SO | EN

SO | EN

Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland ayaa maanta lafilayaa in shir ugu furmo Garoowe

|

Garoowe (KAAB TV) – Siyaasiyiinta mucaaradka Siciid Deni ayaa lafilayaa in maanta magaalada Garoowe uu ugu furmo shir xasaasi ah.

Sidoo kale, shirkan ayuu qorshaha ahaa in lagu martigaliyo hoteelka Martisoor balse ay diideen maamulka Hoteelka sababo laxiriira ciidanka ey wataan siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo laga filan karo in iska hor imaad uu sababo shirkaas.

Dhanka kale, madashan ayaa waxaa lafilayaa in uu qeyb kanoqdo Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) oo kamid ah Ururka Mideeye ahaana shaqsigii ugu dambeeyay ee soogaara wareegii ugu dambeeyay ee doorashadii 2019.

Madashan ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galaya Xasan Shire Abgaal, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka shirkan ayaa waxaa lagu sheegay in ey tahay sidii Puntland uga dhici leheed doorasho waqtigeeda kutimaado meeshana laga bixiyo muddo kororsi horseedi kara isku dhac siyaasadeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News