Muqdisho (KAAB ) Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxaa dhawaan kulmay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Labada dhinac waxa ay ku kala saxiixdeen magaalada Heshiis dhinacyo badan , taabanaya , oo la xiriira Geedi socodka wada – hadalada oo in mudda ah oo jiitamayay oo aan laga gaarin wax horumar ah oo la taaban karo.
Marka uu dhacay kualnkaas Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si toos ah ugu duulay magaalada Adis Ababa , halkaa soo uu ku galay heshiis is afgarad ah oo dhaliyay muran badan.
Mr Biixi ayaa saxiixay MoU ama Heshiis Ethiopia lagu siinayo 20KM dhulka Soomaaliya kamida. Wali lama hayo nuqulka rasmigaa ee heshiiskaas oo ay soo bandhigeen Abiy Ahmed iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi.
DURBA : Waxaa soo baxaya warar badan oo ku saabsan waxa isku xiray , heshiiskii Jabuuti ee kulanka Xasan Sheekh , Muuse Biixi Cabdi iyo Osmael Omar Geelle.
Farta waxaa lagu fiiqayaa Osmael Omar Geelle in wax badan oo ku saabsan , qorshaha Itoobiya uu la socday , taas oo keentay isu keenista Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi Cabdi dhalisayna in deg deg Itoobiya ugu safro Muuse Biix.
Falanqeyayaasha ayaa is waydiinaya , Dawladda Soomaaliya iyo mida Jabuuti midna xogta qorshahan Ethiopia ee mudada dheer soo socday, xogtiisa ma hayn miyaa ?!
Jawaabta su’aashan oo looga baahnaa , Madaxwayne Xasan Sheekh , Jabuuti iyo Muuse Cabdi ayaa laga hayn marka laga reebo in Xasan Sheekh uu ka hadlay talabadaas oo ku tilmaamay sharci darro baal marsan madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Waxase Calaamad su’aal ay saran tahay , oo la hayn waxa kulmiyay heshiiska is afgarad ee Biixi iyo Aby Ahmed iyo , shirkii garwadeenka uu ahaa Madaxwaynaha Jabuuti Osmael Omar Geelle.
Wiil-waal wuxuu yiri “war maxaa kulmiyey gabadha qayladeeda iyo waranka.