Ganacsade caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo oo gobtiisa ganacsi lagu dhex toogtay

|

Gaalkacyo (KAAB TV) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dil maanta magaalada Gaalkacyo loogu geystay nin ganacsade ahaa, dilka ayaa waxaa geystay kooxo burcad ah sida lagu soo waramayo.

Ganacsadaha ladilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Tahliil Xaaji Aadan, waxa uuna kamid ahaa ganacsatada waa weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, dilka ayaa waxa uu kadhacay xaafad lagu magacaabo iiro Cabdullahi Yuusuf.

Sidoo kale, dadka deeganka aya inoo sheegay in xiliga marxuumka dilka loogeysanaayay uu kusugnaa goobtiisa ganacsiga, dilka kadibna waxaa goobta kabaxsaday raggii dilka geystay waxa ayna kubaxsadeen gaari sida ay dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen.

Dhanka kale, dilka kadib waxaa goobta gaaray laamaha ammaanka ee magaaalada Gaalkacyo, ilaa hadana wax faahfaahin ah kama aysan bixin dilkaasi, maadaama kooxda dilka geysatay aan heybtooda lagaraneynin.

Ugudambeyn, marar badan magaalada Gaalkacyo waxaa kadhaca dilal qorsheysan oo loogeysto waxgaradka magaalada, dilalkaas oo inta badan salka kuhaaya aanooyin qabiil oo kataagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News