SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Laftagareen oo dib ugu soo laabtay Baydhabo

|

Baydhabo (KAAB TV) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Safar  ugu maqnaa dalka Kenya, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sidoo kale, Wafdiga Madaxweynaha waxaa si diiran ugu soo dhoweyey garoonka diyaaradaha  Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, Laftagareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxa uuna halkaasi kula soo kulmay wakillo katirsan beesha caalamka , madax maamul goboleed iyo siyaasiyiin.

Soo dhaweynta madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa u muuqatay dhoollatus siyaasadeed, xilli uu wajahayo duufaan siyaasadeed iyo mucaaradad xooggan oo kaga imaaneysa siyaasiyiinta ugu waa weyn ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah madaxweyne Laftagareen ay hormuud u yihiin guddoomiyaashii hore ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawwaan sheegay in Baydhabo tagayaan , iyaga oona ka digay in laga baxo heshiiskii Baydhabo horey loogu gaaray.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News