SO | EN

SO | EN

Weerarka Ceel-lahelay: Warar hordhac ah iyo khasaare lasoo sheegayo

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Dagaal culus ayaa galabta ka qarxay deegaanka Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay weerar ku bilawday qaraxyo ku qaadeen ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka deegaanka oo toddobaadkii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka.

Waxaa yar warar rasmiga ah ee ka imaanaya goobta dagaalka ka dib markii la demiyay isgaarsiinta.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa xaqiijiyay in kooxda Al-Shabaab dhowr jiho kasoo weerareen Ceel-lahelay. Dagaal fool-ka-fool ah ayaa ka qarxay tuulada kasoo soo gaaray ku dhowaad maqribkii.

Khasaare xoogan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maalmahaan ku sugnaa deegaanka galabta la weeraray ayaa la xaqiijiyay inuu dib ugu soo baxay oo uu soo gaaray Dhuusamareeb.

Ilo wareedyada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale sheegaya in Al-Shabaab ay gudaha u galeen Ceel-lahelay.

Al-Shabaab ayaa durba soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegayso inay dishay 71 askari, gawaari ciidana ay ku qabsatay dagaalka galabta ka dhacay Ceel-lahelay.

Hase yeeshee saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in diyaarado dagaal lagu duqeeyay kooxda Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ma jirto cid illaa hadda xog ka madax-bannaan dhinacyada dagaalamaya.

Cutubyo isugu jira Danab, Gor Gor iyo maleeshiyaadka qabiilada ayaa maalmahaan ku sugnaa Ceel-lahelay, sidoo kale waxaa halkaas joogay masuuliyiin la socotay ciidanka oo metela dadka ku nool deegaanada la xoreynayo.

Weerarka Ceel-lahelay ayaa noqonaya mid kale oo ka mid ah weerarada culus ee qorsheysan ee Al-Shabaab ku beegsanayaan farsiimiaha ciidamada iyo maleeshiyaadka beelaha ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor, Senator Cabdi Qeybdiid iyo Xildhibaan Maxamed Dhabancad oo saaka ka badbaaday weerar baabuur ismiidaamin ah oo lagula beegsaday tuulada Laasa Gacamey ayaa caawa lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News