Beledxaawo (KAAB TV) – Maamulka Jubbaland ayaa goordhaw ku dhawaaqay in ciidamada Jubbaland ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta xarunta maamulka degmada Beledxaawo iyo guud ahaan amaanka magaaladaas oo maanta uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowlada Fedaraalka iyo kuwa Jubbaland.
Dagaalka maanta ka dhacay gudaha magaalada Baladxaawo ayaa qarxay kadib markii maanta ay halkaasi ka dageen laba diyaaradood oo ah kuwa Khumaatiga u kaca oo ay saarnayeen saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo uu hoggaaminaayay Cabdirashiid Janan oo horay usoo noqday Wasiirkii amniga Jubbaland, kaaso wararku sheegayaan in loo magacaabay Taliyaha Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ahna hogaanka guud ee amniga gobolkaas.

