SO | EN

SO | EN

Waddooyinka Muqdisho ‘’Ciidamo la dhigay’’ iyo sababta waxa ay tahay

|

Muqdisho  (KAAB)  Waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho maanta oo Arbaca ah waxa  lagu arkayaa ciidamo ka  tirsan Dowladda Soomaaliya waxaana lagu in dad badan ay isugu soo baxaan.

Isu soo baxaan oo uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir ayaa ujeedkiisu uu  yahay sidii dadka caasimada ku nool ay u muujin lahayeen sida ay  uga xun yihiin heshiiskii is afgarad ee dhaxmaray Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi Cabdi.

Waddooyin  ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa la dhigay ciidamo ka tirsan Dowladda kuwaas  oo loogu talagalay in amniga ay ku sugaan inta banaanbaxa uu socdo sida ay sheegeen laamaha amniga  Dowladda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in ay isugu soo baxaan bannaan baxan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hortimid heshiiska Addis Ababa, waxayna xukuumadda kasoo saartay qaraar ay   ku  diidan tahay heshiiskaas.

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News