Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo jawaab kabixiyay carada ay Jabuuti kaqaaday heshiiska badda ee Itoobiya

|

New York (KAAB TV) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka jawaabay hadalkii wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh oo cadeeyey in Jabuuti iyo madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle ay si weyn uga caroodeen tallaabadii uu Muuse BIixi badda ku siiyey Itoobiya.

Sidoo kale, Ciise Keyd Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Maraykanka ayaa wareysi uu siiyay VOA, waxa uu u sheegay in wax dhibaato ah aysan u arkin hadalka wasiirka maaliyadda Jabuuti.

Isagoona xusay in Jabuuti aysan u geysan wax dhibaato ah, balse ay ka shaqeynayeen aayaha umadda reer Somaliland, markii ay gelayeen heshiiska Itoobiya, sida uu hadalkiisa u dhigay Wasiir Keyd.

Dhanka kale, waxaa la weydiiyey sababta ay uga baxeen heshiiskii ay garwadeenka ka aheyd Jabuuti ee dowladda federaalka Soomaaliya ay la galeen, wuxuuna ku dooday in halkaas wax heshiis ah aan lagu gaarin, taasina ay sababtay in Somaliland ay iska daneysato.

“Si fudud uma aanaan tegin Itoobiya, afar bilood ayaan ka shaqeynayey arrintaas, kulanka Jabuuti markii uu dhacayey anigu waxaan joogay Addis Ababa, taasi waxay keentay in madaxweynuhu uu Itoobiya tago si heshiiskaas uu u saxiixo, maadaama uu soo dhamaaday wadahadalkeenii anaga iyo Itoobiya”.

“Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya meel aad u wanaagsan ayuu marayaa, wax kastana waxay u socdaan sidii loo qorsheeyey,” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Ciise Keyd.

Ugudambeyn, Ciise Keyd  ayaa waxa uu meesha ka saaray in heshiiskaas uu ahaa falcelin ku saabsan heshiiskii ay garwadeenka ka aheyd Jabuuti, balse uu ahaa heshiis ay muddo afar bilood ah ka shaqeyneysay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo isagu uu hoggaamiyo.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News