Baledweyne (KAAB TV)- Tobanaan kun oo arday ah oo wax ka barata gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku qasbanaaday in ay ka baxaan iskuulada kadib markii roobab mahiigaan ah ay buux dhaafiyeen xarumaha waxbarashada iyo iskuulada qaarkood oo ay galeen biyaha wabiga ka markii uu ku tahay.
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta waxbarashada Soomaaliya, in ka badan 37,000 oo arday oo ku nool gobolka hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaan hadda waxba dhiganin sababo la xiriira fatahaadihii dhawaan sameeyay. Deegaanka ayaa waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah oo ka dhashay fatahaado xoogan oo ka dhashay iskuulada.
Waalidiinta ayaa ka walaacsan sida carqaladeynta waxbarashada ay u saameyn doonto waxqabadka ubadkooda ee imtixaanaadka qaran ee soo socda, waxaana sidoo kale dadku ay walaac ka muujiyeen macalimiinta deegaanka oo ku aadan saameynta fog ee waxbarashada.
“Agabkii wax lagu baranayay waa la burburiyay, fasalladana waxaa soo gaaray burbur, aad bay u adkaan doontaa in laga soo kabsado, waayo ardaydii u badnayd waxay u barakaceen meelo fog, wayna adkaan doontaa in dib loo soo celiyo oo duruustii dib loo bilaabo” ayuu yiri. Cilmi Xaashi Dhalin oo bare ka ah Soomaaliya.
Waalidiinta ardayda ay dhibaatadu soo gaartay ayaa ka codsaday dowladda inay soo farageliso.
“Halkan waxba lagama barto carruurta, meel walba biyo ayaa yaalla, ka waalid ahaan waxaan ka codsaneynaa wasaaradda waxbarashada in ay dugsiyo ka hirgeliso xayndaabyada sare, si marka xilliyada fatahaaddu timaado ay ardaydu u sii wataan howlahooda waxbarasho” ayuu yiri Barre. Cali Geedi, oo ah waalid arday ah.
Sanadkii hore ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay soo abaabushay imtixaano gaar ah kadib markii sidaan oo kale ay u dhaceen fatahaado ay carqaladeeyeen jadwalka imtixaanka. Saraakiishu waxay sheegeen inay wax walba oo ay awoodaan ku caawin doonaan.
“Ardayda gobolkan wax ka barata mar walba waxa ay ka walwalaan in aysan ka qeyb qaadan imtixaanaadka inkastoo dadaal badan iyo diyaar garow ay ugu jiraan fatahaada wabiga Shabeelle,waxaan rajeyneynaa in aysan taasi mar kale dhicin sanadkan”ayuu yiri Mustaf Cismaan Maxamuud agaasimaha waxbarashada Degmada Beledweyn ee Soomaaliya.

