Afhayeenkii Wasaaradda Gaashaandhiga oo xilka laga qaaday mid cusubna loo magacaabay

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka ka qaaday afhayeenkii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxa uuna magacaabay afhayeen cusub.

Sidoo kale, qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay in si loo dardargaliyo hawlgallada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo Al Shabaab in uu  X/le Abuukar Maxamed Xasan u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Dhanka kale, Wasiirka Gasahaandhigga Soomaaliya ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood kaga Mahad-celiyay shaqadii uu soo qabtay, waxa uuna ku ammaanay sidii waajibkiisa u gutay muddadii uu xilka hayay.

Ugudambeyn, Sargaalkan loo magacaabay afhayeenka cusub ee wasaaradda Gasahaandhigga Soomaaliya ayaa horey ciidanka ugu qaabilsanaa dhinaca wacyi-gelinta, waxa uuan ahaa nin dhallinyaro oo diinta si fiican u yaqaan aadna u baraarujin jiray ciidanka xoogga.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News