GAROWE (KAAB TV) – Dowladda Puntland ayaa wada qorshaha diyaarinta shirka Garowe oo la filayo inuu noqdo kii ugu weynaa ee arrimaha siyaasadda Soomaalida looga hadlo dhowaanahan.
Shirkan waxaa ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni 25 Jannaayo 2024 maalinkaasi oo markale Deni loo caleema-saaray madaxtinnimada Puntland kadib dib u doorashadiisii 8 Jannaayo.
Xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa aad u xumaa tan iyo bishii May 2022 markaasoo Xasan Sheekh Maxamuud uu noqday madaxweynaha Soomaaliya. Puntland ayaa ka maqneyd dhammaan shirarkii Madasha Wadatashiga.
Deni ayaa ahaa musharax federaalka, hase yeeshee kuma guuleysan tartanka doorashadii 15kii May 2022. Waxaana kadib xumaaday wada shaqeynta isaga iyo Xasan Sheekh, taasoo markii dambe isu rogtay khilaaf ba’an oo sababay in Muqdisho ay hakiso lacagihii kabka miisaaniyadda ee lasoo marsiin jiray Dowladda Federaalka.
Dowladda Federaalka iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen carqaladeyntii doorashada qof-iyo-cod ee Puntland taasoo socon weysay ugu dambeyn bishii Nofembar ee sannadkii hore.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa markale ku guuleystay doorashada Puntland oo ay codeeyeen xildhibaano ay soo xuleen odayaasha beelaha.
Shirka Garowe iyo qorshaha Puntland
Madaxweyne Deni ayaa doonaya inuu miiska siyaasadda dalka isugu keeno dhammaan siyaasiyiinta mucaarad iyo mucaafad, waxaana doodda ugu weyn ay tahay in marka hore diiradda la saaro tabashada Puntland ay ka qabto arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso wax-ka-beddelka dastuurka oo si weyn la isugu khilaafsan yahay.
Hase yeeshee, khilaafaadka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka waxay ahaayeen kuwo soo taagnaa muddo dheer, iyadoo hannaanka federaalka iyo awood qeybsiga u dhexeynaya dowladda dhexe iyo kuwa gobollada uu markasta muran ka jiray.
Waa kuwan toddoba qodob ee ugu weyn ee laga filayo inay Puntland miiska soo saarto.
1. Arrimaha dastuurka
Puntland ayaa qabta in hawsha dib u eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka ay noqoto mid ay go’aan iyo talo ku yeeshaan dhammaan maamullada dalka, iyadoo la tixgalinayo awood qeybsiga ku saleysan 4.5.
Siyaasiyiinta Puntland waxay sheegayaan in iyadoo laga duulayo shirarkii dowlad dhiska ee keenay in Soomaaliya kasoo gudubto ku-meel gaarka ay tahay in hannaanka dib u eegista dastuurka ay noqoto mid ku yimaada ‘wadar ogol’, taasoo meesha ka saareysa in Barlamaanka Federaalka Soomaaliya uu kaliya yeesho awoodda wax-ka-beddelka dastuurka.
2. Hannaanka federaalka iyo awood qeybsiga
Puntland waxay si adag u diiddan tahay ku xadgudubka hannaanka federaalka oo ay ku eedeyso in madaxda Dowladda Federaalka ee Muqdisho inay doonayaan inay ka leexdaan nidaamka, taasoo dalka u horseedi karta in dib loogu noqdo dowlad dhexe oo Muqdisho kaliya laga maamulo.
Waxay qabtaa Puntland, in awoodaha dowladnimada qaarkood ay yihiin kuwo ay leeyihiin maamullada gobollada.
3. Arrinta Somaliland iyo waxa laga yeelayo
Sida uu dhowr jeer sheegay madaxweyne Deni, doodda dastuurka ee Puntland waxaa qeyb ahaan ay tahay in ka hor wax-ka-beddelka dastuurka in marka hore xal loo helo maqnaansha Somaliland, oo ah dowlad sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
Deni ayaa qaba in iyadoo qeyb ahaan maamulka SSC-Khaatumo ee cusub la keenayo miiska, qeybna laga siinayo wada tashiyada ku aaddan gobollada waqooyi in haddana ay lama dhaafaan tahay in la maareeyo arrinta Somaliland, maadaama dastuurka ay yeelaneyso Soomaali oo dhan oo ay ku jirto Soomaaliya.
Dowladda Xasan Sheekh ee hadda jirta ayaase qabta in wax-ka-beddelka dastuurka la wado oo aysan isku xirneyn arrinta Somaliland iyo dib u eegista dastuurka.
4. Qeybsiga kheyraadka iyo dhaqaalaha
Puntland waxay aaminsan tahay in hannaanka federaalka ay tahay inuu qeexo habka loo kala yeelanayo kheyraadka yo dhaqaalaha dalka, iyo awoodda uu gooni u lahaanayo maamul iyo deegaan kasta marka laga hadlayo kheyraadka dalka sida shuruucda shidaalka, kalluumeysiga, deeqaha dibadda iyo madax-bannaanida uu maamul kasta u lahaanayo in arrimaha horumarinta uu goonigiisa uga shaqeysan karo.
5. Ahmiyadda iyo sinnaanta maamullada
Maamulka Puntland oo ah kan ugu faca weyn maamullada hadda jira – oo xataa ka da’ weyn Dowladda Federaalka – isla markaana qaatay magaca ‘hooyada federaalka’ ayaa qaba in ay tahay in dhankooda wax badan oo dheeraad ah ay yeeshaan.
Tusaale, Puntland waxay qabtaa in iyada oo deegaano baaxad leh, nabadna ah maamusha dadkeeda ay ka sugayaan adeeg bixin illaa heer degmo iyo tuulo ah, halka maamullada kale ay yihiin kaliya kuwo ku kooban ‘hal magaalo’ sida Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.
Dooddan ayaa aad u soo xoogeysaneysay dhammaan shirarkii ugu dambeeyay ee tan iyo 2019 dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Puntland.
6. Doorashooyinka dambe iyo habka xulista barlamaanka
Maadaama sida muuqata doorashada 2026 ee Dowladda Federaalka ay noqon doonto mid aad loogu loollamo, siyaasiyiin badanna hunguri kaga jiro tartanka, ayaa waxaa markale doodaha siyaasadeed hareynaya habka loo geli doono doorashada 2026 iyo xulista xildhibaanada barlamaanka 12aad.
Qorshihii u dambeeyay ee Madasha Wadatashiga ee bishii Maarso 2023 ayaa lagu sheegay in doorasho qof-iyo-cod h loo guuri doono, walow rajada in la gaaro doorashada qof-iyo-cod iyo waxyaabihii sahli lahaa – oo ammaanku ugu horreeyo – aanan waxba laga qaban.
Shirka Garowe ayaase la filayaa in arrinta ka heshiinta doorashada 2026 ay ka noqoto qodob kale oo xiisaddiisa iyo kuleylkiisa wata. Madaxweyne Deni laf ahaantiisa ayaase laga yabaa inuu musharrax u yahay doorashada Soomaaliya ee 2026.
7. Arrinta SSC-Khaatumo
Maamulka madaxweyne Deni iyo nidaamka Xasan Sheekh hoggaamiyo ee Muqdisho waxay labada hab siyaasadeed u wajeheen arrinta SSC-Khaatumo oo midka kan kale uga dhigtay kaar siyaasadeed oo lagula dagaallamo.
Halka madaxweyne Deni uu taageero dhaqaale iyo mid ciidan siiyay dadka deegaannada SSC-Khaatumo dagaalkii ay la galeen Somaliland, ayaa dhanka kale Dowladda Xasan Sheekh waxay SSC-Khaatumo siisay aqoonsi aan cago badan ku taagneyn.
Hase ahaatee shirka Garowe ayaa la rajeynayaa in Puntland markale arrinta SSC-Khaatumo ay miiska keento si looga dhigo maamul buuxa oo ka mid ah hannaanka federaalka ee dalka, walow aysan caddeyn siyaasadda Villa Soomaaliya ku aaddan soo kordhinta dowlad goboleed lix ku noqon doona shantii hore u jirtay, iyo saameynta ay taasi ku yeelan karto gobollada kale ee laga yaabo inay doonayaan inay ka hoos baxaan maamullada kale ee dalka.