SO | EN

SO | EN

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga oo sheegtay in 88,000 ay ku barakaceen Soomaaliya 3 bilood gudahood.

|

Muqdisho (KAAB TV)- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ilaa 88,000 oo qof ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2024-ka.

UNHCR waxay sheegtay in barakaca inta badan uu ka dhashay iskahorimaadyo ama amni-darro iyo saameynta muddada dheer ee fatahaadaha, kuwaasoo dhacay intii u dhexeysay Oktoobar iyo Disembar 2023.

“Khilaaf beeleedyada iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira dowladaha xubnaha ka ah federaalka (FMS) iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo FMS waxay sii halis gelinayaan xaaladda ammaan ee jilicsan,” ayay UNHCR ku tiri warbixinteedii ugu dambeysay oo ay ka soo saartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa xustay in xaaladda ammaan ee dalka ay weli tahay mid aan wanaagsanayn, iyadoo ay socdaan hawlgallo ciidan oo dib loogu soo celinayo dhulkii ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab oo marar badan mas’uul ka ahaa weeraro aan loo meel dayin oo inta badan dhibaato u geysta shacabka Soomaaliyeed ee caadiga ah.

Weerarada aargoosiga ah ee aan loo meel dayin ee ka dhanka ah kooxda hubaysan ee aan dawliga ahayn ayaa sababay dhimashada iyo barokaca dad aan waxba galabsan, ayay tiri UNHCR.

Dhanka kale, tobanaan sano oo colaado iyo amni darro ah, xiisado siyaasadeed, dhaqdhaqaaqyo beeleed, iyo isbeddelka cimilada ayaa sababay dhibaato bini’aadantinimo oo aan horay loo arag, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay.

“Roobabka mahiigaanka ah iyo fatahaadaha ayaa hoos u dhacay dhamaadkii 2023-ka, balse dhibaatada cimilada ayaa weli ka jirta Soomaaliya, saameynta haraadiga ah ee fatahaadaha iyo abaarta ayaa wali sii barakiciyay Soomaali badan,” ayay tiri UNHCR.

Waxay sheegtay in sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga iyo magangelyo-doonka, qaxootiga soo laabanaya, iyo barakacayaasha gudaha iyadoo lala kaashanayo dowladda, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, iyo la-hawlgalayaasha horumarinta iyo bani’aadamnimada ayaa weli ah mid ka mid ah mudnaanta koowaad ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News