SO | EN

SO | EN

Maxaa ka socda xarunta Golaha shacabka ? Doodu waa mid adag.

|

Muqdisho (KAAB)  Maanta oo Arbaca ah xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka.

Maanta waxaa aad loo adkeeyay amniga hareeraha xarunta Golaha shacabka ee uu ka dhacayo kulanka oo ah mid aad xasaasi u ah oo isha lagu hayo.

Fariin shalay loo diray xildhibaanada ayaa waxaa loogu sheegay iney deg deg isaga soo xaadiriyaan kulanka maanta oo ah mid si aad ah isha loogu wada hayo.

Ajandaha kulanka maanta ayaa xildhibaanada lagu wargaliyay in uu yahay aqrinta 3-aad & u codaynta ama ansixinta habraaca wax ka beddalka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka u yaala.

Xildhibaano badan ayaa durba gaaray xarunta KMG ee golaha shacabka ku shiraan, waxaana la filayaa in goordhaw kulanka wadajirka ee xildhibaanada labada Aqal uu si rasmi ah u furmo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News