Muqdisho ( KAAB ) – Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya dhacdooyinka lagu kala eryinayo dadka doonaya in ay cabiraan aragtidooda kuwaas oo isugu soo baxa waddooyinka caasimadda.
Dil ka dhashay dibadbax ciidanka ay diidanayeen ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo loo gaystay wiil dhallinyara ah oo ku sugnaa isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ahna mudane ka tirsan Barlamaanka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay rasaasta lagu furay dadka shacabka ah ee banaanbaxa ka dhigayay magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in Madaxwaynaha Soomaaliya laga doonayo inuu dib u xasuusto xanuunka ay leedahay in rasaas lagu furo dad doonaya in ay dhigaan dibadbax ay ku doonayaan in ay ku muujiyaan dareenkooda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in dastuurka uu damaanad qaadayo in dadka ay dhigaan banaanbax ay ku cabiraan dareenkooda iyaga oo aan u baahnayn wax fasax ah in la hor istaagana ay ka dhalanayso in sharciga la jabiyay.
‘’Allaah u naxariisto wiilka dhallinyarada ah ee ku dhintay rasaasta, kuwa dhawaca ahna Allaha u booga dhayo.
Shacabka Muqdisho marar badan ayey dalbadeen in magaalada maqaam loo sameeyo si ay u soo doortaan hoggaan ay la xisaabtami karaan, taasoo aan marar badan ku celcelinay, welina u taagannahay.
Ka sokow in ay masuuliyad saaran tahay, haddana waxaan xusuusinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, xanuunkii ay lahayd dibadbaxayaal la rasaaseeyo’’ ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Shalay ciidanka dowladda ayaa rasaas ku furay dibadbaxyaal ka cabanayay maamulka degmada wartanabadda ee magaalada Muqdisho.