Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Farmaajo Oo Dhaliilay Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho.

|

MOGADISHU (KAAB TV) –  Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si kulul u dhaliilay shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed uu Farmaajo soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu ku sheegay walaaca uu ka qabo shan qodob oo muhiim ah oo ka soo baxay kulanka, kuwaasoo uu aaminsan yahay inay sii kordhin karaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

1-Maamulka Puntland: Farmaajo waxa uu tilmaamay ka maqnaanshiyaha Puntland ee shirka inuu muujinayo kalsooni darada ka dhex jirta haykalka dowladda. Waxa uu dhaliilay habka Madaxtooyada, isaga oo ku andacoonaya in uu wiiqayo dadaallada federaalaynta iyo dimoqraadiyeynta. “Maqnaanshaha Puntland waxay muujineysaa kalsooni darada weli ka jirta Golaha Wadatashiga Qaran iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka dhan ah federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka,” ayuu yiri Farmaajo.

2. Dastuurka: Madaxweynihii hore wuxuu rajo xumo ka muujiyay in shirka aan diiradda lagu saarin in dib loogu laabto qaabkii dastuuriga ahaa ee horay loogu heshiiyey. Wuxuu yiri “Shirka waxaa la filayey in lagu soo laabto nidaamka dastuuriga ah ee lagu heshiiyey, waana nasiib darro in hoggaanka dalka uu weli sii socdo”.

3. Doorashada maamul goboleedyada: Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay qaabka loo maamulayo doorashada dowlad goboleedyada, isagoo soo jeediyay in xeeladaha hadda socda ay sare u qaadi karaan xurgufta siyaasadeed halkii laga khafiifin lahaa. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo hannaan doorasho oo hufan oo loo dhan yahay.

4. Heshiisyadii ay hore u gaadheen golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka: Waxa uu dhaliilay sida ay u arkaan in aan la ixtiraamin heshiisyadii ay hore u gaadheen golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka. Farmaajo ayaa si maldahan u sheegay in madaxda hadda jirta aysan ka dhabeyn ballan-qaadyadii la doonayay in lagu helo xasillooni siyaasadeed iyo midnimo.
5. Hannaanka Doorashada Hal Qof iyo Cod: Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka loo soo jeediyay doorashada, isagoo ku dooday in aysan jirin wax loo dhan yahay iyo cadaalad. Waxa uu ka digay in habkan uu wax u dhimi karo geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo in dalka uu sii kala fogeeyo.

Hadalka Madaxweynihii hore ayaa dhaliyay in dadka falanqeeya siyaasadda iyo shacabka ay si weyn u falanqeeyaan, iyadoo dad badan ay ka doodeen saameynta ay ku yeelan karaan go’aannada Golaha wadatashiga Qaran ee siyaasadda Soomaaliya.

Farmaajo ayaa warsaxaafadeedkiisa ku soo gabagabeeyay baaq waxqabad, isagoo ku booriyay siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed inay wax ka qabtaan caqabadaha hortaagan dowladda. Waxa uu ka digay in halka hadda lagu socdo ay horseedi karto xiisad siyaasadeed oo sii kororto iyo xasilooni darro, taasoo dhaawac u keeni karta horumarka Soomaaliya.

Dhaleeceyntan ayaa u muuqata mid shacabka dib u xasuusineysa waxqabadkii Farmaajo ee hore iyo xiriirkii Villa Somalia iyo madaxda maamul goboleedyada intii uu madaxweynaha ahaa. Hadalkiisa ayaa sii kordhiyey dooda joogtada ah ee ku saabsan jihaynta dowladnimada Soomaaliya iyo doorka hay’adaha kala duwan ee siyaasadda ay ku leeyihiin qaabeynta mustaqbalka qaranka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News