Laascaanood (Kaab TV)– Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC oo markale ka hadlay colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa uu ballan-qaad u sameeyay xukuumadda Somaliland.
Hadii aan nahay reer Laascaanood dulmi geysan mayno oo ka daba tegi mayno, dhiigooda dooni mayno oo dalkooda iyo dantooda in aan ka burburino ma dooneyno ee hase yeeshe riyada ah dadkaan iyo dalkaan idinka iska leh oo Ingiriis ayaa idin siiyay mid aan ka qaadan karno ma ahan ayuu yiri Garaadka Guud ee SSC.
Sidoo kale Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, wuxuuna barakiciyay boqollaal kun oo qof ayada oo sidoo kale boqollaal kale ayaa ku naf waayeen illaa iyo haddana majirto xal nabadeed oo muuqda in dhinacyadu xabada ku joojinayaan iyada oo ay fashilmeen waan-waan iyo dhex-dhexaadin la xiriirtay arrintaan.
Hasayeeshee Somaliland ayaa horey dhagaha uga fureysatay baaqyada la xiriira in ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool kuna adkeysatay in Laascaanood ay tahay Somaliland ayaa la ogeyn waxa uu ballan-qaadkan cusub ka tari karo colaadda ka taagan halkaasi.