SO | EN

SO | EN

Wasiir shaqada loo eryay qoraal uu soo dhigay Facebook(Akhriso)

|

Itoobiya(kaab tv)Wasiiru dowlaha Nabadda ee Itoobiya, Taye Dendea, ayaa shaqada laga eryay oo la xiray, maalmo ka dib markii uu ku dhaleeceeyay Dowlada mamnuucidda isu soo bax ka dhan ah dagaalka.

Dibad-baxa ayaa lagu waday in la qabto maalinta Axadda, si loogu diro baaqyo nabadeed gobollada Axmaarada iyo Oromiya. Balse dib ayaa loo dhigay ka dib markii ku dhowaad boqol qof la xiray.

Taye ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo sheegay in uusan u damqan dadka Itoobiya ee ay saameeyeen colaadaha iyo faqriga.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu eedeeyay wasiirkii hore inuu la shaqeynayay waxa ay ugu yeereen nabad-diidka. Waxay sidoo kale ku eedeysay inuu ku lug lahaa falal argagixisannimo iyo afduub.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News