SO | EN

SO | EN

Mucaaradka Soomaaliya oo Muqdisho kaga dhawaaqaya isbahaysi

|

NAIROBI (Kaab TV) – Hoggaamiyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda ay ku shiraan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kaga dhwaaqi doonaan isbahaysi cusub oo ka horjeeda xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedyo ka tirsan xubnaha mucaaradka ayaa u sheegay Kaab TV in maalinta Isniinta ee toddobaadka soo socda ay Muqdisho wada tagi doonaan illaa 16 ka mid ah xubna mucaaradka.

Waxaa ku jira madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Raisul wasaare hore Xasan Cali Khayre, Ra’isul wasaare hore Cumar Cabdirashiid, Raisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, Raisul wasaare hore Cabdiwali Axmed, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabsishakuur.

Hoggaamiyaasha ayaa dhowaan soo saaray war saxaafadeed ay ku mideysan yihiin, iyaga oo ka digay xaaladda halista ee ay sheegeen in hadda dalku wajahaayo.

Waxa si xooggan u dhaliileen xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu dhowaan sameystay madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo xubnihiisu ay yihiin madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada.

Tagitaanka madaxda mucaaradka ee Muqdisho waxay imaaneysaa iyadoo uu shalay baaq jeediyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo sheegay in hab dhaqanka Xasan Sheekh uusan ka shaqeyn doonin dalka, isagoo usoo jeediyay in dhammaan qeybaha bulshada Soomaalida inay aragtidooda muujiyaan, sida uu yiri.

Sidoo kale, Madaxweynahs Jubaland, Axmed Madoobe ayaa gaashaanka ku dhuftay qorshaha dowladda federaalka ee ay dalka uga sameyneyso hal urur siyaasadeed oo dhammaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada Koonfur galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ku jiraan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News