JABUUTI (KAAB TV) – Waxaa shalay dalka Jabuuti lagu soo gabagabeeyay shir u dhexeeyay wufuud heer sare ah oo ka socda Itoobiya iyo Jabuuti.
Shirka ayaa looga hadlay fursadaha lagu dardargelinayo ganacsiga dhanka mashiinnada korontada.
Kulankan oo ka dhacay dalka Jabuuti ayaa waxaa isugu yimid xubno muhiim ah oo ay ka mid yihiin Dr. Sultan Welle, Wasiiru-dawlaha Biyaha iyo Tamarta Itoobiya, Yonis A. Guedi, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ee Djibouti, Aboubaker Omar Hadi, Guddoomiyaha Dekedaha Jabuuti iyo Maamulka Furdooyinka.
Wada xaajoodyadu waxay ku qotomeen sidii loo wanaajin lahaa shixnadaha agabka ah ee laga soo dajinayo Dekedda Dooraale ee Jabuuti, loona wareejinayo mashaariicda korontadda ee Itoobiya.
Dr. Sultan welle waxa uu carabka ku adkeeyay is dhexgalka xoogan ee ka dhexeeya Jabuuti iyo Itoobiya oo ah wadamada jaarka ah, isaga oo carabka ku dhuftay muhiimada ay u leedahay in qalabka laga soo daabulo dekeda Dooraale ee loo diro Itoobiya si loogu talaabsado tamar weyn.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa si weyn ugu mahadceliyey iskaashiga Jabuuti, iyagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay u leedahay iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan horumar waara.
Labada dhinacba waxay dib u xaqiijiyeen yoolkooda wadajirka ah ee ballaarinta helitaanka tamar waarta iyo hagaajinta xalalka saadka. Gabagabadii kulanka ayaa lagu soo bandhigay talaabooyinka xiga ee lagu horumarinayo ujeedooyinka la wadaago iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga qotoda dheer ee u dhexeeya Jabuuti iyo Itoobiya.