SO | EN

SO | EN

Udiyaargarowga Ciidda oo ka socota Beledweyne

|

Baladweyne (KAAB TV) – Xilli ay fooda nagu soo heyso ciida barakeysan ee ciidul Fitriga oo ah ciid aad ugu weyn dadka Muslimiinta ah ayaa waxa diyaargarow ku aadan ciidaasi laga dareemayaa Magaalada baladweyne ee Xarunta Goobolka hiiraan.

Goobaha sida aadka ah looga dareemayo mashquulka ku aadan u diyaargarowga ciida barakeysan ee ciidul fitriga waxa kamid ah Suuqyada  dharka lagu iibiyo waxaana jira mashuul badan,

Maxamed cabdi oo kamid ah ganacsatada dharka iibiyo ayaa sheegay warbaahinta  in mudooyinkan danbe ay sidar dar leh ku socoto howlahooda shaqo isagoona sheegay in xilligani siweyn loo iibsanayo badeecooyinka ay iibiyaan.

 

Dadka suuqa ka adeeganayo ayaa u badan Caruur, Haween iyo dhalinyaro, waxaana dadkani ay suuqa ka iibsanayaan dharka noocyadiisa quruxda badan oo ay is leeyihiin maalinta ciida waad ku labisan kartaa.

 

U diyaargarowga ciida barakeysan ee ciidul fitriga ee laga daremayo gudaha magaalada baladweyne  ayaa ku soo beegmeysa xilli lagu gudo jiro 10-kii u danbeeyay ee bisha barakeysan ee ramadaanka islamarkaasina ay maalmo qura ka harsanyihiin ciidul fitriga oo ah ciid ay siweyn ugu dabaaldegaan muslimiinta ku nool Caalamka.

Inkastoo dadka ku dhaqan magaalada baladweyne  intooda badan doonayaan in ay farxad uga qeybqaataan ciida barakeysan ee Ciidul fitriga ayaa hadana waxaa jira caruur iyo dhalinyaro fara badan oo aan iyagu farxadaasi qeyb ka ahayn kuwaa oo ku dhaqan xerooyinka dadka barakacayaasha eek u yaala  Magaalada baladweyne , islamarkaasina la haadaa dhacaya raashiinka quutul duruuriga ah, waxaana ay dadkani Allah ka sokow garab ka sugayaan Walaalahooda Musliminta ah ee awooda in ay gargaaraan.

W/D : Bashiir Abdulahi Osmaan

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News