SO | EN

SO | EN

Ciidanka Israaiil oo duqayn culus ku beegsaday goobo ay joogeen Dad rayid ah

|

Rafax  (KAAB TV) –  Ciidanka Israaiil ayaa duqayn xooggan ku beegsaday goobo ay degen yihiin Dad rayid ah oo ku sugan Rafax waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac, burbur iyo welwel xooggan oo soo wajahay Dadka rayidka ah ee halkaas ku sugan.

Qaar kamid ah Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqayntu ay u dhacday si isdaba-joog ah iyada oo dadka qaar xitaa la awoodi waayay in loo qaado goobaha caafimaadka maadaama diyaaradaha ay beegsanayaan Dadka dhaqdhaqaaqaya.

Weerarkaan Israaiil ee isir-tirka ah waxa ay ciidamadu ku doonayaan in ay dhul cusub ka degaan marka ay barakaciyeen qoysaska halkaas degen, taasina ay tahay tallaab in muddo ah ay ka digaysay Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa ku goodiyay in dagaallada iyo duqaymaha ay sii wadi doonnaan isaga oo dhegaha ka furaystay dhammaan soo jeedinta kala duwan sida in la aasaaso xabbad-joojin & joojinta dagaalladaas socda.

Qoysas badan oo fursad u helay in ay u tallaabaan dhinaca Masar ayaa Xuduudda ka gudbay iyaga oo gacmo maran, keliya waxa ay doonayaan in ay helaan goobo ay uga gabbaadsadaan duqaynta culus ee ku socota Magaaladooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News