Muqdisho (kaab tv ) – Ciyaar la wada sugayo ayaa la filayaa in galabta garoonka ciyaarraha ee Muqdisho Stadium ku dhexmarto kooxaha kubadda cagta ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad gobaleedka Jubaland.
Ciyaartan oo ah kulan ka tirsan tartanka maamul gobolleedyada ayaa kooxdii badisaa waxay u gudbi doontaa afar dhammaadka ciyaarraha maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir.
Tartanka ayaa muddadii u socday xiiso badan dhaliyay iyadoo kumannaan taageerayaal ah ay u soo daawasho tageen, waxaase jira rabshado mararka qaar dhacay kuwaas oo boolisku sheegeen in dad loo xirxiray.
Kooxda kubadda cagta ee Koonfur Galbeed ayaa tartanka isaga baxday, iyadoo kulan u harsan yahay kaddib markii ay sheegeen in la weerarray markii ay dhammaatay ciyaar ay la lahaayeen Galmudug.
Tartanka ayaa hakad ku yimid maal ka dib markii ay tartanka isaga baxeen xiddigaka xulka Koonfur Galbeed, taas oo sababtay in tartanka uu hakad maalmo ku yimaado, waxaana la filaa in todobaadka soo socda la soo gabagabeeyo.