Muqdisho (KAAB TV) – Raadiyuhu weli waa xiddigga ay dad badan ka helaan xogta maalinlaha ah iyo macluumaadka la xiriira waxa kadhacaya adduunka, sida ay shaacisay hay’adda QM Febraury- 2016, 44000 oo xarun Raadiye oo ka howlgasha adduunka oo dhan waxaa dhegeysta oo ay la hadlaan 5,000,000,000 (Shan Bilyan) oo qof ama qiyaastii 70% dadka kunool dunida
Hay’adda Waxbarashada, Sayniska & Dhaqanka ee QM ayaa ku baaqday in dadweynaha adduunku uu helo xorriyadda hadalka oo ka sarreysa inta hadda xorriyad ahaan la hadli karo, iyada oo Teknolajiyaddu ay tartan kula jirto Raadiyaha iskuna howshay in kaalinta Raadiyuhu yaraato ayaa haddana waxa ay UNESCO sheegtay in Raadiyuhu weli yahay isha koowaad ee xogta ay kahelaan dad aad u tiro badan oo ku nool dunida.
“Raadiyuhu weli waa warbaahinta ugu gaarista badan ee leh dhegeystayaasha ugu tirada badan adduunka,” sidaas waxaa yiri UNESCO.
Iyada oo la cuskanayo Qiyaasta hay’adda QM 44000 oo xarun Raadiye ayaa adduunka oo dhan waxa ay la hadlaan oo ay macluumaad gaarsiiyaan 5 Bilyan oo qof, taas oo kadhigan in 70% dadka kunool adduunku ay xogta kahelaan Raadiyaha.
Soomaaliya waxa ay kamid tahay waddamada uu Raadiyuhu leeyahay dhegeystayaasha ugu badan islamraakana ay dhegeystayaal badan ka helaan xogta maalinlaha ah ee dadweynuhu u baahan yahay.
Raadiyaha ayaa kaalin wanaagsan ku leh Soomaaliya xilligii dowladnimada iyo ka dib, Idaacaddii ugu horreysay ee dhul Soomaaliyeed laga yagyeelo waxa ay ahayd Radio Hargeysa oo dhidibada loo taagay sanadkii 1941-kii, ka dib markii ay saldhigeen ciidamadii gumaystaha Ingiriiska, kuwaas oo ka taagay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
10 sanno ka dib gobollada Koofureed waxaa laga furay Raadiyihii ugu horreeyay, kaas oo huwan magaca Radio Muqdisho, waxaana la furay sanadka marka uu ahaa 1951-kii, waxa uu si toos ah u hawlgalay sanadka marka uu ahaa 1957-kii.
Markii ay midoobeen gobolladii Waqooyi iyo Koonfur, ayna ka xorroobeen gumaysitihii Ingriiska iyo Talyaaniga waxaa mid laga dhigay Radio Hargeysa iyo Radio Muqdisho, kuwaas oo hoos imaanayey dowladda. Sanadkii 1982-kii mucaaradka dowladda ayaa furtay Radio Kulmis oo ku hadli jirtay afka mucaaradka xilligaas.