Boosaaso (Kaab TV) –Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa ku geeriyooday, qaar kalena ay ku dhaawacmeen qarax maanta barqaddii ka dhacay jidka isku xira Boosaaso iyo Dhaadaar ee Calmiskaad.
Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari ciidan oo marayay halkaasi, waxaana masuuliyadda weerarkaasi loo maleynayaa in ay ka dambeeyaan kooxda Daacish.
Dhacdadan ayaa kusoo beegantay xilli Puntland lagu dhaliilayay inay hoos u dhigtay howlgalladii ka socda buuralayda Calmiskaad, taasoo siisay kooxda Daacish fursad ay kaga soo baxaan godadka si ay qaraxyo ugu maleegaan ciidamada Puntland.
Shalay, shirka Golaha Wasiirrada Puntland ayaa sida aan xogta ku helnay lagu soo bandhigay warbixin sheegaysay in Daacish ay hesho sahay joogto ah.
Xog rasmi ah oo aan ka helnay ilo amni oo lagu kalsoonaan karo ayaa muujinaysa in kooxdu ay si toos ah u helaan raashin iyo xoolo, kuwaasoo oo ay ka helaan dad reer miyi ah oo xiriir la leh Daacish.
Arrintaan ayaa kusoo beegamaysa xilli saddexda cishe ka hor uu Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ka fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Daacish oo farriisimo ku leh togga Baallade ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

