Bari (KAAB TV) – Ciidamada difaaca Puntland oo fadhigoodu yahay degaanka Kalabayr ee gobolka Bari ayaa xalay gacanta ku dhigay laba xubnood oo ka mid ah firxadkii Daacish ee lagu jebiyay Hawlgalkii Calmiskaad.
Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan Hawlgalka Calmiskaad ayaa xaqiijiyay in labada xubnood oo ajaanib ah laga qabtay buuraha u dhaw degaanka Kalabayr ee gobolka Bari, halkaasi oo ay u soo firxadeen.
Dhanka kale, Saraakiishu waxay sheegeen in labada nin loo gudbinayo Taliska guud ee Hawlgalka Calmiskaad ee magaalada Boosaaso, si loo mariyo baaritaan dhammaystiran
Waxay sido kale sheegeen in la horgeynayo hay’adaha garsoorka, gaar ahaanna maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland si ay cadaalada u wajahaan.
Sikastaba, Puntland ayaa dagaal xooggan kula jirta kooxda Daacish, kaas oo inta badan buuraha Calmiskaad ee ay ku dhuumaaleysan jireen kooxda Daacish hadda laga saaray, iyadoona hadda howlgalada lagu sifeynaayo Daacish uu marayo heer gebo gebo ah.

