NISA: oo sheegtay in ey gacanta kusoo dhigtay Sufiyaan Taakeeye

|

Nairobi (KAAB TV) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida ee NISA ayaa maanta gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, (Taakeeye ) oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Al Shabaab.

Sidoo kale, Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay Magaalada Muqdisho, waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa sidaan oo kale maalmo kahor gacanta kusoo dhigay ganacsade lagu eedeeyay in uu Al Shabaab hubka iyo agabyada ay u baahan yihiin uga soo iibin jiray Shiinaha, ganacsadahan ayaana markii u dambeesay ku xirnaa magaalada Nairobi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News