ka mid ah xaasaska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lacago badan ka qaadatay ganacsatada dhul qabsiga ka wada Muqdisho.
Muddadii saddexda sano ee uu Xasan Sheekh madaxweynimada joogay ayaa Muqdisho waxaa lagu barakiciyay kumanaan qoys oo danyar ah, kuwaas oo dhulka dowladda ee ay ku noolaayeen uu madaxweynuhu iibsaday.