Gedo (Kaab TV) – Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed oo u waramay BBC ayaa ka hor yimaaday, magacaabistii uu sameeyay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo maalmo kahor xubno cusub u magacaabay gobolka Gedo.
Axmed Buule Gareed ayaa sheegay in eysan waxbo kaquseynin maamulka uu Axmed Madoobe u soo magacaabay gobolka Gedo.
Dhanka kale wuxuu tilmaamay in gobolka Gedo eysan imaan karin wax kasocdo Jubbaland sida uu hadalka u udhigay.
“Waxbo nagama quseeyaan dadka uu soo magacaabay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, mana jirto cid taageersan ama kasocoto Jubbaland oo imaan karta gobolka Gedo” ayuu yiri Axmed Buulle Gareed.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa tilmaamay, in isaga uu yahay madaxweynaha Jubbaland haatana uu waddo qorshe uu kaga shaqeynayo sidii uu ku mideyn lahaa bulshada reer Jubbaland.
“Waxaan aamisnahay in aan ahay madaxweynaha saxda ah ee maamulka Jubbaland haatana waxaan ka shaqeynayaa sidii aan ku mideen lahaa dadka reer Jubbaland, iyo sidii aan maamul uga dhisi lahaa goboladda jubbada hoose iyo dhexe” ayuu markale sheegay Axmed Buulle Gareed.
Wuxu dhaleeceyn xooggan uu ujeediyay dowladda dhexe, qaasatan xukuumadda R/Wasaare Xamze Cabdi Bare, isagoo tilmaamay in ey ka shaqeynayso kala foggeenta Bulshadda reer Jubbaland iyo Bulshadda reer Gedo.
Xaalada gobolka Gedo oo mareyso meeshii ugu darneed, kadib markii uu madaxweynaha maamulka Jubbaland uu qaaday talaabo dhalisay qilaaf kale, isagoo maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo balse wali aan laga aqbalin oo laga diidanyahay gobolkaasi.