Muqdisho (KAAB TV) – Bahda Dugsiyada Waxbarashada gobolka Banaadir ayaa kudhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah dilkii maalin kahor loogeystay Macalin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar oo wax kadhigi jiray Iskuul lagu magacaabo Maxamed Xirsi Nuur (Siidii) oo kuyaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Shir jiraa’iid oo lagu qabtay xarunta Iskuulka uu kuleeyahay degmada Wadajir ayaa ayaa waxaa lagu dhaleeceeyay dilkii foosha xumaa ee loogeystay AUN Macalin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar, iyagoona laamaha ammniga ee dowladda ugu baaqay iney gacanta kusoo dhigaan dambiilaha baxsadka ka ah cadaaladda.
Shirka Jiraa’iid ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in goobaha Waxbarashada eysan shaqeyn doonin muddo saddex maalmood ah, taas oo kabilaabaneysa maalinta Sabtida ah ee nagu soo aadan.
Kabilaabato maalinimada Sabtida ah ee nagu soo aadan waxaa gabi ahaanba shaqeyndoonin goobaha Waxbarashooyinka kuyaala gobolka Banaadir sida, Jaamacadaha iyo Iskuulada.
Ugudambeyn, Dilka marxuum Cabdiraxmaan Macalow Abiikar oo ahaa mid kamid ah Macalimiinta wax kadhigta Iskuulka Maxamed Xirsi Nuur (Siidii) ayaa waxaa dilka naxdinta leh ugeystay gabar Iskuulka dhiganeysay Walaalkeed kadib markii uu Macalinka uu canaantay sidaasna uu walaalkeed kusoo weerara Macalinka.

