LONDON (KAAB TV) – Maamulka hawada Soomaaliya waxaa muddo ka badan 27 sanno gacanta ku haayay Hay’adda QM ee Duulistada Rayidka ee Caalamiga (ICAO). Waxaana hawada laga maamuli jiray degmada Gigiri ee magaalada Nairobi, Kenya.
Sannadkii 2012 ayay Soomaaliya dalbatay in maamulka hawada loo soo wareejiyo, balse shuruudo badan ayaa loo baahnaa oo ay ugu horreyso heshiis ay u dhan yihiin dhinacyada Soomaalida iyo in la helo shaqaale aqoon u leh maamulka hawada.
Si shuruudaha loo buuxiyo, waxaa la billaabay qorista iyo tababarka shaqaale Soomaali ah.
Sidoo kale, heshiis ay qeyb ka tahay Somaliland ayaa la saxiixay. Labo heshiis oo la saxiixay mid ka mid ah ayaa si cad u sheegaayaa in Hargeysa iyo Muqdisho laga sameeyo 2 xarumood oo maamulka hawada ah.
July 2018 ayaa si rasmi ah loo soo wareejiyay maamulka hawada. Aqoonsiga xiriirka maamulka hawada uu ku hawlgalo waxaa loo daayay sidii hore MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR).
Hay’adda ICAO ayaa laga codsaday qalabeyn iyo tababarro. Waxayna hirgalisay 2 xarumood oo hagista diyaaradaha (Muqdisho iyo Hargeysa). Qalabka waxaa laga iibiyay Talyaaniga bishii March 2023.
Taas micneheedu waa in qalab isku mid ah u yaallo Hargeysa iyo Muqdisho, oo si isku mid ah u hagi kara diyaaradaha. Mana jirto wax gaar u ah Muqdisho oo aan ka ahayn code-ka la isticmaalo oo magaceeda uun uu ku jiro MOGADISHU FIR, waana sababta shalay Soomaaliya ugu dacwootay hay’adda ICAO markii Hargeysa ay toos ula hadashay diyaaradaha.
Bishii February 2023 ayaa Soomaaliya loo oggolaaday inay ku biirto CLASS A, oo micneheedu yahay in diyaaradaha maraya 24,500 cagood (heerka badda) iyo wixii ka sarreeya ee dulmaraya hawada Soomaaliya (oo berigii hore cid maamusha jirin) ay heli karaan xogta ay u baahan yihiin iyo hagis. Welise waa tijaabo uun (trial Class A).
Inta badan hawada Soomaaliya waxaa saaran digniin heerarkeedu kala duwan yahay oo ay bixiyaan Mareykanka, UK, France, Canada, Germany, Italy. Waxaana diyaaradaha caalamiga lagu wargeliyaa inaysan ka hoos marin 26,000 cagood marka ay dulmarayaan Soomaaliya, sababtana waa khatar weerar lagu qaadi karo xilli kasta.
Hay’adda ICAO weli waxay dul joogteyn ku sameysaa shaqada duulista ee Soomaaliya, waxaana markasta la siiyaa warbixinno.