Muqdisho (KAAB TV) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa iska casilay Xubinnimada Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa, si dhab ah looma shaacin sababta ka dambeysa in uu iska casilo kursigaan uu ku fadhiyo muddo 5 ah.
Sadiiq Afweyne oo ah wiilka Xildhibaan Afweyne ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, “Waxaan halkaan ka cadeeynaya in aabahey Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) iska casilay xilkii Xildhibaanimo ee uu ku matalaayay bulshada reer Galmudug gaar ahaan reer Cadaado isaga oo uga tagay sababo jiro awgeed.”
Afweyne ayaa ku guuleystay kursiga HOP#248 kaddib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug 4tii Maarso sanadkaan 2025, waxa uu sidaas ku buuxiyay kursigaan oo muddo bannaanaa.
Xildhibaanka is casilay waxa uu muddo 12 sano ah ku xirnaa dalka Biljamka, waxaa horay kursigaan ugu fadhiyay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ku waayay sabab la xiriirta in uu aqbalay xilka Agaasime ku xigeenka Hay’adda NISA.

