SO | EN

SO | EN

Dowladd goboleedka Puntland oo mamnuucday ineysan mucaaradka hub la’imaan karin Garoowe

|

Garoowe (KAAB TV) – Dowladd goboleedka maamulka Puntland ayaa soo saaay go’aanno ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee imaanaya magaalada Garoowe.

Sidoo kale, guddiga nabadgalyada gobolka Nugaal oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah ka mamnuucay in ay hub iyo ciidan la soo galaan caasimadda.

Dhanka kale, qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in amniga siyaasiyiinta imaaanaya Garoowe ay mas’uul ka tahay dowladda islamarkaana aysan hub la soo geli karin magaalada.

Qoraalkan ayaa ku soo beegmay xili maanta boqolaal shacab ah ay Magaalada Garoowe iskugu soo baxeen kuwaasoo soo dhoweynayey musharaxa Xasan Shire Abgaal oo ka tirsan siyaasiyiinta ugu tunka weyn ee mucaaradka Deni.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News