SO | EN

SO | EN

SIDEE LAGU YEESHAY SOOMAALIYA DEYNTA LAGA CAFIYEY (AKHRISO)

|

Muqdisho(kaab tv)Deynta lagu yeeshay Soomaaliya waa shan bilyan iyo labo boqol oo kun oo doolar. Waxaa la amaahday soddonkii sanno ee ugu horreeyay xornimada. Laakiin deynta ugu badan waxaa la galay intii u dhexeysay 1978dii – 1990kii. Waa intii askartii xukunka boobtay ee kacaanka ay hayeen talada dalka. Waxay isugu jirtaa dhaqaale lagu fuliyay mashaariic la xiriira beeraha iyo xoolaha, iyo xitaa dhismeyaal, Iyo, qeyb la rumeysan yahay in loo adeegsaday arrimo siyaasadeed, iyo howlo ciidan iyo dano shaqsi.

Tirada ugu badan ee deynta lagu leeyahay Soomaaliya waxaa loo arkaa inay tahay lacag aruurtay oo dulsaarkeedu koroyay saddex iyo lixdankii sanno ee ugu dambeeyay. Deynta rasmiga ah waxaa lagu qiyaasayaa labo bilyan oo doolar. Inta kale waa ribo ku kordheysay sanad ba ka uu ka dambeeyay.

Haddaba, yaa ku lahaa Soomaaliya deynta?

Lacagtan deynta waxaa Soomaaliya ku lahaa dalal dhowr ah oo ku kala jira isbaheysiyo dhaqaale oo kala duwan. Dalalka bahoobay ee deynta leh waxaa ka mid ah kuwa ku mideysan Naadiga Paris. Xubnaha naadigan ee deynta leh waxaa ugu horreeya Mareykanka, waxaa soo raaca Ruushka, Talyaaniga iyo Faransiiska.

Mareykanka oo keliya waxa uu Soomaaliya ku leeyahay qiyaastii 20% boqolkii ba deynta oo dhan. Waxaa lacag dhan hal bilyan oo doolar. Halka deynta Ruushka ay u dhiganto 13% boqolkiiba deynta shanta bilyan ah. Waxay u dhigantaa qiyaastii Lix boqol iyo kontan Milyan oo doolar.

Talyaaniga na waxaa u diiwaangashan deyn dhan Shan boqol iyo kontan milyan oo doolar oo u dhiganta 11% boqolkiiba deynta lagu leeyahay Soomaaliya. Deynta Faransiiska waa 8% boqolkiiba oo u dhiganta Afar boqol oo milyan.

Dalalka kale ee Soomaaliya deynta ku lahaa waxaa ka mid ah dalalka carabta. Sacuudiga, Imaaraatka, Ciraaq, Kuweyt, iyo ururo carbeed iyo kan ururka dalalka shidaalka soo-saara ee Opec. Wadarta guud ee deymahaas waxaa lagu qiyaasayaa Sagaal boqol oo milyan oo doolar. Deynta dalalka carabta iyo ururada kale waxay u dhigantaa 18% boqolkiiba wadarta guud ee deynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Deynta iyo dakhliga gudaha

Deyntan waxay boqol iyo toban jeer ka badan tahay dakhliga sanadlaha ah ee Soomaaliya. Khuburadda dhaqaalaha waxay sheegayaan in deyntan la iska bixiyo waxay qaadan kartaa sanad dhan oo la ururiyo dhaqaalaha dowladda iyo dalka iyo xitaa qof walba oo Soomaali ah soo gala, iyada oo aan hal shilin wax kale loo adeegsa, marka loo eego dakhliga sanadlaha ah ee Soomaaliya. “Ma ahan wax la awoodi karo in sidaas loo bixiyo. Wax badan oo horumarinta dhaqaalaha ah iyo karaamada qofka Soomaaliga ah ayaa nooga xiran deyn cafinta,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’addaha maaliyada Soomaaliya ee ku lugta leh deyn cafinta.

Dadka jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa shan iyo toban milyan oo qof. Haddii deyntaas loo qeybiyo dadka Soomaaliya waxaa qofwalba lagu yeelanayaa lacag deyn ah oo dhan saddex boqol iyo kontan doolar. Waa lacag wax yar ka yar dakhliga uu heli karo qofkii ba 12 bilood oo dhan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News