SO | EN

SO | EN

UK: Cameron oo noqday Wasiirka Dibadda iyo Wasiir iska casilay xukuumadda

|

LONDON (KAAB TV) – David Cameron oo horey u soo noqday Ra’isul Wasaaraha UK ayaa loo magacaabay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee boqortooyada Ingiriiska.

David Cameron ayaa sidoo kale ah xubin ka tirsan Aqalka Odayaasha ee UK.

David Cameron ayaa soo noqday raisul wasaare 2010 iyo 2016.

Raiisel Wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada isagoo xilkii ka qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha haweeneyda lagu magacaabo Suella Braverman oo lagu eedeeyay inay taageertay kooxaha xagjirka ee cunsuriyiinta.

James Cleverly, oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wasiir iscasilay

Dhowrkii daqiiqo ee u dambeeyay, Wasiirkii Gaadiidka Jesse Norman ayaa iska casilay xilkiisa. Waxa uu sheegay in uu ogaysiis siiyay dawladda “dhowr bilood ka hor”.

Isku shaandheyntan ayaa la filayaa inay horseeddo isbeddelo waaweyn oo ka dhici kara gudaha xukuumadda UK ka hor doorashada sannadka soo socda ee 2024.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News