MOMBASA (KAAB TV) – Dekadaha Bariga Afrika ayaa filanaya hoos u dhac weyn oo ku yimaada socodka badeecadaha ganacsiga maalmaha soo socda ka dib markii fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan maraakiibta ku safraya Badda Cas ilaa cidhifka galbeed ee Badweynta Hindiya oo ku dhow biyaha Soomaaliya.
Arrintan waxay la macno tahay ganacsatada adeegsata dekedaha Mombasa iyo Daaru Salaam, tusaale ahaan, inay la kulmi karaan kharashaad badan, maadaama khadadka maraakiibtu ay ka fogaanayaan dariiqa gaaban ee ay soo mari jireen.
Maraakiibta ayaa hadda ka fogaanaya marinka Gacanka Cadmeed si ay uga hortagaan weerarrada fallaagada Yemen ee ay Iran taageerto.
Hubanti la’aanta ayaa soo shaacbaxday xilli xasaasi ah oo ganacsatada baabuurta soo dejisa ee Kenya ay heysato illaa 31-ka December 2023 in ay soo dejiyaan baabuurta cusub.
MARAAKIIBTA OO LA WEEYCIYAY
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laba markab oo siday qaar ka mid ah baabuurta Kenya loo weeciyay inay maraan khad dheer oo dhanka koonfureed ee Afrika ah, taasoo qaadan karta 13 illaa 14 maalmood oo dheeraad ah.
Shirkadaha waaweyn ee maraakiibta ayaa lagu qasbay in ay maraakiibta ka weeciyaan Badda Cas iyo kanaalka Suweys iyagoo u beyray dhanka Cape of Good Hope ee cirifka koonfureed ee Afrika. Waxayna tani kordhisay qiimaha shixnadaha maraakiibta saaran ay ku iman lahaayeen maadama wareegsin dheer ay soo marayaan.
Gilbert Lagat, oo ah maamulaha golaha maraakiibta ee Bariga Afrika (SCEA), ayaa sheegay in ay filayaan in shixnadaha ku wajahan dekedaha gobolka ay saamayn doonto arrintan waayo wareegga dheer ee lasoo m,arayo dartiis.
“Badeecadaha la soo dejiyo, shixnahadaha sahayda ayay saameyn ku yeelan doontaa wareegga dheer, maadaama inta badan maraakiibta waaweyn ay maraan kanaalka (Yemen) illaa dekedaha kale halkaas oo maraakiibta dhexdhexaadka ah ay ka soo qaadaan shixnadaha Mombasa iyo Daaru Salaam,” ayuu yiri Gilbert.
Ururka soo-dejiyaasha baabuurta ee Kenya (CIAK) ayaa xaqiijiyay in ay ku jiraan tartan ka dhan ah waqtiga si ay uga adkaadaan waqtiga yar ee sharci ahaan u dhiman inay ku soo dejiyaan baabuurta dalka soo galeysa sannadkan.
“Waxa aanu haynaa shirkado badan oo keena baabuur badan bishan Diisambar si ay ugu hoggaansamaan xeerka siddeeda sano. Waxaan rajeyneynaa inay ku yimaadaan waqtigii loogu talagalay,” ayuu yiri guddoomiyaha CIAK Peter Otieno.
DAGAALKA GAZA
Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, oo billowday 7-dii Oktoobar, ayaa durba argagax ku riday gobolka, wuxuuna horseeday colaad ballaaran oo aan saameynteeda ku ekaan Gaza.
Kooxda Xuutiyiinta oo taageero ka helaya Iran oo sidoo kale taageera Xamaas ayaa sheegay inay taageerayaan Falastiiniyiinta ay Israa’iil ku go’doomisay marinka Qaza. Waxay ku dhex milmeen colaadda Israa’iil iyo Xamaas iyaga oo weerar ku qaaday maraakiibta mara marinnada muhiimka ah ee maraakiibta iyo xataa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u adeegsadeen Israa’iil.
Inta badan weerarada Xuuthiyiinta ayaa lagu bartilmaameedsadaa maraakiibta laga leeyahay Israel, oo ay ku jiraan kuwo badan oo xiriir la leh qoyska Ofer, oo ah mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan shirkadaha maraakiibta caalamka.
Isniintii, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd J Austin III wuxuu ku dhawaaqay Howlgalka Barwaaqo Ilaalinta, howlgalka badda ee lagu difaacayo maraakiibta ganacsiga.
“Tani waa caqabad caalami ah oo dalbanaysa tallaabo wadajir ah,” ayuu yiri isaga oo ka hadlaya weerarrada Xuutiyiinta.
HAWLGALKA ILAALINTA BARWAAQADA
Hawlgalka Ilaalinta Barwaaqada ayaa isu keenaya wadamo badan, oo ay ku jiraan Boqortooyada Ingiriiska, Bahrain, Canada, France, Italy, the Netherlands, Norway, Seychelles iyo Spain, si ay si wada jir ah wax uga qabtaan caqabadaha amniga ee koonfurta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waxayna ujeedadu tahay in la xaqiijiyo xorriyadda socdaalka dhammaan waddamada iyo xoojinta amniga gobolka iyo barwaaqada.
Burcad badeednimada baddu ma aha dhibaato ku cusub waddamada galbeedka Badweynta Hindiya. Toban sano ka hor, maraakiibta mara biyahaas ayaa looga baahnaa inay galaan caymis, iyadoo burcad badeedda Soomaalida ay qaadayeen weeraro madaxfurasho ah.
Hawlgalka caalamiga ah ee ciidamada badda oo uu hogaaminayey Midowga Yurub ayaa gacan ka geystay soo afjarida khatarta.
Laakiin Yemen, maraakiibta waaweyn ee ay ka mid yihiin Hapag Lloyd (HLAG.DE), MSC iyo Maersk (MAERSKb.CO), kuwa saliidda ee waaweyn ee BP (BP.L) iyo kooxda maraakiibta ee Frontline (FRO.OL) ayaa sheegay inay ka wareegan doonaan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Qiyaastii 15 boqolkiiba maraakiibta dunidu waxay maraan kanaalka Suweys, oo ah marinka ugu gaaban ee isku xira Yurub iyo Aasiya iyo wadamada kale ee Afrikaanka ah ee galbeedka badweynta Hindiya.
Toddobaadkan, shirkadda Maersk ee Danmark ayaa hakisay dhammaan shixnadaha konteenarada ee soo mara Badda Cas, ka dib markii markabkeeda Maersk Gibraltar uu ku sigtay weerar ay burcadda Yemen kusoo qaadeen.
Xogta laga helay apps-ka maraakiibta ayaa muujisay in ugu yaraan 11 markab oo konteenar ah oo soo maray Suweys ay hadda ku xaniban yihiin Badda Cas ee u dhaxaysa Suudaan iyo Sucuudiga. Way ku soo dhawaadeen waxay ku soo wajahan yihiin Yemen oo ay wataan badeecooyin bagaash u badan iyo qamadi u socda dalal ay ka mid yihiin Singapore, Malaysia iyo Imaaraadka Carabta.
Badiyaa maraakiibtu waxay bixiyaan lacag si ay ugu gudbaan kanaalka Suweys.